Shil diyaaradeed oo ay ku lug lahayd diyaarad Helicopter ah oo Qaramada Midoobay qandaraas kula jirta

11 Jan 2024

Shil diyaaradeed oo ay ku lug lahayd diyaarad Helicopter ah oo Qaramada Midoobay qandaraas kula jirta

Moqdisho – Qaramada Midoobay waxay xaqiijinaysaa inuu jiro shil diyaaradeed oo ay ku lug lahayd diyaarad Helicopter ah oo ay Qaramada Midoobay qandaraas kula jirto oo ka dhacay Galmudug, Soomaaliya. Diyaaradda helicopter-ka ayaa wadday duullimaad samata bixin caafimaad. Qaramada Midoobay waxay ku guda jirtaa ururinta dhammaan macluumaadka khuseeya. Waxaana socda dadaallo jawaab celin ah. Xog dheeraad ah ayaa dadka lala  wadaagi doonaa marka la helo.