Nuxurka qoraalka wadahadal uu Xoghayaha Guud telefoonka kula yeeshay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

10 Jan 2024

Nuxurka qoraalka wadahadal uu Xoghayaha Guud telefoonka kula yeeshay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

New York – Xoghayaha Guud ayaa maanta la hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu isagu codsaday. Waxa uu garowsaday walaaca ay Soomaaliya ka qabto heshiiska Is-fahamka ee dhexmaray Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya iyo “Somaliland” ee lagu dhawaaqay 1-dii Janaayo. Waxa uu xusay in Golaha Ammaanku uu si isba joog ah marar badan u caddeeyey inuu gadarinayo gobanimada, midnimada dhuleed, iyo midnimada Soomaaliya.

Xoghayaha Guud wuxuu rajaynayaa in dhammaan dhinacyadu ay yeelan doonaan wadahadal nabadeed oo waxtar leh kana fogaadaan fal kasta oo xaaladda sii kiciin kara.

Source: Office of the Spokesperson for the UN Secretary-General