14 October 2017 - Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle: Tacsida dhimashadii asxaabta

15 Oct 2018

14 October 2017 - Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle: Tacsida dhimashadii asxaabta

14kii Oktoobar 2017 Qaraxii gilgilay caasimadda Muqdisho kasoo sbabay dhimashada in ka badan 500 oo rayid ah ayaa weli ka sii qoyan maskaxda Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Wariyaha laanta af-Soomaliga ee idaacada VOA-da iyo saaxiibkii, sawirqaade Alinur Siyaad Axmed, waxay sugayeen Sabti shaqo wacani u qabsoontay. Labada weriye waxay dhameystireen warbixin gaar ah oo ku saabsan Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho oo ku yaala degmada Xamar-weyne waxayna dib ugu soo noqonayeen degaanka Hodan halkaas oo xafiiskoodu ku yaalay.

Maaddaama ay ka ordayeen dibu-dhac ku yimaada barnaamijkooda, Cabdulqaadir waxa uu si degdeg u dhigtay baabuurkiisa dhanka hore ee xafiiska bisha cas hortiisa waxa aanu u dhaqaaqay dhanka xafiiska VOA da. Alinur waxa uu kaga hadhay in uu soo qaato qalabkiisa oo ku jiray qeybta danbe ee gaadhiga.

Waqtigaa gaadhi laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa si xawli ah ugu soo socday isgoyska Soobe, oo xiligaa ahaa meel saxmad badan oo dad badan oo bulshada ka koobani ay ku sugnaayeen.

"Waxaan kasoo gudbey waddada aniga oo u socda dhanka Safari Hotel, laakiin inta aanan gaadhin xafiiskayga waxaan maqlay qarax dhagaha ku tiraya. Awoodii qaraxa ayaa kor ii qaaday ka hor inta aanan si xoogan ugu dhicin xayndaabka dadku maro ee laamiga oo shub sabad ah ka samaysan"ayuu yiri Cabdulqaadir.

Awoodda qaraxu aad ayuu u xooganaa taas oo sababtay in wariyahan 30 sano jirka ahi uu dhulka u yaalo isagoo galay xaalad miyir la’aan ah.

"Kaliya waxa aan xusuustaa in aan miyir beelkii kasoo baxay aniga oo jiifa sariir cusbitaalka Madina dareemayana xanuun badan iyo aniga oo aan dhaqaajin karin lugahayga” ayuu yidhi.

Cabdulqaadir waxaa burburka kasoo dhexsaaray koox ka mid ah gurmadkii oo ula cararay cusbitaalka Muqdisho si daweyn iyo daryeel deg deg ah loogu fidiyo. Waxa uu mar dambe ogaaday in saaxiibkiisii shaqo ee Alinur uu isla markiiba ku dhintay weerarka.

Cabdulqaadir waxa  soo gaadhay jabniino lugaha ah iyo dhawacyo khatar nololeed keeni kara oo soo gaadhay xididadiisa kaas oo ay sababeen muraayado iyo biro af leh oo qaraxa ka dhashay.  Kadib laba maalmood oo daaweyn ah, dhakhaatiirta cusbitaalka Madiina waxay ku taliyeen in looga qado dhakhtar dibabeed si loogu sameeyo daryeel caafimaad.

Wariyuhu ayaa ka mid ahaa 35 qof oo loo qaaday dalka Turkiga isla markaana la dhigay cusbitaalka Polatli ee magaalada Ankara.

"Waxaan u mahadcelinayaa ilaahay oo daaweyntii aan helay iiga dhigay mid aan kaga soo kabto iina qadaray in aan noolaado si aan u arko maalin kale" ayuu yiri aabbihii laba gabdhood.

Muddadii labada bilood ahayd ee uu ku jiray cusbitaalka Polatli, Cabdulqaadir wuxuu wajahay inuu la qabsado xanuun jidheed joogta ah. Wuxuu sidoo kale ku qasbanaa inuu culeyska aad u weyn oo maskaxeed ka dhaxlo dareenka geerida iyo baroordiiqa saaxiibkii saxafi Alinur, kaas oo geeriyooday ka hor dhalashada ilmihiisa ugu yar oo dhashay muddo toddobaadyo ah ka dib.

Dhibaato kasta oo soo gaadhay, Cabdulqaadir waxa uu u dedaalayaa labadiisa gabdhood ee uu dhaley dartood. Waxa uu kaashadaa daaweynta dabiibka murqaha (physiotherapy) si uu si buuxda u bogsoodo in kasta oo xusuusta xanuunka badan ee weerarku ay tahay mid uu la noolaan doono.

"Waqti kasta oo aan maro isgoyska soobe waxaan dareemaa xanuunka xusuusta marxaladihii iyo dhaawaca aan soo maray," ayuu yiri.

Dhacdadani waxay xoojisay dareenka Cabdulqaadir ee ku aaddan in dadweynaha lagu wargeliyo lana baro muhiimadda dib-u-dhiska dalka iyo sal u dhigida nabada. Maaddaama Soomaaliya ay u tahay sanad-guuradii ugu horreysay ee weerarka dhibta badnaa, Cabdulqaadir wuxuu ku boorrinayaa dhalinyarada asaagiisa ah in ay u adeegsadaan munaasabadda taageerida nabadda iyo dib-u-heshiisiinta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku sheegtay weerarkii argagixisanimo ee 14-kii Oktobar 2017-kii in uu ahaa kii ugu dhimashada badan ee taariikhda dalka. Illaa maanta, boqolaal ka mid ah dadka ka badbaaday ayaa weli la tacaalaya dhaawacyada jidheed ama dareenka maskaxeed ee kasoo gaadhay dhacdadan.