Qaramada Midoobay oo ka digtay xaaladda bini’aadinimada ee Soomaaliya oo sii xumaaneysa

30 Apr 2017

Qaramada Midoobay oo ka digtay xaaladda bini’aadinimada ee Soomaaliya oo sii xumaaneysa

Mogadishu – In ka badan 1.7 milyan oo dad Soomaali ah ayaa gargaar cunno ah la gaarsiyay. Tani waxaa ay ka mid tahay dadaallada loogu jiro ka hortagga macluusha ee dalka, hase yeeshee waxaa weli loo baahan yahay in la badiyo jawaabta abaaraha si loo daboolo baahida sii kordhaysa, ayuu Ku-xigeenka Isuduwaha howlaha Bini’aadinimada ee Soomaaliya, Vincent Lelei, ku sheegay shir saxaafaded maanta lagu qabtay caasimadda Soomaaliya.

Mudane Lelei ayaa sheegay in baahida loo qabo in gargaar bini’aadinimo la gaarsiiyo malaayin qof oo ay saameysay abaarta ay ka badan tahay jawaabta la bixiyey.

 “Waxaa aan ku soconnaa bisha shanaad ee 2017, waxaana aad u sii xumaaneysa xaaladda bini’aadinimo, waxaanna qarka u saarannahay in xaaladda ay macluul isku beddesho. Tani waa mid walaac weyn nagu hayso dhammaanteen, ha ahaato Dowladda Soomaaliya, shacabka Soomaaliya, Hay’adaha aan Dowliga ahayn, Qaramada midoobay iyo qof waliba,” ayuu yiri.

Horraantii sanadkan ayay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo hay’adaha Qaramada Midoobay codsadeen lacag dhan 825 milyan oo doolar si loogu kharash gareeyo qorshe looga hortagayo macluul ee lixda bilood ee sanadka 2017 ugu horeyso. Ilaa iyo maanta waxaa gacanta lagu soo dhigay amaba la yaboohay lacag dhan 560 milyan oo doolar.

Abaaraha daran ee ka jira dalka ayaa barakaciyay dad aad u tiro badan oo ku nool dhulalka miyiga ah, halka labada qofba ee bulshada Soomaalida ka mid ah uu qof la liito cunno yari.

“In ka badan kala bar dadka, oo u dhigma 6.2 milyan oo qof ayaa weli u baahan gargaar bini’aadinimo, in ka badan 600,000 oo dadkan ka mid ahna waxaa ay ka qaxeen guryahooda sababtoo ah waxaa ay u baahan yihiin caawinaad dhanka cunnada, biyaha iyo daryeel caafimaad,” ayuu yiri Mudane Lelei.

Dhibaatada dalka ka jirta waxaa sii ballaariyay cudurrada sida shuban biyoodka/daacuun iyo jadeecada. Sanadkani 2017 kaliya waxaa la sheegay in ka badan 28,000 kiisas oo shuban biyood ah, oo ay ka mid yihiin 540 qof oo cudurka u geeriyooday.  

In ka badan 5,600 oo qof oo jadeeco la xanuunsan ayaa laga soo sheegaya dalka oo dhan, cudurkaan dilaacay ayaa si deg deg ah u fidaya waxaana la filaya in ay tiradu sii korodho. Jadeecadu waa dilaa weyn xilliyada abaaraha, sababtoo ah carruur badan ayaa il daran nafaqo darro.

taxanayaal la xiriiro badbaadinta nolosha taas oo ay taageero u fidisay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Qaramada Midoobay, Ururka Iskaashiga Islaamka, hay’adaha aan dowliga ahayn (NGO), ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo Soomaalida ku nool gudaha iyo dibaddaba.

Mudane ayaa xusay dhowr wax qabad ee lagu badbaadinayo

Adeegyada Nafaqada ayaa waxa ay gaareen 332,000 oo qof, oo ay ku jiraan 70,000 carruur ah. Waxaa uu xusay in 225 xarumood la dhisay si loogu daaweyo carruurta. Waxaa sidoo kale la daweeyay ku dhawaad siddeed milyan oo xoolaha la dhaqdo oo ay saameeyeen abaaraha, waxaana lagu wadaa in tiradan la gaarsiiyo 20 milyan seddaxda bilood ee soo socota. Tani waa qayb muhiim ah ee ka mid ah dadaallada wax looga qabanayo saameynta abaaraha maadaama tiro badan oo xoolo dhaqato ah ay ku tiirsan yihiin xoolaha.

Mudane Lelei ayaa sheegay in tirada ugu badan ee ka mid ah 1.7 milyan oo qof ee la gaarsiiyay cunnada ay yihiin dadka ku nool gobollada Bakool, Bay, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe. “Tirada oo sanadkan horaantii ahayd 1.1 milyan ayaa si degdeg ah u korodhay,” ayuu yiri.

Waxaa uu ku baaqay in wadashaqeyn dhow ay yeeshaan Dowladda Federaalka ah, hay’adaha samafalka, dadka qurba joogta ah, ganacsatada iyo asxaabta horumarinta.  

Warbixinteeda ugu dambeysay ee ku aaddan jawaabta abaaraha, xafiiska Qaramada Midoobay ee Isuduwidda Arrimaha Bini’aadinimada waxaa ay xaaladda bini’aadinimada ee muddada dhow ka bixisay sawir aad u madow.

"Saadaasha lixda bilood ee soo socota ma aha mid dhiirigelin leh, waayo waxaa la filayaa xaaladda in ay sidaan ka sii darto seddaxda bilood ee soo socota ilaa iyo dhammaadka bisha Juun, waxaana kaliya la rajeynaya xaaladda in ay yara fiicnaato seddaxda bilood ee xigta laga bilaabo bisha Julay ilaa iyo bisha Sebtembar,” ayaa warbixinta lagu sheegtay.

Warbixintu waxaa ay sheegtay in barakaca abaarta la xiriira uu sii kordhayo heer u dhow laban-laab, iyada oo magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho ay gaarayaan tirada ugu badan ee dadka gudaha dalka ku barakacay.