Xamdi Cali: halgamo Halyeeyad u taagan xuquuqda haweenka iyo gabdhaha ee Soomaaliyaeed

31 Dec 2017

Xamdi Cali: halgamo Halyeeyad u taagan xuquuqda haweenka iyo gabdhaha ee Soomaaliyaeed

Dal hadda uun bilaabay inuu ka soo baxo dhaqanka ah in raggu ay wax walba maamulaan, ayaa Xamdi Maxamed Cali oo 23 jir ah waxaa ay aad ugu hanweyntahay waxbarashada gabdhaha iyo xuquuqda haweenka.

Xamdi waa guddoomiyaha Ururka Gabdhaha Aqoonyahaannada Soomaaliyeed (UGASO) – kaas oo isku keenna gabdahaha da’yarta ee aqoonyahaannada ah, kuwaas oo ujeedkoodu yahay in ay horumariyaan maqaamka haweenka Soomaaliyeed.

“Gabdhaha intooda badan ma helaan fursad waxbarasho, kuwa helona  guryaha ayay ku dambeeyaan oo ugama faa’iideeyaan naftooda bulshadoodana kuma horumariyaan,” ayay tiri Xambdi. “Waxbaridda haweenkau waa sheyga kaliya ee looga hortagi karto burburka qoysaska iyo guurka degdegga ah ee bulshada dhexdeeda ah.”

Sida laga soo xigtay Hay’adda Qaramada Midoobay ee u qaabilsan Haweenka, oo ah hay’ad ku howlan sinnaanta jinsiga iyo awoodsiinta haweenka, dumarka Soomaaliyeed waxaa ay u dhabar adeygaan dhibaatooyinka uga yimaada saboolnimo, colaadda iyo dhaqan ku saleysan qabiil, kaas oo dhiiriggeliya in ay raggu kaligood maamulka hayaan. Tani waxaa sii xoojiya caqabado dhinaca diinta oo si khaladn loo tarjumo iyo dhaqanka ee ku aaddan dowrka iyo darajada haweenka ee bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo horseeda sinnaan la’aan baahsan ee dhinaca jinsiga.

Si loo xaqiijiyo in farriinteedu ay gaarto in badan oo bulshada ka mid ah, Xamdi iyo saaxiibadeedau waxaa ya marar badan ka qayb-galeen barnaamijyada talefiishanada iyo idaacadaha iyaga oo ka hadla arrimaha jira oo dadweynaha wax ka bara mowduucyada ku saabsan jinsiga.

“Jawaab-celinta aan maanta helno waa in gabdho badan ay fahmayaan in waxbarashada ay muhiim tahay, horumarna leedahay,” ayay tir gabadhan oo ka qalin jabisay Jaamacadda Salaam, oo ah jaamacad gaar loo leeyahay ee ka howlgasho Muqdisho, halkaas oo ay ka baratay sheybaarka.

“Barnaamijyada raadiyaha iyo talefiishinnada waxaa ay nagu caawiyeen in aan hadafkeenna ku guuleysanno,” ayay raacisay. “Gabdho badan oo markii hore guryaha iska joogay hadda waa ay is beddeleen. Hadda ama waxaa ay aadaan shaqo ama dugsiyada – waa tallaabo gaaban, balse mustaqbalka waa mid ifafaalo fiican leh.”

Marka lagasoo tago barnaamijyada warbaahinta, Xamdi iyo xubnaha kale ee ururka UGASO waxaa ay qaban-qaabiyaan siminaarro iyo kulamo looga hadlo mowduucyo kala duwan sida siyaasadda iyo caafimaadka si loo ballaariyo aqoonta dumarka iyo gabdhaha, loona siiyo fursad ay dad kale ku bartaan.

“Waxaan sidoo barakacayaasha u qabannaa fasallo, waxaana siinnaa caawimaad lacageed marka aan awoodno,” ayay tiri Xamda, ayada oo tilmaameysa in ka badan labo milyan oo barakacayaal ah, oo intooda badan ku barakacay abaaraha daran iyo colaadda kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Hase ahaate, Xamdi halkan kuma aysan gaarin si fudud, gaar ahaan maadaama ay joogto waddan uu labaatan iyo dhowr sano ka socday dagaalo, oo haddana dambeeya dhinaca xuquuqda dumarka iyo dhinaca helitaankooda waxbarashada.

Si kastaba ha ahaatee Xamdi halkan kuma aysan gaarin si fudud, gaar ahaan marka loo eego  dal ay in tobonnaan sano ragaadiyay dagaallo oo haddana ku liita  xuquuqda haweenka iyo helitaankooda waxabrashada. Caqabadaha ugu waaweyn ee ay la kulmaan gabdaha ku nool dalka ayaa waxaa ay tilmaamtay in ay yihiin guurka, degdegga ah waxbarasho la’aan iyo tahriib, waana arrimo ay ayadau aragtay.

Xamdi waxaa ay xustay in asxaabteeda mid ka mid ah ay ka baxday kuleejka ayada oo damacsaneyd in ay u tahriibto Yurub, balse bilooyin kaddib arrintu weli sida ay awal qorsheysay uma aysan dhicin, waayo saaxibteed oo u safartay dalka Kenya si ay ugu diyaargarowdo safarka dheer ayaa weli ku xanniban caasimadda Kenya ee Nairobi, iyada oo niyad-jabsan oo welwelsan.

 “Kiisaska tahriibta intooda badan waxaa u sabab ah aqoon la’aan iyo shaqo la’aan ay la kulmayaan dhallinyarada. Haddii shaqo la heli lahaa, dhallinyaro badan ma aysan gali lahayn safarkan aan la isku aamini karin ee la aadayo waddamada Yurubta,” ayay tiri.

Balse, waxaa jiraa ifafaalo wanaagsan, ayay xustay Xamdi. In kasta oo ay jiraan caqabado badan, waxaa ay sheegtay in dhallinyaradu ay soo fahmayaan awooddooda iyagoo sameynaya abaabul dhexdooda ah si ay gacan uga geystaan dalkooda hooyo in uu ka gudbo qaar ka mid caqabadaha uu la kulmayo.

 “Dhallinyarada la’aantood, dowladda ma shaqeyn karto waayo waxaan nahay laf-dhabarka bulshada,” ayay tiri. “Kaalinteenna waa mid muhiim ah maadaama aan sidoo kale dowr weyn ka ciyaari karno dhismaha dalka.”