Qaramada Midoobay oo sida ugu adag u cambaareysay weerarkii garoonka kubadda cagta ee Gaalkacyo

18 Dec 2020

Qaramada Midoobay oo sida ugu adag u cambaareysay weerarkii garoonka kubadda cagta ee Gaalkacyo

Muqdisho – Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sida ugu adag u cambaareysay weerarkii maanta ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Gaalkacyo, kaas oo sida lasoo wariyay lagu dilay laguna dhaawacay dad badan oo isugu yimid garoonka ka-hor booqashada Ra’iisul Wasaaraha dalka.

“Falalkan foosha xun waa duulaan ka dhan ah dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo madaxda Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo kuwaas oo shaqo aad u adag ka qabtay ilaalinta nabadda sanadihii dambe,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“Waxaan ku amaaneynaa dadka Gaalkacyo adkeysiga ay muujiyeen iyadoo uu dhacay fal demiyeedkan carada leh, waxaana amiinsannahay in xadgudubkan waxashnimada leh aanay ka niyad jabin doonin iyaga iyo dadka Soomaliyeedba dadaalka ay ugu jiraan tubta nabadda, dib u heshiisiinta iyo xasilloonida,” ayuu raaciyay.

Sida ay wararku shegeyaan, boqolaal qof ayaa isugu soo baxay garoonka ciyaaraha ee Cabdullaahi Ciise ee magaalada Gaalkacyo, magaaladaas oo ku taal bartamaha waqooyi ee gobolka Mudug, ka-hor kulan qorsheysnaa oo uu kasoo muuqan lahaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Saraakiil sare ayaa ka mid ahaa dadkii weerarka ku dhintay.

Qaramada Midoobay waxa ay bogaadinaysaa saraakiisha amniga ee Soomaaliyeed kuwaas oo si hagar la’aan ah uga shaqeeya bad qabka iyo amniga dhammaan dadka Soomaaliyeed, waxayna ku baaqaysaa in kuwii weerarkan ka dambeeyay la horkeeno cadaaladda.

Qaramada Midoobay waxay tacsi u diraysaa qoysaska dadkii geeriyooday, waxayna dadkii ku dhaawacmay u rejeyneyso inay deg deg ah uga bogsoodaan.