Qaramada Midoobay waxa ay dhammaan dadka Soomaaliyeed u rajaynaysaa Ciidul-Fidri nabdoon

1 May 2022

Qaramada Midoobay waxa ay dhammaan dadka Soomaaliyeed u rajaynaysaa Ciidul-Fidri nabdoon

Muqdisho – Qoyska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya wuxuu salaan diiran u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidul-Fidriga awgeed.

“Qaramada Midoobay waxa ay dadka Soomaaliyeed u rajaynaysaa Ciidul-Fidri nabdoon oo amaan ah maadaama aan ku jirno dhamaadka bisha barakeysan ee Ramadaan,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“Qiimaha iyo casharrada bisha Ramadaan – dib-u-milicsiga, is-xakamaynta, samafalka, iyo wadajirka bulshada – waa aasaaska lagu dhisayo horumarka Soomaaliya. Waxaan sii wadi doonaa taageerada Soomaalida si ay u horumariyaan mudnaanta qarankooda. Ciid Wanaagsan,” ayuu raaciyay.