QM oo 3.5 malyun oo doolarka Marykanka ah ugu deeqday goobihii dhowaan gacanta dowladda kusoo noqday ee Konfurta/Bartamaha Somaliya

23 Nov 2014

QM oo 3.5 malyun oo doolarka Marykanka ah ugu deeqday goobihii dhowaan gacanta dowladda kusoo noqday ee Konfurta/Bartamaha Somaliya

Copenhagen - Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Sooomaaliya, Nicholas Kay, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre, iyo Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa iyo Isuduwaha Hawlaha Bani'aadamnimada , Philippe Lazzarini, ayaa saxiixay heshiiska lagu qoondeeyay Santuuqa Nabadaynta kaas oo bixinaya US $ 3.5 malyan oo lagu taageerayo howlaha nabadaynta ee Dowladdu ka waddo goobaha dhowaan gacanta kusoo noqday ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

“Bixinta lacagtan billowga ah ayaa kusoo beegantay waqti muhiim u ah Soomaaliya maadaama ay Soomaaliya sii waddo sameynta guulo amaan oo muuqdo oo ka dhan ah kooxda Alshabaab, horayna usii dhaqaaqday (dowladdu) oo ay dib usoo celineyso goobo cusub,” ayuu yiri SRSG Nicholas Kay. “Daah-furka Santuuqa Nabadaynta waa tallaabo muhiim u ah waddada ay Soomaaliya ugusii socoto nabadda iyo xasilloonida. Waan soo dhoweynayaa guushan muhiimka ah.”

Taageerada ka imaaneyso Santuuqa Nabadaynta waxay diiradda saareysaa wax ka qabashada baahida ka jirto goobaha dhowaan ganata kusoo noqday, waxaana diiradda lagusii saarayaa xaqiijinta taageero la gaarsiiyo maamulada kumeelgaarka ah, howlaha dib-u-heshiisiinta iyo tababaridda iyo daabulka ciidanka booliska.

Bishii December 2013, Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ku haboontahay inay hesho taageerada maaliyadeed ee Santuuqa Nabadaynta (PBF) si dowladda loogu garab siiyo dadaaladeeda xagga nabadaynta iyo dhismaha dalka. Santuuqu wuxuu bixinayaa taageero degdeg ah iyo mid ilaa heer dhexe ah, waxaana hagaya mabaadi’da lahaanshaha dadka Soomaaliyeed iyo go’aannada lagu gaaro heer dal.
Qaramada Midoobay iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa fulin doona mashaariicdan.