Qaramada Midoobay oo ku amaanay shaqaalaha arrimaha bani’aadannimada sida ay uga hortageen macaluushii ku soo wajahnayd Soomaaliya

18 Aug 2017

Qaramada Midoobay oo ku amaanay shaqaalaha arrimaha bani’aadannimada sida ay uga hortageen macaluushii ku soo wajahnayd Soomaaliya

Mogadishu – Isu duwaha arrimaha bini'aadanimada ee Soomaaliya Peter de Clercq ayaa ku amaanay shaqaalaha gargaarka iyo mutadawiciinta sida ay uga qeyb qaateen u adeegida aadanaha iyo ka hortagga abaartii halista ku aheyd Soomaaliya horaantii sanadkan.

De Clercq oo ka hadlayey intii lagu guda jiray munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee Bani'aadamnimada ee ka dhacday Muqdisho ayaa uga mahadceliyay shaqaalaha gargaarka ee maalin walba naftooda halista gelinaya si loo badbaadiyo nolosha dadka kale ee dhibaataysan.

“Waxaan salaan iyo mahadcelin u jeedineynaa shaqaalaha gargaarka ee muujiyey geesinimada iyo sida ka go’naanshohooda hagar la’aanta ah, gaar ahaan kuwa safka hore jooga ee u dhow kuwa baahan, badbaadinta nolosha iyo ilaalinta habnololeedka. Waa mid ku timid ka go’naanshohooda in macaluushii Soomaaliya laga hortaga. Iyagu waa dhiirrigeliyeyaasheenna maalin walba,”ayuu yiri.

De Clercq, oo sidoo kale ah ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay (DSRSG) ee Soomaaliya, waxa uu xusay in shaqaalaha samafalka aysan kaliya la kulmin dhimasho, dhaawac iyo afduub, laakiin sidoo kale laga eryay dalka intii lagu guda jiray fulinta waajibaadkooda.

Wuxuu sheegay in 100 kiis ka badan oo lala beegsaday shaqaalaha samafalka la soo weruyey sanadkan gudihiisa, afar ka mid ahna la dilay.

Gudaha Soomaaliya, shaqaalaha caafimaadka iyo gargaarka, kuwaas oo u shaqeeya, daryeela dadka ay saameeyeen rabshadaha ayaa la bartilmaameedsanayaa. Daawada iyo sahayda gargaarka waa la bililiqaystay. Shaqaalaha gargaarka bani'aadamnimada waa la xiraa ama waa laga horistaagaa in ay la kulmaan dadka aadka u baahan. Tani waa wax aan la aqbali karin”, ayuu raaciyay.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Maxamed Macallin, ayaa ballan qaaday in dowladdu ay sugi doonto ammaanka doonto shaqaalaha samafalka iyo sidoo kale dadka shacabka ah ee baahan.

"Xukuumaddu waxay sidoo kale sameyn doontaa intii karaankeeda kaliya in aysan ilaalin dadka rayidka ah, laakiin sidoo kale waxay ilaalin doontaa shaqaalaha gargaarka ee sii wadaya in ay naftooda halista u galiyaan si ay u badbaadiyaan kuwa kale",waxaa sidaas yiri Macallin.

Munaasabadan ka dhacday Muqdisho waxaa sidoo kale khudbado ka jeediyay masuuliyiin kale oo sarsare oo ka tirsan Qaramada Midoobay, oo ay ka mid ahaayeen kuwa masuulka ka ah xuquuqda aadanaha, qaxootiga iyo caruurta iyo kuwa kale.

Mawduuca sanadkan ee maalintan dunida oo dhan laga xusi doono bisha  Ogosto 19-keeda waa "Bartilmaameed ma aha".

Wareysiga uu bixiyey Wakiilka Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF) ee Soomaaliya, Steven Lauwerier waxa uu ka qoomameeyey in shaqaalaha samafalka laga dhigay bartilmaameed.

"Ka  shaqaale gargaar ahaan oo ku sugan Soomaaliya ma ahan in nala bartilmaameedsado, mararka qaarna waxaan noqonaa bartilmaameed markii aan gargaar ka bixineno dalkan", ayuu yidhi Mr. Lauwerier, isagoo xusay in afar ka mid ah shaqaalaha UNICEF lagu diley qarax laba sano ka hor weerar ka dhacay Garoowe.

Waxa uu sheegay in shaqaalaha samafalka loo ogolaado in ay shaqadooda gutaan iyaga oo aan is hortaag lagu sameyn maadaama ay gargaar u fidinayaan dadka ugu nugul ee Soomaaliya ku nool.

Gudoomiyaha ururka badbaadada haweenka iyo caruurta ee Somali Aamina Xaaji Cilmi ayaa sheegtay in la joogo waqtigii dunidu gacan ka geysan laheyd in dalkan Soomaaliya ee  dhaca geeska Afrika ka baxo xaalada bini’aadanimo ee  uu wajahyo hadda.

“Adduunku waa in uu markale il gaar ah ku eegaa dadka Soomaaliyeed, waana in uu taageero maxaa yeelay weli waddo dheer ayaa dhiman. Waad dareemi kartaa marka uusan jirin sharci iyo kala dambeyn, xaalada badqabka waa mid ka sii darta ”, waxaa sidaas tiri Ms Cilmi oo hadalkeeda  raacisay in haweenka iyo carruurta ay yihiin bartilmaameedka ugu nugul ee rabshadaha.

Maalinta Bani'aadamnimada Adduunka waxaa la xusaa sannad kasra 19ka Ogosto si loo xusuusto shaqaalaha gargaarka ee naftooda halista u galiya u adeeggidda bani'aadamnimada, iyo in taageero loo raadiyo dadka ay saameeyeen dhibaatooyinka adduunka oo dhan.