Soomaaliya: Mas’uul ka tirsan QM ayaa ka warbixiyay horumarka doorashooyinka, caqabadaha amniga ee jira

4 Oct 2024

Soomaaliya: Mas’uul ka tirsan QM ayaa ka warbixiyay horumarka doorashooyinka, caqabadaha amniga ee jira

New York – James Swan, sii hayaha xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ahna Madaxa Hawlgalka QM ee Kaalmada Soomaaliya (UNSOM), ayaa Golaha Amaanka  warbixin ku siiyey magaalada New York isaga oo uu weheliyo Mohammed El-Amine Souef, Madaxa Hawlgalka Ku-meelka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Hawshii UNSOM ayaa waqtigeedu dhammaanayaa bishan dhammaadkeeda, waxaana ay Soomaaliya soo jeedisey geeddi-socod laba sano soconaya oo hawlaha loogu wareejinayo hay’adaha qaranka iyo Kooxda QM ee Dalka iyada oo dhimista ciidamada ATMIS-na ay socoto.

Wax-ka-beddelka Dastuurka

Mudane Swan ayaa carrabka ku adkeeyey horumarkii dhowaan laga gaarey dhinaca siyaasadda. Bishii Maarso, baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa wax-ka-beddel ku sameeyey afarta cutub ee ugu horreeya dastuurka ku-meelgaarka ah, waxaana guddiga dib-u-eegista dastuurka uu hadda ka shaqeynayaa shanta cutub ee ku xiga.

Waxa bilowday wadatashiyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, ururrada bulshada iyo daneeyeyaasha kale ee muhiimka ah wadatashiyo lagala yeelanayo wax-ka-beddelka la soo jeedinayo ee la halmaala cutubyadan. Kuwaas waxaa ka mid ah sida ay awoodaha iyo kheyraadka u qaybsanayaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka.

Doorashooyin qof iyo cod ah

Horumar ayaa sidoo kale laga gaarey qeexidda qorshe doorashooyin qof iyo cod ah. Golaha Wasiirada ee Federaalka ayaa ayidey saddex hindise sharciyeed oo la xiriira geeddi-socodka, oo ka hadlaya arrimaha ay ka mid yihiin dhisidda guddiga madaxa-bannaan ee soohdimaha.

“Ka-guuridda hannaankii hore ee doorashooyinka dadbanaa ee looga guurayo hannaanka cusub ee qorsheysan ee doorasho hal qof iyo hal cod ah waxaa ay u baahan doontaa wada-tashiyo ballaaran oo loo dhan yahay iyo in dhammaan daneeyeyaashu ay doonaan in ay ka qaybgalaan wadahadal si loo gaaro heshiis siyaasadeed,” ayaa uu yiri.

La-dagaallanka Al-Shabaab

Dhinaca kale, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa weli Dowladda u ah arrinta amniga la xiriirta ee ugu muhimsan. Mudane Swan ayaa xusey in inkasta oo Soomaaliya ay bixineyso dadaallo amaan mudan oo lagu joogteynayo hawlgallada mileteri ee ka dhanka ah xagjirka, haddana waxaa culeys lagala kulmey diyaarinta ciidanka.

Isla waqtigaa, maamullada ayaa mas’uuliyado amni kala wareegaya ATMIS, iyada oo loo gudbayo Hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Kaalmada iyo Xasilinta Soomaaliya / AU Support and Stabilisation Mission in Somalia (AUSSOM) iyo barnaamijyo muhiim ah laga fuliyo degaannada la xoreeyey. 

Qaadistii xayiraadda hubka ee laga qaadey dowladda ayaa fududeysey in ay hesho hub iyo sahay dheeri ah, ayaa uu ku darey hadalkiisa, isaga oo tixraacaya Qaraarkii Golaha Amaanka ee 2713, ee la ansaxiyey bishii Deisembar. 

Is-hortaagidda argagaxisada

Mudane Swan ayaa sheegey in Al-Shabaab “ay si joogto ah u muujineyso in aaney wax dan ah ka lahayn nafta dadka rayidka ah” iyada oo hub aan toos ahayn ku qarxisa degaannada ay dadku ku badan yihiin, iyada oo adeegsata qaraxyo macmal ah iyo weerarro is-miidaamin ah, oo uu ka mid yahay qaraxii is-miidaaminta ahaa iyo dilkii badnaa ee bishii Agoosto  ka dhacay Xeebta Liido ee caasimadda, Muqdisho. 

Isaga oo hoosta ka xarriiqaya cambaareynta QM ee weerarrada noocaas ah, waxaa mar kale uu sheegey sida ay u taageersan yihiin in Dowladda Federaalka iyo dadweynaha ay dagaal kula jiraan argagaxisanimada iyo xagjirnimada.

“Dhinacaa marka laga eego, waxaan sidoo kale xusayaa kororka ay kordheen joogtitaanka iyo dhaqdhaqaaqyada kooxda Daacishta Soomaaliya.,” ayaa uu yiri. 

Xallinta xiisadaha gobollada

Ergeyga QM ayaa sidoo kale welwel ka muujiyey xiisadaha-goboleed ee ka dhashey Heshiiskii Is-fahamka ee bishii Jannaayo ay ku dhawaaqeen Itoobiya iyo “Somaliland”, gobolka gooni-isu-taagey ee waqooyiga dalka. 

Waxaa uu Itoobiya iyo Soomaaliya ku tirtirsiiyey in ay ka shaqeeyaan xal diblomaasiyadeed oo lagu xalliyo arrinta waxaana uu amaaney dadaallada dhexdhexaadinta ah, oo uu ka mid yahay kan ay waddo Türkiye.

Malaayiin ayaa baahan

Waxaa uu sidoo kale ku baaqey in la dejiyo xiisadaha gobollada Sool iyo Sanaag ka jira iyo sidoo kale in la joogteeyo helitaanka gargaar bani’aadamnimo.

Baahiyaha gargaar bani’aadamnimo ayaa weli ah kuwo mug leh guud ahaan Soomaaliya, halkaas oo malaayiin dad ah ay raad ku yeesheen gilgilashooyinka cimilada ee sii xoogeysanaya, colaadda, cudurrada dillaaca iyo saboolnimada baahsan.

Inkasta oo qiyaastii 6.9 milyan qof ay sanadkan u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo, tiradaas oo horey u ahayd 8.3 milyan sanadkii 2023, ayaa baahiyuhu ay aad u xun yihiin, haseyeeshee qorshaha bani’aadamnimada ee ah $1.6 bilyan ayaa hadda maaliyad loo heley keliya 37 boqolkiiba. 

Waxaa halis ku jirta xasiloonida Gobolka

Mudane Souef ayaa amaaney sida ay Soomaaliya uga go’an tahay kobcinta xasiloonida iyo horumarka qaranka iyo waxaana uu soo dhoweeyey dadaallada wax looga qabanayo khilaafka kala dhexeeya Itoobiya.

Dhinaca Al-Shabaab, waxaa uu xusey  in wararka sheegaya in kooxdu ay soo heleyso gantaallo iyo diyaarado yaryar oo is-wada (drones) uu yahay arrin welwelkeeda leh.

“Sidoo kale, halista isa soo tareysa ee is-dhexgelidda iyo iskaashi dhex mara Al-Shabaab iyo Xuuthiyiinta ayaa iyana ah culeys amni oo mug leh,” ayuu yiri isaga oo ka hadlaya kooxda fallaagada ah ee Yaman.

Waxa socda ayaa “halis ku ah xasiloonida gobolka Geeska Afrika iyo sidoo kale mushaaxidda badda iyo waddooyinka maraakiiba ee Badda Cas, Badweynta Hindiya iyo gacanka Musanbiig.”

Mudane Soeuf ayaa ku warramey in “horumar la taaban karo” laga gaarey mas’uuliyadaha amni ee laga soo wareejinayo ATMIS  oo loo wareejinayo ciidamada amniga Soomaaliyeed ka hor inta aysan dalka ka bixin bisha Diseembar. 

Wejigii ugu dambeeyay ee dhimista ciidamada waxaa lagu arkay lix ka  mid ah sideedda Saldhigo Ee Furiimaha Hore (FOBs) loo cayimay in la wareejiyo in lagu wareejiyay mas’uuliyiinta Soomaaliya. Rajada la qabo waxay taahy in labada harsan la wareejin doono bisha dhammaadkeeda.

ATMIS waxaa la qorsheeyay in day Soomaaliya ka baxdo 31-ka Disembar iyadoo hawlgalka cusub ee Midowa Afrika, AUSSOM, uu bilaabanayo 1da Jannaayo.

Xigasho: UN News