Ololaha sannadlaha ee 16ka maalmood ee u hawlgelidda la dagaallanka xadgudubka ku salaysan jinsiga ayaa lagu daah furay Soomaaliya

25 Nov 2018

Ololaha sannadlaha ee 16ka maalmood ee u hawlgelidda la dagaallanka xadgudubka ku salaysan jinsiga ayaa lagu daah furay Soomaaliya

WAR-SAXAAFADEED 13/2018

Muqdisho – Iyadoo maanta Soomaaliya lagu daah furay ‘16ka Maalmood ee u Hawlgelidda la dagaallanka Xadgudubka ku salaysan jinsiga’, ayaa Qaramada Midoobay waxay ugu baaqday dhamaan qaybaha bulshada Soomaaliyeed inay qaadaan tallaabooyin dhab ah oo lagusoo afjarayo xadgudubka noocaas ah.

“Soomaaliya waxay guulo waaweyn ka gaartay ka-hortagga iyo dembi-ka-yeelidda xadgudubyada galmada iyo xadgudubka ku salaysan jinsiga. Heer federal, Golaha Wasiiradu waxay ansixiyeen Hindise Sharciyeedka Dembiyada Jinsiga bishii Maajo ee sanadkan, taasina waxay ahayd tallaab wanaagsan oo wax looga qabanayo xadgudubyada jinsiga laguna xoojinayo taageero u fidinta dadka kasoo badbada [falalkaas],” Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Peter de Clercq ayaa sidaas maanta ka sheegay asteynta daah furka ololaha oo ka dhacay magaala madaxda Muqdisho.

“laakiin gabood-fallada, sida galmada iyo xadgudubka ku salaysan jinsiga ayaa weli ah muuqaalka guud ee colaadaha hubaysan iyo xadgudubka ka dhaca Soomaaliya” ayuu raaciyay Md. de Clercq. “Maanta waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo dhamaan hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah inay dowr muhiim ah ka cayaaraan abuurista wacyigelin, fidiyaan kaalmo sharci iyo mid dawo, ayna dadka aadka u nugul u fududeeyaan sidi ay u heli lahaayeen adeeyada [ay u baahanyihiin].”

Ololaha ‘16ka Maalmood ee u Hawlgelidda la Dagaallanka Xadgudubka ku Salaysan Jinsiga’ waa olole caalami ah oo la qabto sanad kasta waxaana ujeedadiisu tahay in wacyi gelin laga sameeyo baahida loo qabo soo afjaridda xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha. Ololaha wuxuu billowdaa 25ka Nofember, oo ku beegan Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka, wuxuuna socdaa ilaa 10ka Disember, oo iyadana ku beegan xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka.

Horumarka Soomaaliya waxaa kamid ah hagaajinta badbaadada sharciyeed ee haweenka iyo gabdhaha ku nool dowlad goboleedka Puntland, waxaana taas lagu gaaray dhaqangelinta sharciga khuseeya dembiyada jinsiga oo dhaqangalay bishii Nofember 2016. Hindise Sharciyeedka Dembiyada Jinsiga oo ay ansixiyeen golaha wasiirada ee Dowladda Federaalka horaantii sanadkan ayaa u madlan ansixinta baarlamaanka federaalka ah.

Si kastaba ha ahaatee, caqabadaha adag ee ka jira Soomaaliya oo ay ku jiraan dhibaatooyin bani’aadanimo oo soo noqnoqda iyo colaado hubaysan oo joogto ah ayaa wiiqaya in guulo waaweyn laga gaaro arrimaha awood-siinta haweenka iyo sinaanta arrimaha dhedig-labka (gender). Dadka tiradoodu tahay 4.2 malyan ee u baahan gargaarka bni’aadanimo kuna sugan Soomaaliya, ayaa qiyaastii barkood waxay yihiin haween iyo gabdho.  Hay’adaha ku hawlan gargaarka bani’aadanimo waxay ku qiyaasaan in dad tiradoodu gaareyso 2.6 malyan ay dalka gudihiisa ku barakeceen, iyadoo haweenka iyo gabdhaha ka tirsan bulshada barakacayaasha ah ay aad ugu nugul yihiin xadgudubka ku salaysan jinsiga, marka la barbardhigo bulshada ku nool goobaha xasiloon.

Caddeymaha la hayo waxay tilmaamayaan in gacan-qaadka jirka [qof loo gacan qaado] uu weli yahay nooca xadgudubka ku salaysan jinsiga ee lasoo gudbiyo kana jira dalk, waxaana soo raaca xadgudub jinsi iyo kufsi. Noocyadaas waxaa wadartoodu noqonaysaa 64 boqolkiiba marka loo barbardhigo dhamaan dhacdooyinka kale ee lasoo gudbiyo, waana sida ay u kalahorreeyaan.

Md. de Clercq ayaa sheegay in ka badan 90 boqolkiiba haweenka iyo gabdhaha ku nool Soomaaliya lagu sameeyay gudniinka fircooniga ah. Dhacdooyinka sii socda ee guurka caruurta iyo guurka khasabka ah ayaa sii adkeynaya marxaladaha saboolnimada ee haweenka iyo gabdhaha.

“Si loo helo bulsho ka caagan xadgudubka ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha, Soomaaliya waxay u baahantahay inay mudnaan siiso awood-siinta haweenka iyo gabdhaha ee bulsho ahaan, dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan,” ayuu yiri. “Waa inay horumarisaa diiwaan-gelinta iyo sii-haynta gabdhaha ee waxbarashada rasmiga ah, waa inay cirib tirtaa gudniinka fircooniga ah, joojisaa guurka waqtigiisa kasoo hormara iyo kan khasabka ah, ayna kor u qaaddaa ka-qaybgalka haweenka ee maamulka dowladnimo.”

Mas’uulka QM ayaa sidoo kale in bahda caalamka ay ka go’antahay in dowladda iyo dadka Soomaaliyeed lagu taageero dadaalladooda ay ku xaqiijinayaan in haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed ay ku naaloodaan nolol ka caaggan dhamaan noocyada xadgudubka.