Hadalladii Ergeyga Gaarka ah ee QM u Qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, u jeedisey saxaafadda, intii ay ku guda jirtey booqashadii ay ku tagtey Garoowe, Puntland

11 Nov 2023

Hadalladii Ergeyga Gaarka ah ee QM u Qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, u jeedisey saxaafadda, intii ay ku guda jirtey booqashadii ay ku tagtey Garoowe, Puntland

(Waa la tifaftirey si uu macnuhu u caddaado)

Mudane Madaxweyne aad baad u mahadsan tahay.

Marwooyin iyo mudanayaal,

Aad baan ugu faraxsanahay booqashada aan ku joogo Puntland. Tani waa booqashadeydii labaad, intii aan qabtey xilka xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM.

Sidaa daraaddeed saakey aad baan ugu faraxsanahay in aan la kulmo Madaxweyne Deni iyo xubnaha Golihiisa Wasiirrada. Waxaan jeclahay in aan Madaxweynaha uga mahadceliyo soo-dhoweynta diirran ee uu ii fidiyey. Waxaan si furan oo saraaxad leh uga wada munaaqashoonney saddex arrimood oo waaweyn: Doorashooyinka Puntland, xiriirka ay Puntland la leedahay Soomaaliya inteeda kale, iyo sidoo kale xaaladda Laascaanood.

Waxaana goor dambe oo maanta ah munaaqashooyin la yeelan doonaa xisbiyada mucaaradka ah iyo bulshada rayidka ah. Haddaba ii oggolaada in aan erey ka iraahdo mid kasta oo ka mid ah qodobadaa.

Haddaba midda tan koowaad, Doorashooyinka Puntland, ugu horreyn waxaan Puntland ku amaanayaa in ay tahay degaan ay ka jirto xasilooni aan ka jirin degaannada ku hareereysan, in ay hormuud u noqotey dimuqraadiyadda iyada oo bishii Maajo si guul leh u qabatey doorashooyin heer degmo ah. Laakiin, waxaan ogsoonahay in ay jiraan xiisado, in xoogaa kala fikir duwanaansho ah ay daneeyeyaasha kala duwan ka qabaan qaabka doorasho ee Puntland raacayso iyo jadwalka doorashada. Sidaa daraaddeed, waxa aan ka munaaqashoonney iyo waxa aan ku dhiirrigeliyey waa in iyada oo yoolku la higsanayo uu aad u cadyahay, geeddi-socod dimuqraaddi ah oo lagu dhiirrigelinayo laguna amaanayo Madaxweynaha in uu la xiriirey kooxaha kala duwan, kuwaas oo aan ahayn keliya mucaaradka, ee sidoo kale uu la xiriirey odeyaasha iyo isimada beelaha, sidoo kale in uu ku darey dadka kale ee ay khuseyso – dhallinyarada, haweenka, culimada iyo inta la midka ah – si loo hubiyo in marka ay doorashooyinku dhacaan ay jirto muwaafaqo iyo dabcan in doorashooyinku ay nabadgelyo ku dhacaan.

Midda labaad, xiriirka kala dhexeeya dowladda federaalka ah iyo Soomaaliya inteeda kale waxaa uu , sida cad, ahaa mid adag sababta oo ah Puntland muddaba uma suuroobin in ay ka-qaybqaadato geeddi-socodka Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC). Waxaan ku furxay in aan maqley in Madaxweynaha [Siciid Cabdullaahi Deni] uu diyaar u yahay una ahaa in uu la hadlo Madaxeynaha [Xasan Sheekh Maxamuud] oo dhab ahaantiina si weyn uga fekerayo nooca arrimaha ay tahay in la soo dhigo miiska si loo hubiyo in aaraa’da ay qabto Puntland aaney meesha ka maqnaan.

Ugu dambeyna xaaladda adag ee ka jirta Laascaanood, ugu horreyn in aan Puntland ku amaano in ay la xiriirtey ayna taageero siisey barakacayaal [Dad Gudaha Ku Barakacay] badan oo ka yimid gobolka Sool, kuwaas oo gaaraya ilaa 100,000 qof. Waan ogsoonahay in ay taasi ahayd mas’uuliyad aad u weyn waxaana Puntland uga mahadcelineynaa sida diirran ee ay u qaabishey dadkaa. Maaddaama hadafku yahay in ay dadku awoodaan in ay dib u noqdaan, si taas loo xaqiijiyana, waxaa loo baahan yahay in ay ku kalsoonaadaan in ay jiri doonaan amni iyo xasilooni.

Sidaa daraaddeed, waxaan Puntland ku dhiirrigelineynaa in ay doorkeeda ka qaadato dhiirrigelinta in labada dhinac ay khilaafkooda ku xalliyaan si nabadgelyo ah si loo hubiyo in aanu gacan-ka-hadalku mar kale kor u kicin, in ay jiraan tallaabooyin lagu soo celinayo is-aaminaadda oo la halmaala is-dhaafsashada maxaabiista sidaa daraaddeed in Puntland ay doorkeeda qaadato iyada oo adeegsaneysa saameynta ka dhalatey xiriirrada sokeeyenimo ee qabaa’ilka si loo hubiyo in waddo nabadeed lagu socdo.

Sidaa daraaddeed mudane Madaxweyne, Qaramada Midoobey, iyada oo loo soo marayo xafiiska aan halkaan ku leenahay, wakiil ayaa xafiiskeenna u jooga halkaan Garoowe, oo ah meel fursad cajaa’ib leh ay ka jirto waxaana rajeynayaa in doorashooyinku ay nabadgelyo ku dhacaan si kor loogu qaado sumcadda Puntland ay leedahay ee ka dhalatey in ay tahay degaan xasiloon oo ay maalgeliyeyaal ay ganacsi oo horumarka la saadaalinaya, uu dadka reer Puntland u saamixi karo in ay helaan mustaqbal wanaagsan.

Markale aad ayaan kuugu mahadcelinayaa, Mudane Madaxweyne