War-saxaafadeed uu soo saaray Af-hayeenka Xog-Hayaha Guud ee QM- oo ku saabsan Soomaaliya

26 Apr 2021

War-saxaafadeed uu soo saaray Af-hayeenka Xog-Hayaha Guud ee QM- oo ku saabsan Soomaaliya

New York – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa si wayn uga walaacsan iska-horimaadyada hubeysan ee dhawaanahan ka dhacayay magaalada Muqdisho. Waxa uuna ku celinayaa baaqiisa ku aaddan dhammaan in dhinacyada ay khuseyso ee Soomaaliya ay ka waantoobaan colaadda, khilaafkoodana ay ku xalliyaan wada hadal iyo isu tanaasul.

Xoghayaha Guud waxa uuku boorrinayaa dhammaan dhinacyada ay khusayso ee Soomaaliya in ay si degdeg ah u billaabaan wada-xaajoodyada, isla markaana ay sameeyaan qaab-raac doorasho oo ku salaysan Heshiiskii 17-ka Sebtembar iyo hindiseyaashii Baydhabo.

Stéphane Dujarric, Afhayeenka Xoghayaha Guud.