Nuura Cali, haweeneyda ugu horreysay ee ku biirta ciidanka booliska oo tusaale wanaagsan u ah dadka kale

27 Dec 2017

Nuura Cali, haweeneyda ugu horreysay ee ku biirta ciidanka booliska oo tusaale wanaagsan u ah dadka kale

Sharci dhowrista ma ahayn shaqo ay inta badan door bidayeen haweenka Soomaaliyeed xilligii ay soo koreysay Nuura Jaamac Cali sanadihii 70-meeyadii.

Balse dhallinyaranimadeeda waxaa ay dooratay in ay qaaddo waddo aanay inta badan bulshadu oggolayn, waxaa ayna ku biirtay Ciidanka Booliska Soomaaliya sanadkii 1982-dii, 35 sano kaddibna waxaa ay noqotay kormeeraha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

“Waxaa igu dhaliyay in aan ciidanka booliska ku biiro rabitaanka aan rabay in aan u adeego dadkeyga,” ayay tiri Marwo Nuura Jaamac Cali, oo ka mid ah qaybta booliska ee u qaabilsan madaxda, oo mas’uuliyaddooda ay tahay maareynta arrimaha baratakoolka. “Waan jeclahay shaqada booliska, mana ku noolaan karo meel aysan joogin ciidanka booliska.”

Waxaa ay ku sigatay dhimasho kaddib qaar ka mid ah weerarrada argagixisada ay dhowaanahan la beegsanayeen qaybo ka mid ah Muqdisho. Dhacdadii ugu dambeysay waxaa ay ahayd markii baabuur walxaha qarxa laga buuxiyay lagu qarxiyay caasimadda Soomaaliya, 14-kii Oktoobar ee sanadkan, halkaas oo ay ku naf waayeen in ka badan 500 oo qof – waa fal argagixiso oo abid ugu darnaa taariikhda dalkeeda. Marar kale oo ay sigatay waxaa ka mid ah markii ay ka badbaadday qaraxii ka dhacay xarunta tababarka booliska oo ay 17 oo asxaabteeda ka mid ah ay ku naf waayeen kaddib weerar uu geystay naftii halige 14-kii bisha Diseembar.

Hase yeeshee, dhacdooyinka oo ay Marwo Nuuro ku sigatay geeri ma aysan ka niyad-jabin in ay ka sii mid ahaato Ciidanka Booliska Soomaaliya, oo ay isaga baxday sanaddii 1991-dii kaddib markii uu Soomaaliya ka qarxay dagaallo sokeeye, waxaa ayna dib ugu biirtay sanadkii 2002-dii.

“Waxaan ka badbaaday dhowr qarax,” ayay tiri kormeeraha booliska oo hadda jirta 52 sano, labo carruurna leh. “Balse mar haddii aan u adeegayo dadkeyga iyo calankeyga, cabsi igama hayso bad-qabkeyga. Ilaahay ayaan talo saartay, wax cabsi ahna ma qabo,”

In kasta oo muwaaddiniinta la mid ah ay ka fogaadaan shaqada boolisnimada iyo khatarta la xiriirto, Marwo Nuura Jaamac Cali waxaa ay ku lebisataa astaanta Ciidanka Booliska Soomaaliya, waxaana u muuqdaa ifafaalo wanaagsan ee dhanka ciidanka.

“Waan jeclahay sida dardarta ah oo ay hay’adda booliska u horumareyso. Dad badan hadda way ku faraxsan yihiin shaqada ay qabanayaan ciidamada booliska,” ayay tiri iyada oo intaasi raacisay in weli loo baahan yahay agab iyo tababar dheeraad ah si loo suurtageliyo Ciidanka Booliska Soomaaliya in ay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda boolisnimada ee guud ahaan dalka.

Qaab-dhismeedka taliska dhexe ee ciidanka booliska Soomaaliya ayaa dib u habeyn lagu sameynayaa iyada oo loo marayo habka cusub ee booliska oo la ansixiyay 2016-ka, iyada oo taageerro laga helayay Hay’adda Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM). Habka cusub ee booliska waxaa uu u qaybin doonaa 32,000 oo ciidan boolis ah ciidanka booliska heer federaal iyo heer maamul goboleed, iyada oo ciidamada booliska ee heer maamul goboleed ay hoos amarka ka qaadan doonaan maamul goboleedyada ay hoos imaanayaan halka ay amarka ka qaadan lahaayeen xarunta dhexe ee Muqdisho.

UNSOM iyo AMISOM ayaa sidoo kale kumanaan askar ah oo ka mid ah ciidanka booliska Soomaaliya ee qaybo badan ee ka mid ah dalka ka caawinayaa barnaamijyo tababar ah sida howlgallada wax ka qabashada miinooyinka iyo horumarka dhowrista xuquuqda aadanaha.

Iyada oo ay sii badanayaan fursadaha ay haystaan Ciidanka Booliska Soomaaliya, iyo xilli ay heerka shaqo la’aanta ee dhallinyarada Soomaaliya uu aad u sarreeyo, waxaa ay ku rajo weyn tahay in ay aragto dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed – rag iyo gaar ahaan haween – oo ayada ku dayanayo oo shaqo ahaan u dooranayo dhowrista sharciga sanadaha soo socda.

“Booliska waxaa uu u baahan yahay dhallinyaro iyo dadkafirfircooon,” ayay xustay. “Waxaan u baahannahay in aan sare u qaadno tayada booliska ee dalka inaga oo qoreyno dad aqoon leh, gaar ahaan dhallinyarada ka soo baxaya jaamacadaha.