Qof ka badbaaday weerarkii 14-kii Oktoobar oo dib u goconaya dhimashadii dadkii ay jecleyd iyo dhawacii soo gaaray

15 Oct 2018

Qof ka badbaaday weerarkii 14-kii Oktoobar oo dib u goconaya dhimashadii dadkii ay jecleyd iyo dhawacii soo gaaray

Fadumo Xaaji Cali aadbey u nasiib badantahay.

Waxay ka mid tahay dadkii ka badbaaday qaraxii murugada badnaa ee 14-kii Octoobar 2017 kasoo gilgilay Magaalada Muqdishu, isagoo galaaftay in ka badan shan boqol dad rayid ah iyo boqolaal dhaawacyo isagu jira kuwa aad u liita iyo kuwa fudud.

Inkastoo ay ka badbaaday dhimasho, Faadumo weli waxay gocaneysaa dhimashadii ku timid hooyadeed iyo gabadheeda oo 18-sano jir aheyd, qaraxii argagixiso ee ugu dhimasho badnaa Afrika kasoo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Waxay aheyd galab Sabti ah, cirku saafi yahay caasimada Soomaaliya – maalinta Faadumo waxay ku fakireysa qabashada howsha guriga iyo la haasowga asxaabteeda iyo qaraabadeeda.

Waxay soo gabagabeysey howshii guriga waxayna isku diyaarineysay in ay la kulanto eedadeed tasoo ka imaatay magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

"Waxaan ku rajo weyna in maalintas noqoneyso mid ka mid ah maalmaha ugu wanaagsan dhamaadka isbuuca, marka la eego xaqiiqda ah, in eedadayda aanan muddo arkin, iyadoo u timid Muqdisho si ay ii soo booqato aniga iyo labadayda gabdhood. Xaqiiqdii waxay ahayd xasuus fiican, "ayay soo gocotay.

Saacada kadib, markii ay isdhaafsadeen sheekoyiin macaan, Faadumo waxay u soo dhaweysay eedadeed halka laga raaco gaadiidka dadweynaha ee degmado Hodan caasimada Soomaaliya si ay eedadeed ugu laabato magaalada Afgooye.

 “Sidoo kale waxa nala socday hooyadey iyo gabadheyda, marka halkii aan ku lugeyn laheyn cadceeda kulul, waxan go,aansanay inaan gaadiidka dadweynaha raacno si aan ugu laabano gurigeena oo ku yaal degmada Xamar Jajab. Nasiib xumo, baskii aan saarneyn wuxuu saxmad ku galay agagaarka Banaadir oo dhowr mitir u jirta isgoyska Zoobe,” ayay tiri.

Faadumo ayaa weli la anfariirsan baaxada cariiriga gawaarida markii qarax weyn ka dhacayay isgoyska saxmada badan ee Zoobe. Waxay ku qiyaastay baskii ay saarneyd inuu u jiray goobta mashaqada 600 ilaa 800 mitir. Sidaasi darteed xooga qaraxa ayaa ahaa mid saameeyay in baska aad u bur buro, dadkii ku jirayna ay ku waxyeelobeen.

Members of the UN Mine Action Service look through the rubble of the explosion which rocked Mogadishu on October 14, 2017, killing over 300 people and injuring hundreds of others. UN Photo

“Ma xasuusto wixii dhacay qaraxa kadib. Waan miir daboolmay waxana soo naaxay anigoo jiifa sariirta isbitaalka,” ayay tiri

Dadkii gurmanayay ayaa ka soo saaray bur burkii gaariga iyagoo geeyay isbitaalkii ugu dhawaa markaa, halkasoo loogu fidiyay gargaar caafimaad muddo labo maalin ah kadib intii aan loo qaadin dalka Turkiga si loogu sii daaweeyo.

35 -sano jirtan dukaanleyda ah ayaa waxa soo gaaray dhaawac dhanka madaxa ah iyadoo xuubka jilacsan ee maskaxda wax gaareen, tasoo u baahan daaweyn heer sare ah.

“Waxa dilaacay lafta madaxa iyadoo maskaxda wax gaareen. Waxan filayay inaan dhimanayo, laakin dhakhaatiirta Turkiga ee joogay isbitaalka Polatli ayaa I daweynayay muddo 28 cisho ah, ugu danbeyntiina badbaadiyay nafteyda. Ayay tiri.

Nasiib xumo, Faadumo hooyadeed  iyo gabadheeda 18- jir ah ayaa ku dhintay qaraxii. Faaduma waxay weli kasoo kaban dhimashadii xubnihii ka tirsana qoyskeeda iyadoo markasta ilmeysa markii ay soo xasuusato dhacdadaas.

“Ma sahlana inaad kasoo kabato xaalad hooyadaa iyo gabadhaada oo aad isla socoteen ay ku dhintaan qarax adna aad ka badbaado. Xanuunka dhimashadas wey ku dhibeysaa,” ayay tiri, iyadoo iska tireysa ilmo ka qubaneysay. “hadda waxan heystaa hal gabadh kaliya, waana ka welwelsanahay amnigeeda.”

Dhimashada dadkii ay jecleyd waxa u sii dheer, qaraxa wuxu la tagay qeyb weyn caafimaadkeedii. Waxay weli la xarbineysaa qabashada howsha guriga iyadoo mararka qaar dadka kale ka qabtaan. Intaa waxa u sii dheer madax xanuun joogto ah, hurdo xumo iyo qarow habeenkii ah.

”Weli si fiican uma soo kabsan, sidaa darted waxan si joogto ah u aadaa isbitaalka Digfeer. Ma lacag yara, laakin waxan talo saartay Ilaahey asigaa xal keenaya inshallah,”

Inkastoo caqabado heystaan Faadumo, haddana weli kama quusan nolasha. Waxay gunta dhiisha isaga xirtay sidii ay boorka uga jafi laheyd ganacsigeedii burburay kadib dhaawacii qaraxa kasoo gaaray.

Ninkeeda hadda wuxu ku suganyahay dalka Sacuudiga isagoo raadinaya nolasha qoyska. Laakin weli ma helin shaqo fiican tasoo uu ku caawin karo qoyska, arintaas ayaa Faadum ku qasbeysa iney dusha u ridato mas,uuliyada nolasha qoyska.

“Nolasheyda iyo mida qoyska waa ay fiicneyd qaraxa ka hor. Waxa nala soo darsay dhibaato dhaqaale, laakin Ilaahey baan talo saaranay,” ayay tiri.

Faadumo waxay iyada iyo Soomaali kale xusayaan musiibadii ku dhacday qaranka waxayna Alle ka tuugayaan in mid taa la mid ah dib ugu soo celin dalka. Waxay ku boorineysaa dhamaan dadka Soomaaliyeed iney munaasabadan raadiyaan nabad iyo dib-u-heshiin tasoo caawineysa in la helo nabad iyo amni waara.

“Bulshada caalamka waxba ma sameyn karaan. Mas,uuliyada waxa iska leh Soomaalida iney ka shaqeeyan hagaajinta dalka. Waxan aaminsanahay in la sameyn karo arintaas,” ayay tiri faadumo.