Qaramada Midoobay waxaa ka go'an in ay ka dhabeyso ka qaybgalka siyaasadda ee haweenka Soomaaliya

7 Nov 2023

Qaramada Midoobay waxaa ka go'an in ay ka dhabeyso ka qaybgalka siyaasadda ee haweenka Soomaaliya

Mogadishu — Haweenka waxay si sii kordheysa kaalin muuqata uga yeelanayaan nabad iyo amni ku soo dabaalidda Soomaaliya, ayay hadalkoodii ku soo gabagabeeyeen ka-qaybgalayaasha shir ay QM taageertay oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho kaas oo loogu magacdaray Maalinta Dooda Furan ee Caalamiga ah ee ku saabsan Haweenka, Nabadda iyo Amniga. 

Catriona Laing, Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, oo ka mid ahayd ka-qaybgalayaasha, oo ay wehliyaan Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye, Xildhibaanno ka socda Jamhuuriyadda Federaalka, bulshada rayidka ah, bah-weynta Qaramada Midoobay, ayaa ka hadashay guulaha iyo caqabadaha ay haweenka Soomaaliyeed kala kulmaan ka-qaybgalka Siyaasadda.

Horumarka ilaa iyo hadda la gaarey

Iyadoo ku bilaabaysa xusidda waxa wanaagsan, ayaa Ms. Laing waxay muujisay guudalaha la gaarey.

“In kastoo uu jiro hoos u dhac yar oo ku yimid tirada haweenka xildhibaannada ah oo sannadkii 2016 ahaa boqolkiiba 24 ayaa wareeggii doorashoyinka 2021/2022 noqday ilaa boqolkiiba 21, warka wanaagsani wuxuu yahay markii ugu horreysay taariikhda Soomaaliya, in Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka ay noqotay haweenay, Marwo Sacadiya Yaasin Xaaji Samatar.”

Ms. Laing, oo sidoo kale ah Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadisay meel-marinta Qorshe Hawleedka Qaranka si ay u hirgeliso Qaraarka Golaha Amaanka QM ee tirsigiisu yahay 1325 (ee ku saabsan haweenka, nabadda iyo amniga), kaas oo gundhig u ah wax-ka-qabashada caqabadaha hortaagan ka-qaybgalka siyaasadda ee haweenka.

Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, oo ku hadlaya magaca Dowladda Federaalka ayaa carrabka ku adkeeyay kaalinta muhiimka ah ee ay haweenka ka qaataan geeddi-socodka nabad-dhisidda. 

“In ka badan boqolkiiba kontan dad Soomaaliyeed waa haween mana jirto si aan xaqiiqadaasi isaga indho-tiri karno. Haweenku waxay leeyihiin karti la mid ah tan ragga; waxbay soo barteen waxayna leeyihiin waayo-aragnimo badan oo ay wax ugu biirrin karaan dadaallada qaran-dhiska ee Soomaaliya ka socda,” ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka.

Caqabadaha iyo dhabbana naga horreeya

Ka-qaybgalayaashu waxay tilmaameen saddex arrimood oo waaweyn oo la halmaala kordhinta ka-qaybgalka haweenka ee mustaqbalka dhow – hannaanka dib-u-eegista dastuurka, nidaamyada Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ), iyo xallinta khilaafaadka ee haweenka.

Ergeyga Gaarka ah ee QM ayaa ku baaqday hannaanka dib-u-eegista dastuurka ee socda in loo adeegsado u ololeynta meel-marinta kootada haweenka ee boqolkiiba 30-ka ah.

“Kootada boqolkiiba 30-ka ah, waa in sharci lagu ilaaliyaa. Waa wax aad u wanaagsan in uu ballanqaad jiro, laakiinse haddii aan la helin ballanqaad sharci ah, waayo-aragnimo aan dalal kale ka helnay ayaan ku oggaanay in ay adag tahay in horumar la sameeyo. Waddamada Afrika ee sida ugu wanaagsan sameeyay waxay leeyihiin koontooyinka noocan ah oo sharciyo lagu ilaaliyo,” ayay tiri Ms. Laing. 

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Khadiija Maxamed Diiriye, ayaa ka hadashey muhiimadda ay leedahay in haweenka lagu daro Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ), kaas oo ah gole go'aan-qaadasho muhiim ah oo isu-keenaya hoggaamiyayaasha Dowladda Federaalka iyo Kuwa Dowladaha Xubnaha Ka ah Federaalka. 

“Hadda, Golaha Wadatashiga Qaranka haweenku kuma jiraan. Waxaan doonaynaa in haweenku ay halkaa metelaad ku yeeshaan, waxaanna madaxda heerarka federaalka iyo dowlad-goboleedka kala shaqeynaynaa sidii metelaadaasi loo heli lahaa,,” ayay tiri Wasiir Khadiijo.

Sarkaalka Sare ee QM ee Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Qaramada Midoobay ay kala shaqeynaysay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha iyo Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya hubinta in codadka haweenka lagu maqlo GWQ. 

“Golaha Wadatashiga Qaranka, oo aan haweenku metelaad ku lahayn run ahaantii looma arki karo in uu wax-ka-qabanayo dhibaatooyinka dalka ka jira. Sidaa daraaddeed, waa in aan si buuxda u xaqiijinaa in codka haweenka lagu maqlo madashan heerka sare ah – madasha GWQ,” ayay tiri Ms. Laing. 

Waxay sidoo kale muujisay muhiimadda ay haweenka u leeyihiin xallinta khilaafaadka iyo nabad-dhisidda dalka.

“Haweenku waxay udub-dhexaad u yihiin xallinta khilaafaadka. Haddaba, waxaan idinkaaga baahanahay laga soo bilaabo heerarka ugu hooseeya bulshada iyo dhammaan heerarka sare, in aad ka noqotaan nabad-horseedayaal. Sidoo kale aan xusuusanno in aan iskudayno in aan codadka haweenka aan maqalno.” 

Ergeyga Gaarka ah ee QM ayaa ka-qaybgalayaasha u xaqiijisay sida joogtada ah ee ay UNSOM uga go'antahay Ajandaha Haweenka, Nabadda iyo Amniga waxayna daneeyayaasha oo dhan ugu baaqday in ay laba-jibbaaraan dadaallada wadajirka ah iyo xoojinta wada-shaqeynta lagu taageerayo Ajandaha WPS ee Soomaaliya iyadoo la adeegsanayo hababka jira.

Maalmaha Furan ee Caalamiga ah

Qaraarka Golaha Amaanka ee tirsigiisu yahay 1325, ee la meelmariyay sannadkii 2000 ayaa ku baaqaya Maalmaha Furan ee Caalamiga ah oo sannadle ah in la qabto si loo garwaaqsado muhiimadda uu doorka haweenka u leeyahay ka hortagga iyo xallinta khilaafaadka, wada-xaajoodyada nabadda, nabad-dhisidda, iyo waxqabadka bani’aadamnimada iyo dib-u-dhiska colaadda ka-dib. 

Kulannadu waa fursad muhiim ah oo ay haweenku kula falgalaan hoggaamiyaasha siyaasadda, siyaasad-dejiyaasha, bahwadaagta caalamiga ah iyo dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha haweenka si loogu ololeeyo hirgelinta qaraarka.