Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Agoosto 2024

31 Aug 2024

Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Agoosto 2024

 

Horumarinta | Hay'adda FAO oo qalab soo saara tamarta cadceedda ka hirgelisay Kismaayo

FAO waxay suuqa kalluunka ee magaalada Kismaayo ee Magaala-madaxda Jubbaland ku rakibtay qalab casri ah oo soo saara tamarta cadceedda, si ay uga faa’iidaystaan bulshada degaanka oo una wanaajiyoo \hufnaanta suuqa.

Qalabka ayaa qayb ah mashruuca FAO ee RAAISE, kaas oo hoostaga barnaamijka Midowga Yurub ee ‘Horumarinta Dhaqaale ee Loo Dhanyahay’ ee loo yaqaanno (Inclusive Local and Economic Development). Barnaamijka ayaa hiigsanayaa in uu gacan ka geysto xasilloonida Soomaaliya isagoo ballaarinaya maamulka dowladda iyo adeegyada, kor-u-qaadaya dib-u-heshiisiinta iyo nabad-dhiska degaanka, abuuraya fursado dhaqaale oo loo siman yahay iyo ilaalinta dadka ugu nugul bulshada.  

Sida ay qabto FAO, qalabkan tamarta soo saara ee hal-abuurka leh wuxuu bixiyaa tamar joogto ah oo la isku halleyn karo taas oo aasaasi u ah joogteynta tayada kalluunka iyo taageeridda maciishadda degaanka.

RAAISE, oo u taagan  ‘Resilient Fisheries and Livestock Value Chain for Inclusive and Sustainable Growth in Somalia,’ ama ‘Kalluumeysiga Adkeysiga leh iyo Silsilada Qiimaha Xoolaha Nool ee loogu talagalay Kobaca Waara ee Loo Dhan Yahay ee Soomaaliya/Resilient Fisheries and Livestock Value Chain for Inclusive and Sustainable Growth in Somalia,’ ayaa loo nakh-shadeeyay sii wanaajinta adkeysiga ka hortagga kala duwanaanshaha cimilada iyo colaadda iyadoo kor loo qaadaiyo awoodaha hay'adaha, horumarinta silsilada qiimaha, iyo qaabka guud ee shuruucda ee guud ahaan Soomaaliya.

Click here for more

 

Caafimaadka | IOM oo taageertay daryeelka caafimaad ee hooyooyinka iyo dhallaanka

Magaalada Garoowe, magaala madaxda Puntland, ayaa IOM iyo Wasaaradda Caafimaadka Dowlad-geboleedka ayaa ka wada shaqeeyay xal-u-helidda caqabadaha juqraafi iyo in ay si toos ah adeegyada daryeelka caafimaadka ee aasaasiga ah loo gaarsiiyo dadka barakacayaasha ah.

Iyadoo adeegsaneysa todobbo rugo caafimaad oo guurguura ah, ayay IOM waxay daryeelka caafimaadka muhiimka ah gaarsiisay bulshooyinka ku dhaqan degmooyinka Burtinle, Dan Gorayo, Xamur, Abaarey, Garowe, Godobjiran iyo Jariban, iyada oo diiradda la saarayo daryeelka dhalmada ka-dib.

Tan iyo markii ay daahfurtey rugta caafimaadka guurguura ee ugu horreysay bishii Maajo 2013, IOM waxay kumamaan kun oo Soomaali ah gaarsiisay adeegyo ay ka mid yihiin la-talin joogto ah, caafimaadka hooyada, nafaqada iyo tallaalka.

Sida ay qabto IOM, baabuur ku qalabeysan sahayda caafimaadka aasaasiga ah, oo ayna ka hawlgalaan xirfadlayaal daryeelka caafimaadka u heellan, ayaa si toos ah u gaarsiinaya adeegyada quudinta carruurta yaryar iyo kuwa dhowaan dhashey ee bulshooyinka aan helin adeegyada aasaasiga ah.

Click here for more

 

Dhallinyarada | UNFPA oo ku dhawaaqdey xarumaha dhallinyarada Baraawe iyo Dhuusamareeb

Munaasabad ka dhacdey magaalada Muqdisho oo loogu dabbaaldegayay Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada, oo sanad walba la xuso 12ka bisha Agoosto, ayay UNFPA waxay kaga dhawaaqdey furitaanka laba xarumood oo kuwa dhallinyarada ah oo cusub oo laga hirgelinayo magaalooyinka Baraawe iyo Dhuusamareeb.

Hadalladii Ku-simaha Ergeyga UNFPA u qaabilsan Soomaaliya, Dr. Mary Otieno, ka jeedisey munaasabadda ayay ku sheegtay in xarumaha ay noqon doonaan xarumo muhiim u ah barashada aqoonta dhijitaalka ah, hal-abuurka ganacsi, iyo hal-abuurka kale, in dhallinyarada awood loo siiyo xirfadaha loogu baahan yahay mustaqbalka waara. Waxay sidoo kale hoosta ka xarriiqday muhiimadda ay leedahay maalgelinta dhallinyarada si loo gaaro horumar waara.

Dabaaldegga ayaa loo qabtay si waafaqsan Hal-ku-dhegga xuska sanadkan: ‘From Clicks to Progress: Youth Digital Pathways for Sustainable Development.’ Ama Kilig-gareyn ilaa Horumar: Waddooyinka Dhijitaalka ah ee Dhallinyarada ee Horumarka Waara.

Munaasabadda waxaa khudbado ka kala jeediyay mas'uuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga, Maxamed Barre, oo tilmaamay kaalinta muhiimka ah ee ay dhallinyaradu ku leeyihiin horumarinta Soomaaliya.

Click here for more

 

Tallaalka | UNICEF dardar-gelisey horumarka laga gaarayo xaqiijinta tallaalidda cunug kasta

Dowladda Soomaaliya, WHO iyo UNICEF ayaa iska kaashanaya dadaallada lagu dardar-gelinayo horumarka laga gaarayo xaqiijinta tallaalidda cunug kasta.

Ugu horreyn, Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa daaha ka rogey Guddiga Heer Qaran ee Tallaalka iyo Ciribtirka Cudurka Dabaysha ee Soomaaliya (SIPE), kaas oo la soconaya iskuna duwaya dadaallada ciribtirka cudurka dabaysha iyo tallaalka ee ka socda guud ahaan dalka iyadoo la adeegsanayo tallaalo naf-badbaadinaya. 

Marka labaad, hindisaha ‘Big Catch-up’ ama ka-daba-geynta weyn ayaa si isku mar ah looga bilaabay dowlad-goboleedyada dalka.

Hindisaha ayaa ka socda guud ahaan dalka waxaana uu hiigsanayaa in uu gaaro 1.5 milyan oo ah carruur ay da'doodu ka yar tahay shan sano kuwaas oo aan weligood qaadan tallaal, iyo kuwa aan tallaalka loo dhammeystiran.

Sida ay qabto UNICEF, tallaalidda carruurtu waa mid ammaan ah oo naf-badbaadinaysa, ka hortaggana ayaa ka fiican daaweynta.

Click here for more

 

Bani’aadamnimada | OCHA iyo dowladda Soomaaliya ayaa xusay Maalinta Bani'aadamnimada Adduunka

Xuska Maalinta Bani'aadamnimada Adduunka ee sanadkan, bah-wadaagta bani'aadamnimada Soomaaliya – oo uu hoggaaminayo Isuduwaha Arrimaha Bani'aadamnimada ee dalka George Conway – ayaa dhinacyada oo dhan ugu baaqey ilaalinta dadka rayidka ah iyo shaqaalaha hawlaha samafalka ka shaqeeya ee ku sugan degaannada ay colaaduhu ka jiraan.

Soomaaliya waxaa haystey mid ka mid ah dhibaatooyinka bani'aadamnimada ee ugu ba’an caalamka iyadoo malaayiin qof ay wajaheen dhibaatooyin ka dhashey gilgilaadaha cimilada ee soo noqnoqda ee sii xoogeysanaya, colaado daba-dheeraaday, cudurro ka dillaacay, iyo gilgilaado dhaqaale.

Ilaa hadda sanadkan, 124 dhacdo oo saameeyay soo-gaarista gargaarka bani'aadamnimada ayaa la diiwaangeliyay, oo ay ku jiraan 12 shaqaale oo ka shaqeeya arrimaha samafalka oo dhaawacmey iyagoo ku guda jira hawlaha gargaar gaarsiinta iyo 13 dhacdo oo isugu jira weerar gacan ka hadal ah, dhibaateyn iyo caga-jugleyn. Sidoo kale, laba ka mid ah shaqaalaha gargaarka ayaa sanadkan la dilay iyagoo ku guda jira gudashada waajibaadkooda shaqo. Sanadkii 2023, afar ka mid ah shaqaalaha gargaarka ayaa la diley.

OCHA waxay qabatey munaasabado lagu xusayo maalinta oo ay ka soo qaybgaleen wakiilo ka socda bah-wadaagta bani'aadamnimada oo ka dhaxey magaalooyinka Muqdisho, Garoowe, Baydhabo iyo Dhuusamareeb.

Click here for more

 

Argagaxiso | QM oo cambaareysay weerarkii argagixisanimo ee lagu qaaday Xeebta Liido

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii argagixisanimo ee Al-Shabaab ee ka dhacay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho horaantii bisha Agoosto, kaas oo la sheegay in lagu dilay ugu yaraan 32 qof tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Qarammada Midoobay ee Soomaaliya oo war ka soo saartey, ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoysaska iyo ehellada dadkii ku dhintay qaraxaas, waxayna u rajeysay kuwa ku dhaawacmay in ay si dhaqso ah u bogsadaan.

“Xeebta Liido waa meel caan ah oo ay Soomaalidu waqti kula qaataan qoysaskooda iyo asxaabtooda, kuna raaxaystaan bilicda xeebaha Soomaaliya.  In goobtan la bartilmaameedsado waa fal foolxun oo mudan cambaareynta ugu adag,” ayuu ku yiri Sii-hayaha Xilka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, hadalkiisa.

“Annagoo ku biirayna dhammaan dadka Soomaaliyeed ee nabadda jecel ee u baroordiiqaya dhibaatadan murugada leh, waxaan mar kale xaqiijinayaa in Qaramada Midoobay ay taageerayso Dowladda Federaalka Soomaaliya ayna ku garab taagan tahay dadaallada ay ugu jirto inay xaqiijiso nabadda, amniga, iyo xasilloonida dalka,” ayuu raaciyay.

Click here for more

 

Miino-saaridda | UNMAS oo xoojinaysay awoodaha Hay’adda Maareynta Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa ee Soomaaliya

UNMAS ayaa tababbar tayo hubinta iyo miino saarista bani'aadamnimada ah u qabatey 13 wakiil oo ka socda hay'adda Maareynta Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa (SEMA) kana kala yimid Dowlad-goboleedyada Soomaaliya iyo magaalada caasimadda ah, ee Muqdisho. 

Tababbarka ayaa hadafkiisa ahaa xoojinta awoodda ka-qaybgalayaasha ee hirgelinta hannaanada tayo-hubinta iyo la-socoshada bedqabka iyo hufnaanta hawlgallada miino-saarista. Tababbarada waxaa ka mid ah hawlo gacan-ka-qabasho ah iyo kuwa nadari ah si kor loogu qaado kartida kooxda iyo si la isugu duwo hawlaha miino-saarista ee ka socda dalka. 

Wejiga sharaxaadd afka ah ee tababbarka ayaa waxaa lagu bartey miino-saaridda, sahamada, waxbarashada halista walxaha qarxa, tayo hubinta iyo xog xaqiijinta, iyo mowduucyo kale. Intii lagu guda jiray wejiga gacan-ka-qabashada tababarka, ka-qaybgalayaasha waxay ku noqdeen saldhigyadooda si ay u sameeyaan baaris gacan-ka-qabasho ah oo ay ku sameynayaan hawlaha socda ee ay gacanta ku hayaan shaqaalaha ka shaqeeya miino-saarista, iyagoo adeegsanaya aqoontii ay barteen.

Click here for more

 

Horumarinta | UNDP oo taageeraysa nidaamka aqoonsiga qaranka ee Soomaaliya

UNDP iyo Hay'ada Diiwangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha ee Soomaaliya (NIRA) ayaa waxay magaalada Nayroobi, ee dalka Kenya, kulan xog-waraysi ah kula yeesheen deeq-bixiyeyaasha waxaana diiradda lagu saarey waxyaabihii hordhaca ahaa ee lagu oggaaday hawl-galka wadajirka ah ee hay’adaha NIRA iyo UNDP.

Hawlgalka  waxaa looga dan lahaa qiimeynta qaabka guud ee maamulka waraaqaha Aqoonsiga ee Qaranka iyo Kaabayaasha Guud ee Dijitaalka ah, iyo sidoo kale caqabadaha hortaagan hirgelinta nidaamka aqoonsiga dijitaalka ee xuquuqda ku saleysan, daahfuran, ee loo dhan yahay.

Kulanka xog-wareysiga ah waxaa shir guddoominayay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cabdixakiim Xasan Ashkir, oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee NIRA, Cabdiweli Cabdulle.

UNDP waxaa weli ka go'an in ay taageerto NIRA iyadoo kobcineysa wadatashiyada, xoojinaysa awoodda hay'adda, oo kor-u-qaadeysa waxbarasdhada madaniga ah. Dadaalladan waxaa loogu talagalay xaqiijinta hirgelinta wax-ku-oolka ah ee nidaamka waraaqaha aqoonsiga (ID) ee Soomaaliya.

Click here for more

 

Difaaca | UNSOS ayaa ciidamada ammaanka Soomaaliya ku tababbartey qalabka isgaarsiinta ee casriga ah

Iyada oo ay socdaan weerarro ka dhan ah kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, ayay UNSOS waxaa 20 ka mid ah ciidamada amniga Soomaaliya ay Muqdisho ugu qabatey tababar ku saabsan hababka isgaarsiinta casriga ah.

Tababbarka, oo ay soo qabanqaabisay Qaybta Tiknoolajiyadda Gudaha ee UNSOS, wuxuu qayb ka ahaa dadaallada socda ee karti-dhisidda ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (CBS) si ay mas'uuliyadaha amniga ugala wareegaan Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika (ATMIS) dhammaadka 2024. 

Tababbarkan gacan ka qabashada ah wuxuu socday shan maalmood, waxaanna diiradda lagu saarey qalabka isgaarsiinta Motorola si ciidamada CXDS iyo CBS loogu suurageliyo in ay dhisaan awoodda farsamo ee loo baahan yahay.

“Tababbaridda iyo qalabeynta Ciidamada Amniga Soomaaliya ayaa suurageliyay oo sii wanaajiyay xaaladaha shaqo iyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa ciidanka xoogga iyo booliska. Waxaan UNSOS ugu mahadcelinaynaa taageeradan la taaban karo ee ay na soo gaarsiisay xilligan xasaasiga ah oo ah xilli isbeddel badani uu ka dhex dhacayo ciidamada xoogga,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin.

Click here for more