QM waxay dhamaan dadka Soomaaliyeed u rajeynaysaa Ciidul-fitri nabdoon oo xasilloon

13 May 2021

QM waxay dhamaan dadka Soomaaliyeed u rajeynaysaa Ciidul-fitri nabdoon oo xasilloon

Muqdisho – Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay dhamaan dadka Soomaaliyeed u diraysaa salaan diiran oo ku aaddan munaasabadda Ciidda Soon-fur ee Ciidul-Fitriga, oo ku beegan dhamaadka bisha barakaysan ee Ramadaan iyo dabaal-degga nabadda iyo rajada.

“Cudurka saf-marka ah ee COVID-19 ayaa sanadki labaad oo xiriir ah weli saameynaya dadka sooman bisha Ramadaan ee ku sugan Soomaaliya iyo adduunka oo dhan, taas oo xaddidaysa kulamada dadka la dabaal-degaya qoysaskooda iyo kuwooda ay jecelyihiin inta lagu jiro waqtigan lagu qaato wadajirka.” ayuu yiri James Swan, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya.

“Dadaalka ballaaran ee dadka Soomaaliyeed ku bixiyeen raacidda tilmaamaha caafimaadka ee ay soo rogeen hay’adaha caafimaadka ayaa gacan ka geysatay badbaadinta qoysaska iyo bulshada iyo sidoo kale xakamaynta faafitaanka fayraska. Si kastaba ha ahaatee, weli lama gaarin xilligii aan debcin lahayn taxaddarka, sidaas darteed waxaan ku dhiirigelinayaa qof kasta inuu sii wado ilaalinta iyo raacidda habraacyada caafimaad uuna u ciido si bed-qab leh, oo ay ku dheehanyihiin rayn-rayn, dib-u-heshiisiin, naxariis, iyo midnimo. Ciid Wanaangsan.”