Mudanayaasha Baarlammaanka Soomaaliya oo qaatay Tababar ku saabsan Xeerarka Badaha

20 Oct 2014

Mudanayaasha Baarlammaanka Soomaaliya oo qaatay Tababar ku saabsan Xeerarka Badaha

Mogadishu – Hawlgalka Qarammada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa sharci-dejiyeyaasha Soomaaliyeed u qabtay seminaarkii wacyigelineed ee ugu horreeyay ee noociisa ah kaasoo kor loogu qaadayay fahamka ay ka qabaan Mucaahadada Qarammada Midoobay ee Xeerarka Badaha (UNCLOS) ee Soomaaliya ay wax ka saxiixday.

Seminaarka waxaa ka soo qaybgalay 26 sharci-dejiyeyaal Somaaliyeed oo ka kala socday 15 guddi-hoosaadyo baarlammaaneed. Xildhibaannadu waxay muddo labo maalmood ah casharro ka qaadanayeen labo xeeldheere oo xeerarka badaha khibrad dheer u leh lana shaqeeya Waaxda Arrimaha Qaanuunka ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Arrimaha iyo Xeerarka Badaha. Tababarkaani wuxuu ka dhashay codsi ay Dawladda Soomaaliyeed u gudbisay xafiiska Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay.

Ujeeddada tababarku waxay ahayd sidii loo heli lahaa faham mideysan oo ay go’aan gaarayaasha Soomaaliyeed ka yeeshaan xuquuqaha, waajibaadyada iyo fursadaha lagu sheegay UNCLOS si markaas loo sameeyo oo loo dhaqangeliyo qaanuun qaran oo adag oo maamul ahaan iyo sharci ahaanba lagu maareeyo khayraadka badaha.

Soomaaliya wax badan ayay ka faaiideysaa haddii ay si dhab ah mucaahadada u dhaqangeliso. Soomaaliya waxay leedahay xeebta Afrika ugu dheer, waxayna kaloo qaybta ugu muhiimsan uguna ballaaran ka tahay nidaam-badeedka degaan (marine ecosystem) ee Badweynta Hindiya” ayay tiri Gabriele Goettsche-Wanli, Maamulaha Waaxda Arrimaha iyo Sharciyada Badaha oo iyada iyo ku-xigeenkeeda Vladimir Jares ay seminaarka hagayeen.

Muddadii labada maalmood ahayd ee seminaarku socday, waxaa sharci-dejiyayaasha Soomaaliyeed loo dul maray xeerar dhawr ah oo muhiim ah kuwaasoo lagu maareeyo kalluumeysiga, macdan qodista iyo baarsita saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ee gudaha badda, sida uu dhigayo Xeerka Badaha ee ay sannadkii 1982 dhaqangeliyeen 166 dal oo dunida ah. Mucaahadada Qarammada Midoobay ee Xeerarka Badaha (UNCLOS) waxaa si baahsan loogu aqoonsaday inay tahay “Dastuurka Badaha Adduunka” iyadoo si caalami ahna loo oggolaaday.

Sharci-dejiyayaashii ka qaybgalay seminaarkaan oo Muqdisho lagu qabtay waxay Qarammada Midoobay uga mahadceliyeen qabanqaabinta seminaarka, waxayna sheegeen inay u baahan yihiin seminaarrada noocaan oo kale ah ee kartidooda lagu kobcinayo si ay si haboon ugu maareeyaan khayraadka badeed ee dalkooda dhex ceegaaga.

Waxaan QM uga mahad celinaynaa qabanqaabada ay soo qabanqaabisay seminaarkaan Xeerka Badaha ku saabsanaa. Wax badan ayaan badaha ka barannay. Aqoonta iyo indha-furka aan seminaarkaan ka helnay waxay yimaadeen waqti aad u haboon oo aan sugeynay inaan ka doodno xeerka badaha ee dalka u yaal kaasoo mar dhow baarlammaanka la hor keeni doono. Seminaarrada muhiimka ah ee noocaan oo kale ah ayaan codsanaynaa in mustaqbalka naloo fidiyo si aan kartidayada ugu kobcinno.” Ayuu yiri Maxamed Maxamuud Ibraahim oo ka mid ahaa sharci-dejiyayaashii seminaarka ka qaybgalay.