Qoraalka Shirka Jaraa’id Ee Gebogebada Booqashadii Khabiirka Madax-Bannaan Ee Xaaladda Xuquuqaha Aadanaha Ee Soomaaliya Isha Dyfan

19 Nov 2023

Qoraalka Shirka Jaraa’id Ee Gebogebada Booqashadii Khabiirka Madax-Bannaan Ee Xaaladda Xuquuqaha Aadanaha Ee Soomaaliya Isha Dyfan

(Waa la tifaftirey si uu macnuhu uu caddaado) 

Subax-wnaagsan bahda warbaahinta,
Subax wanaagsan, marwooyin iyo mudanayaal, 

Waad ku mahadsan tihiin imaanshihiina, inkasta oo ay cimiladu aad u xun tahay maanta – waad ku mahadsan tihiin dadaalka aad bixiseen. 

Waxaan jeclaan lahaa in aan wada-sheekenysigeenna maanta ku bilaabo in aan Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya uga mahadceliyo martiqaadka iyo iskaashiga wanaagsan ee la i siiyey muddadii booqashu socotey.   

Waxaan ka mahadcelinayaa taageerada joogtada ah ee Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya / the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM), gaar ahaan waxaan Kooxda Ilaalinta Xuquuqaha Aadanaha / the Human Rights and Protection Group (HRPG), uga mahadcelinayaa qabanqaabinta booqashada, adeeggii ay bixiyeen iyo sidoo kale taageeradooda kale ee ay ku hubinayeen in booqashadu ay si wanaagsan u dhacdo.   

Intii aan ku guda jirey booqasheyda, waxaan Muqdisho, Beled Weyne iyo Hargeysa kulamo kula qaatey maamullada heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul-Insaanka ee Dowladda Federaalka ah, Wasiir-ku-xigeenka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul-Insaanka ee Dowladda Federaalka ah, Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul-Insaanka ee Hirshabeelle, Wasiirka Garsoorka ee “Somaliland,” Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradda Bay’ada iyo Is-beddelka Cimilada, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee “Somaliland,” Guddiga Baarlamaanniga ah ee Xuquuqul-Insaanka ee “Somaliland,” La-taliyeyaal Sarsare oo Wasaaradeed, Komishanarrada Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee Soomaaliya / the Somali Disaster Management Agency (SoDMA), Ergada Guddiga Qaran ee Qaxootiga iyo Dadka Gudaha Ku Barakacay / the National Commission for Refugees and Internally Displaced Persons (IDPs) iyo Hay’adda Naafada Qaranka, iyo kuwo kale.   

Wada-sheekeysigu waxaa diiradda lagu saarey dejinta shuruucda, siyaasadda iyo barnaamijyada, horumarka la xaqiijiyey, culeysyada jira, waxyaabaha weli dhimman iyo arrimaha mudnaanta u leh mustaqbalka marka lagu saleeyo cabbirada muhiimka ah ee lagu xusey warbixinnadeydii hore ee loo gudbiyey Golaha Xuquuqul-Isnaanka ee Qaramada Midoobey.   

Waxaa sidoo kale la kulmey hogaamiyeyaal xisbiyo siyaasadeed oo mucaarid ah iyo wakiillo ka socda Komishanka Qaranka ee Xuquuqul-Isnaanka ee “Somaliland”.   

Waxaan sidoo kale Muqdisho kulamo kula qaatey wakiillo ka socdey ATMIS (African Union Transition Mission to Somalia/Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya), Sanduuqyada, Barnaamijyada iyo Hay’adaha QM iyo Koox Hawleedda Xuquuqaha Aadanaha / the Human Rights Working Group (HRWG). Sidoo kale waxaan kulamo la qaatey wakiillo ka socdey bulshada rayidka ah, oo ay ka mid yihiin suxufiyiin, dadka gudaha ku barakacay, kooxaha nugul iyo kuwa la fogeeyo, kuwa laga tiro badan yahay, muhaajiriin (migrants) iyo shakhsiyaadka naafada ah, si aan isu-dhaafsano fikrado ku saabsan arrimaha xuquuqaha aadanaha ee khuseeya iyo in la bixiyo fikrado ku saabsan sida horey loogu sii soconayo.   

Hadalkeyga maanta waxaa uu diiradda saari doonaa booqashadii aan dhowaan ku tegey Soomaaliya, oo ay ku jiraan booqashooyinkii aan ku tegey magaalada Beled Weyne iyo Hargeysa. Waxaan hadda idin siin doonaa waxyaabo hordhac ah oo iiga baxay booqashooyinkeyga, kuwaas oo aan ku sii faahfaahin doono warbixinta aan u jeedin doono Golaha Qaramada Midoobey ee Xuquuqul-Insaanka iyo Shir-weynaha Golaha loo dhan yahay ee QM sanadka 2024-ka.    

Ilaalinta Rayidka    

Xaaladda amniga ee Soomaaliya ayaa weli ah mid aan xasiloonneyn, iyada oo dadka rayidka ah ay maalin kasta ay hanjabaado iyo dilal lala beegsanayo iyo dhibaatooyin la gaarsiiyo kaabayaasha dhaqaalaha ay ka soo wajahaan Al-Shabaab iyo sidoo kale colaado qabaa’ilka dhexdooda ah. Waxaan weli welwel ka qabaa raadka weerarka mileteri ee wadajirka ee ay hadda wadaan Ciidanka Qaranka Soomaaliya, maleeshiyaadka qabaa’ilka degaanka ee loo yaqaanno “macawiisley” iyo Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) uu ku leeyahay dadka rayidka ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika / The US Africa Command (AFRICOM) ayaa weli wada weerar cirka ah oo cid gaar ah lala beegsanayo, marka ay ka codsato Dowladda iyo marka loogu hiilinayo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee la-dagaalamaya Al-Shabaab. Waxaan dhammaan dhinacyada ku tirtirsiinayaa in ay ka soo baxaan waajibaadyada ay saareen sharciga xuquuqaha aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bani’adamnimada iyo in ay hubiyaan ilaalinta dadka rayidka ah.   

Waxaan xusayaa codsigii in “hakin farsamo” la hakiyo dhimmista ciidamado 3,000 ah oo ay ATMIS leedahay, sidii uu dhigayey qaraarkii tisigiisu ahaa 2687 ee soo baxay 27kii Juunyo 2023, ee ay Dowladda Federaalka ku codsaneysey ka dib markii ay waraaq u soo qortey Madaxweynaha Golaha Ammaanka 19kii Sebtember 2023. War-mirtiyeed uu 30kii September soo saarey, ayaa Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, the African Union Peace and Security Council (AUPSC) waxaa uu taageerey codsiga Dowladda Soomaaliya waxaana uu xusey maaliyad-yaraanta jirta ee is-hortaagi karta xaqiijinta hakinta noocaas ah.  

Laascaanood   

Dhowaan, waxaan fursad u heley in aan Guddoonka Guddiga Sool, Sanaag, iyo Cayn (SSC) aan isdhaafsanno ra’yi ku saabsan xaaladda xuquuqaha aadanaha ee Laascaanood, oo ah caasimadda gobolka Sool. Halista la xiriirta in uu iskudhac kale dhex maro ciidamada “Somaliland” iyo maleeshiyaad-beeleedyo ayaa qayb ahaan sababo nabadgelyo-xumo iyo tacaddiyo la xiriira xuquuqaha aadanaha. Tan iyo markii ay colaaddo bilaabatey bishii Febraayo 2023ka, ugu yaraan 81 qof oo rayid ah ayaa la diley waxaana la dhaawacay 410 qof, dad lagu qiyaasey 200,000 qof ayaa barakacay waxaana burburka kaabayaasha dhaqaalaha, uu uga sii darey xaaladdi bani’aadamnimada ee ba’nayd. Waxaan mar kale ku celiyey baaqeygii hore ee ahaa in wada-hadal la furso waxaanna aan dhammaan dhinacyada ku tirtirsiiyey in ay ka fogaadaan hadallada xanafta leh ee dadka kala qaybiya. Waa in dhammaan tabayashooyinka iyo xiisadaha jira loo xalliyaa si nabadgelyo ku dhisan oo wada-hadal loo maro. Waxaan aad uga welwelsanahay warbixinnada sheegaya dad tiro badan oo la kala haysto waxaanna ka filayaa in kuwa ku lugta leh, ay u hoggaansamaan sharciga xuquuqaha aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada,  gaar ahaan ilaalinta dadka rayidka ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee rayidka ah.   

Dejinta shuruucda   

Intii ay socdeen kulamadii aan la yeelanayey, ayaa Dowladda Federaalka ah waxaa ay ii xaqiijisey in toban iyo kow hindise-sharciyeed oo la xiriira amniga la meel-mariyay. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa sidoo kale ansaxisey siyaasado iyo shuruuc-guud, oo ay ka mid yihiin khariidadeynta degaannada colaadda iyo siyaasadda xaqiijinta da’da. Waxaa ay sidoo kale waddey shaqooyin ay kula tacaamuleyso bulshada si loo xoojiyo is-dhexgalka ciidamada iyo bulshooyinka degaanka, waxaa ay bixisey tababarro la xiriira xuquuqaha aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada waxaana ay sidoo kale qabatey tababar gaar ah oo ku saabsan haweenka, nabadda iyo amniga. Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa bixisey casharro la xiriira dib-u-ehshiisiinta iyo wada-tashiga oo ku saabsan dhallinyarada, nabadda iyo amniga iyada oo qabanqaabisey tartamo dhalinyaro, kulamo iyo munaaqshooyin ay yeeshan khubarro.     

Dhinaca talinta sharciga, Dowladda Federaalka ayaa ku soo warrantey in Hindise-Sharciyeedka Garsoorka Carruurta loo bandhigey Baarlamaanka Federaalka ah, waxaana uu bilaabey wax-ka-beddel uu ku sameynayo sharciga xabsiyada/asluubta. Waxaan sidoo kale xusayaa codsiga Dowladda Federaalka ah ay ku codsaneyso taageero farsamo oo lagu sii wanaajinayo laguna dardargelinayo geeddi-socodka qorista shuruucda.   

Musuqmaasuqa iyo wax-isu-raacasho la’aanta   

Waxaan ku farxay dadaalladii dhowaan ay Dowladda Federaalka ku bixisey la-dagaallanka musuqmaasuqa, oo ay mid ahaayeen dacwad-ku-soo-oogiddii saraakiil dowladda ka tirsan oo lagu eedeeyey musuqmaasuq iyo ku-takri-fal awoodeeed. Tani waa tallaabo koowaad oo loo qaadey xaqiijinta garsoor la helo iyo isla-xisaabtan  

Shakhsiyaad la iska xiro   

Warar ayaa sheegaya in dadka inta la iska xiro oo lagu hayo xarumo dadka lagu xiro oo ku yaalla Hargeysa taas oo ka dhalata markii ay iska bixin waayeen qaan lagu yeeshey waxaana badanaa la hayaa waqti ka badan muddadii lagu xukumey. Waxaan maamulka “Somaliland” ugu baaqayaa in ay sameeyaan waxyaabo beddel u ah xabsi-ku-haynta dadka marka ay jiraan xaaladaha noocaas ah.   

Ciqaabta dilka ah 

Ciqaabta dilka ah ee bilihii dhowaa adeegsashadeeda la wadey ayaa ah wax la dhibsado. 1dii Nofembar 2023, xubno ka tirsan ciidamada amniga ee “Somaliland” ayaa waxaa ay shan qof ku dileen meel u dhow xabsiga Mandheera, gobolka Woqooyi Galbeed, ka dib markii ay Maxkamdda Sare ee “Somaliland” ku xukuntey dil intii u dhaxaysa 2019kii ilaa 2021kii kaas oo ahaa qisaastii dil ay u geysteen shan qof oo rayid ahaa. Waxaan dhammaan maamullada ku tirtirsiinayaa in ay degdeg si ku meelgaar ah ciqaabta dilka ah uga mamnuucaan dalka.   

Komishinka Xuquuqda Aadamaha   

Waxaan warbixin ka dhegeystay Guddoomiyaha iyo Agaasimaha Fulinta ee Komishanka Qaranka ee Xuquuqda Aadamaha ee Somaliland waxaana aan heley warbixin-sanadeeddoodii 2022-ka oo sharaxaysey hawsha Komishanka, oo ay ka mid yihiin korjoogteynta xuquuqaha aadamaha, hababka cabashooyinka iyo doorka la-talinta maamulka. Waxaan sidoo kale xusayaa in Komishan Xuquuqda Aadamaha uu ka jiro Puntland. Marka ay xaaladdu sidan tahay, waxaan i farax-geliyey dadaallada hadda socda ee Dowladda Federaalku ay ku dhiseyso Komishanka Qaranka ee Xuquuqda Aadamaha.   

Xoriyatul-Qowlka   

Haseyeeshee, waxaan weli ka welwelsanahay shuruucda iyo dhabbe-tuseyaasha xaddidaya xoriyatul-qowlka. Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed oo loo adeegsado suxufiyiinta iyo shaqaalaha warbaahinta iyo hanjabaadda joogtada ah ee loogu hanjabayo in la xirayo, xorriyadda laga qaadayo, oo la maxkamadeynayo, la ganaaxayo, lana gelinayo xabsi ayaa sababeysa in uu qofku faaf-reeb isku soo rogo. Waxaan sugayaa in la mamnuuco in xeerka ciqaabta loo adeegsado suxufiyiinta iyo sidoo kale in xeerka ciqaabta si wax-ka-beddel loogu sameeyo si waafaqsan ballanqaadkii ay Soomaaliya sameysey intii ay socdeen meertooyinka Dib-u-eegista Caalamiga ah ee Muddo Ka Dibba la saameyo ee Universal Periodic Review (UPR) cycles  

Xoriyadda Isu-imaatinka iyo isu-imaanshaha nabadeed   

Marwooyin iyo mudanayaal, marka ay timaaddo xoriyadda ka-mid-noqoshada iyo isu-imaanshaha nabadeed, waxaan ka xumaadey dadka ka tirsan xisbiyada mucaaradka ah ee la iska soo qabanayo oo la iska xirayo iyo gacan-ka-hadalka marka ay mudaaharaadyadu socdaan loogu geysanyo “Somaliland.” 11kii Agoosto 2023 ayaa magaalada Burco ee Gobolka Togdheer, waxaa ugu yaraan 10 qof oo rayid ah, sagaal rag ah iyo haweenay, la dhaawacay markii Ciidanka Booliska “Somaliland” uu kala cayriyey mudaaharaad ay soo qabanqaabiyeen garabka dhallinyarada ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani. Waxaan mar kale ku celinayaa baaqii aan u jeediyey dhammaan dhinacyada ku lug leh in ay wada-hadlaan si ay nabad ugu xalliyaan khilaafaadka ka dhexeeya.   

Xuquuqda haweenka    

Dhinaca xuquuqda haweenka, waxaan jeclaan lahaa in aan ammaano ururrada kala duwan ee taageerada siiya dhibbanayaasha tacaddiga galmada iyo kan ku saleysan jinsiga ee loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Hawsha ay hayaan waa mid muhiim ah waana in la dhiirrigeliyaa lana taageeraa.    

Jarjaridda saxaaxa dheddiga (Gudniinka) waa caado-dhaqameed dhibaato leh, oo weli ka jirta Soomaaliya waxaana ay xadgudub ku tahay xuquuqda caafimaadka iyo xuquuqda nolosha, waana mid badanaa sababta geeridda dhibbanayaasha. Xubnaha ururrada dadka laga tiro badan yahay ee Hargeysa ayaa ku soo warramey in uu batey gudniinka sababta oo ah waa il dakhli dheeri ah uu ka soo galo kuwa sameeya caado-dhaqmeeddan dhibaatada leh. Waxaa doonayaa in aan Dowladda Federaalka iyo maamulka “Somaliland” ugu baaqo in ay qaadaan tallaabooyin lagu joojinayo caado-dhaqameedka jarjaridda saxaaxa dheddigga (gudniinka).   

Dhinaca tacaddiga ku saleysan jinsiga, waxaa i soo gaarey macluumaad sheegaya in Hannaanka Maareynta Macluumaadka Tacaddiga Ku Saleysan Jinsiga / the Gender-Based Violence Information Management System laga hirgeliyey Soomaaliya waxaana loo adeegsadaa sidii hannaan loo isticmaalo sii gudbinta kaas oo ay maamulaan Dowlad-goobleedyada iyo gobolka Bannaadir. Haseyeeshee, culeyska jira waa in mararka qaar aan jirin macluumaad la xiriira adeegyada la heli karo iyo halka laga heli karo. Dowladdu waxaa ay ku taameysaa in la helo meel si dhammeystiran wax loogaga qabto tacaddiga la xiriira galmada iyo kan ku saleysan jinsiga iyada oo loo marayo in la sameeyo xarumo dhibbanayaasha u roon oo adeegyada loo baahan yahay oo dhan laga wada helo oo bixiya daaweyn iyo adeegyo nafsaani ah sida xarumaha adeegyadu ay ku dhan yihiin ee ka hawlgala Baydhabo, Kismaayo, Muqdisho, Hargeysa iyo Dhuusamarreeb. 

Waxaan xusayaa in Hindise-sharciyeedka Dembiyada Galmada ee 2018 weli ay dib-u-eegis ku waddo Dowladda Federaalka ah.  

Waxaan ku faraxsanahay u-qareemeynta socota ee ay wadaan dhammaan daneeyeyaasha sinnaanta jinsiga iyo in haweenku ay wakiillo ku yeeshaan kana qaygbgalaan siyaasadda iyo nolosha dadweynaha. Gaar ahaan, hawsha lagu doonayo in lagu xaqiijiyo in kootada ugu yaraan boqolkiiba 30 ay haweenka ka helaan ee ay wadeen xubnaha dheddigga ah ee ka tirsan baarlamaanka, iyaga oo u maraya labada kulan ee kala gaarka ah ee ay leeyihiin. Intaa waxaa dheer, Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul-Insaanka ee Federaalka ay sheegtey in ay bilowdey guddi farsamo oo u qaabilsan hoggaaminta haweenka si ay ugu qareemeeyaan oo ay Golaha Wada-tashiga Qaranka uga dhaadhiciyaan arrimaha haweenka, oo ay ka mid yihiin kootada boqolkiiba 30 ah in ay tahay haweenka in ay ka helaan nolosha dadweynaha iyo geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka.   

Sida ay sheegtey Dowladda Federaalka, waxaa jira Qorshe Waxqabad ee Qaran oo la xiriira Qaraarka Qaramada Midoobey ee 1325 ee Haweenka, Nabadda iyo Amniga, kaas oo la waafajinayo xaaladda degaanka waxaana ay haweenku safka hore kaga jiraan taageeridda dhexdhexaadinta bulshada iyo xallinta khilaafaadka ee beddelka ah.   

Waxaan mar kale ku celinayaa baaqii aan u jeediyey Dowladda Federaalka ee ahaa in ay ansaxiso Heshiiska Baabi’inta Dhammaan Noocyada Takoorka ka Dhanka ah Haweenka / the Convention on the Elimination of All Forms of Discrimination Against Women (CEDAW), taas oo ka dhigan mid ka mid ah tallaabbooyinka ugu horreeya ee ka mid ah dadaallada looga hortegayo ku-xadgudbidda xuquuqaha haweenka.   

Xuquuqaha Carruurta    

Dhinaca xuquuqaha carruurta, waxaan si joogto ah ula socdaa waxyaabaha soo kordha ee la xiriira shuruucda guud ee ilaalinta carruurta, gaar ahaan Hindise-Sharciyeedka Garsoorka Carruurta iyo Hindise-sharciyeedka Xuquuqda Carruurta, kaas oo sida uu hadda u dhigan yahay sheegaya in da’da qaangaarka ay tahay 18 sano jir. Waxaan aaminsanahay in uu ansaxiyey Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka oo uu sugayo ansaxinta Baarlamaanka. Waxaan sidoo kale bogaadinayaa dhabbe-tuseyaasha xaqiijinta da’da ee uu saxiixey Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka, taas oo gacan ka geysan doonta qiimeynta da’da ayna tahay in si joogto ay u adeegsato Dowladda Federaalka. Haseyeeshee, waxaan xusayaa in Qorshe-hawleedka Qaranka ee Carruurta aan weli la ansaxin. 

Waxaan mar kale ku celinayaa baaqii ku qornaa Warbixinta Xoghayaha Guud ee la xiriirey Carruurta iyo Colaadda Hubeysan ee bishii Juunyo 2023 uu dhammaan dhinacyada ugu soo jeediyey in ay dhakhso u joojiyaan ayna ka hor-tagaan xadgudubyada iyo in ay u hoggaansamaan waajibaadyada uu saarayo sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada iyo sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha. Waxaan carrabka ku adkeynayaa baahida loo qabo in mudnaan la siiyo ilaalinta carruurta iyada oo lagu xisaabtamayo dhimista ciidamada ATMIS ee muddeysan.   

Tan iyo markii ay colaaddu ka bilaabatey Laascaanood 6dii Febraayo, waxaa barakacay dadka degaanka, taas oo ka dhacday meelo ay ka mid yihiin Garoowe iyo degaanno kale oo ka tirsan Puntland. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Arrimaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, oo ay weheliyaan UNICEF iyo bah-wadaag kale, ayaa sameeyey daraaseyn qiimeyn ah iyaga oo dib-u-eegis ku sameeyey barnaamijyada ay wax uga qabanayaan baahiyaha dadka barakacay. Waqtigan la joogo, UNICEF waxaa ay hirgelineysaa barnaamijyo wax loogu qabanayo bulshooyinka barakacay oo ka kooban carruur iyo dhallinyaro iyo kuwa ku nool dugsiyada iyo dhismayaasha Dowladda, iyada oo la sii marinayo Garoowe.   

Shir ay yeesheen wasaarado kala duwan, ayaa Dowladda Federaalku waxaa ay ka sheegtey in ay hirgelineyso Khariidaddii Waddada ee 2019ka ee Carruurta iyo Colaadda Hubeysan iyada oo qabaneysa tababarro looga hortegayo in carruurta ay askareeyaan ciidamada amniga, iyada oo bilaabeysa geeddi-socodyo baaritaan qiimeyn ah lagu sameynayo iyo kuwo kor loogu qaadayo wacyiga ciidamada amniga oo daah-rogeysana ololayaal oo abuureysana nidaamyo xooggan oo lagula soconayo xadgudubyada lagu sameeyo xuquuqaha carruurta.   

Dowladda Federaalka ah waxaa ay sidoo kale ku soo warrantey dejinta Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada iyo hindisaha Golaha Dhallinyarada Qaranka iyo xarumo dhallinyarada oo laga sameeyey Banaadir iyo qaar ka mid ah Dowlad-goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka. Waxaa ay sidoo kale ku soo warrameen in tababarro iyo waxqabadyo isboorti u sameeyeen qiyaastii 1,525 qof oo dhallinyaro ah.   

Intii uu socdey shirka wasaaradaha ay yeesheen, ayaa Dowladda Federaalku waxaa ay sheegtey in sanadkii 2015kii ay Soomaaliya ansaxisey Baaqa Iskuullada Bedqabku ka jiro / The Safe Schools Declaration, kaas oo ay ku dhigan yihiin tiro ballanqaadyo ah oo lagu xoojinayo in waxbarashada laga ilaaliyo weerar oo xaddidayana in iskuulada iyo jaamacadaha loo adeersado ujeeddooyin mileteri. Waxaa ay hiigsaneysaa in uu hubiyo in la helo waxbarasho bedqab uu ku dheehan yahay marka ay colaad jirto. Siyaasad qaran oo lagu hirgelinayo Baaqa ayaa la ansaxiyey bishii Agoosto 2022.   

Daadad/Fatahaado   

Dadka gudaha ku barakacay ee Balad Weyne ayaa soo sheegey colaad hubeysan iyo aafooyin la xiriira cimilada, oo ay ka mid yihiin abaar iyo fatahaado, ayna ka dhigeen cayr fara madow. Qaarkood ayaa ku jirey xerooyinka dadka gudaha ku barakacay muddo 20 sano ah oo aan awoodin in ay ku noqdaan degaannada ay ka soo jeedaan, halka qaar kale ay beero iyo xoolo ku waayeen colaadda, abaaraha iyo daadadka. Carruurtoodu ma dhigtaan iskuul, ma haystaan barnaamijyo nafaqeyn waxaana xoogaaga gargaarka bani’aadamnimada ah ee ay helaan kiro ahaan uga qaata kuwa leh dhulka ay deggan yihiin.   

Dadka gudaha ku barakacay ayaa ku doodey in tan iyo markii ay fatahaaduhu dhaceen, ay haya’daha QM ay sameeyeen daraaseyn ayna siiyeen agab aan cunto ahayn, laakiin aaney wax taageero ah ka helin Dowladda Federaalka, shakhsiyaad iyo ururrada aan dowliga ahayn. Waxaa ay intaa ku dareen in ay ku nool yihiin shaqooyin muruq-maal ah oo ay ka helaan bulshada. Baahida ugu weyn ee ay qabaan waa dhinacyada hoyga, nafaqada, shaqada, waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka.   

Inkasta oo Dowladda Federaalku ay kordhsiey miisaaniyadda caafimaadka, haddana bixinta adeegga caafimaadka ayaa liita, soo-gaaristiisuna aad bey u yar tahay, gaar ahaan xerooyinka dadka gudaha ku barakacay, beelaha la fogeeyo iyo degaannada miyiga ah. Waxaa lagu soo warramey in ay haween umul-raaceen intii ay dhexda ku sii jireen ka dib markii ay daryeel caafimaad u doonteen magaalada Balad Weyn waxaana haddiiba la helo meel adeegga laga helo, ay ku khasban yihiin in ay lacag iska bixiyaan taas oo mararka qaar aad u adag. Maaddaama dadka laga tiro badan yahay iyo dadka naafada ah aaney awoodin in ay iska bixiyaan lacagahaas, ayaa kuwa xanuunsan ay marka dambe u dhintaan xanuunnada. Sidaa daraaddeed waxaan ku talinayaa in adeegyo caafimaad oo wareega loo sameeyo dadka gudaha ku barakacay iyo bulshooyinka ku nool degaannada fog si loo daboolo baahiyaas.   

Iyada oo lagu xisaabtamayo dhibaatooyinka soo noqnoqda ee abaarta iyo fatahaadda iyo raadka ay ku leeyihiin xuquuqaha dhaqaale, bulsho iyo dhaqan, ayaa Dowladda Federaalka waxaa waajib ku ah in aaney diiradda saarin keliya bixinta gargaar bani’aadamnimo oo degdeg ah ee ay sidoo kale diiradda saarto dhisidda adkeysiga bulshooyinka iyada oo hirgelineysa tallaabooyin lagu khafiifinayo lagulana qabsanayo dhibaatooyinka oo muddada dhexe, ilaa muddada fog ah. Sidaa daraaddeed, waxaan soo dhoweynayaa in Dowladda Federaalka, oo taageero ka heleysa bah-wadaagteeda, ay ansaxisey Xeerka Sharciyeed ee Xakameynta Agabka Dhammeysa Lakabka Ozone iyo Hindise-Sharciyeedka Maareynta Bay’ada ee 2023, kaas oo iskuxiraya gargaarka bani’aadamnimada iyo horumarinta.   

Intii aan ku guda-jirey booqashadii aan ku tegey Balad Weyne iyo Hargeysa, waxaan la tacaamuley dad gudaha ku barakacay, dad naafo ah, iyo wakiillo ka socdey dadka laga tiro badan yahay iyo kooxaha la fogeeyo, kuwaas oo soo qaadey welwel badan oo ay ka qabaan xaaladdooda, oo ay ka mid tahay in nidaamyada qaranku ay weli ku dhisan yihiin qabiil iyo in ay jiraan saddex sharci oo is-barbar-socda oo kala ah xeer-dhaqanka, shareecada iyo shuruucda qoran, taas oo hoos geyneysa nidaamyo shuruuc kala duwan. Inkasta oo nidaamkan uu caadi ahaan ka wada jiro guud ahaan Soomaaliya, haddana mar walba isku mid ma aha sida loo fuliyo sharciga iyo sida loo xalliyo khilaafaadka. Waxaana dadka gudaha ku barakacay ay ku sheegteen in ay qabaan beylahasanaan/jilicsanaan iyaga ku gaar ah, oo ku fadhisa sharciyadaan.   

Magaalada Hargeysa, dadka gudaha ku barakacay waxaa ay sidoo kale sheegeen in aan wax adeeg ah ka helin dowladda. Waxaa ay ku baaqeen in la sameeyo sanduuq maaliyadeed oo loogu talogaley dadka laga tiro badan yahay oo si gaar ah wax uga qabta baahiyahooda. Waxaa ay sidoo kale sheegeen in aaney xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee loo geysto ku soo wargelinin booliska maaddaama aaney ku kalsooneyn, iyo maaddaama iyaga laftoodaba ay qayb ka yihiin xadgudubyada xuquuqda aadamahada ee loo geysto.   

Xuquuqda dadka laga tiro badan yahay  

Dadka laga tiro badan yahay waxaa ay badanaa ku nool yihiin degaamada isku-raranka ah waxaana badanaa loo geystaa xadgudub, hadallo nacayb ah iyo dulleysi, gaar ahaan waxaa badanaa loo geystaa carruurtooda. Si fudud ayaa looga saaraa guryahooda sababta oo ah waxaa bannaanka u saara dadka leh dhulka ay deggan yihiin waxaana carruurtooda loogu caga-jugleeyaa iskuullada.Waxaa sidoo kale ay sheegeen in maamullada degaanka aaney diiwaangelin dadka gudaha ku barakacay oo aaney door ku lahayn geeddi-socodyada doorashooyinka.   

Xuquuqda naafada   

Inkasta oo aan soo dhoweynayo dhisidda Hay’adda Naafada Qaranka, waxaan xusayaa in naafanimadu ay tahay culeys ka dhex jira bulshada. Naafanimada waxaa sababa cudurka dabeysha, naafanimo lagu dhasho iyo qaraxyada dagaallada. Shakhsiyaadka naafada ah waxaa ay noloshoodu ku tiirsan tahay qoysaskooda, taas oo ay ka dhalato in lagu caayo in aaney isku-filneyn iyo in aaney wax ku biiran karin guud ahaan bulshada. Arrinta mudnaanta ay siineyso Hay’adda Naafada Qaranka waa in ay kor u qaaddo wacyiga ku aaddan xuquuqaha ay leeyihiin shakhsiyaadka naafada ah, in ay sii wnaajiso xirfadahooda iyo fursadahooda shaqo, in ay u qareemeyso ka-qaybgalkooda siyaasadda iyo nolosha guud iyo in ay sii wanaajiso helidda adeegyo caafimaad iyo daryeel.  

Gebogebo    

Aan ku soo gebogebeeyo in aan mar kale Dowladda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyo martiqaadkii ay igu martiqaadeen in aan soo booqdo iyo fursaddii ay ii siiyeen in aan la kulmo dhammaan dadkii aan rabey in aan la hadlo, kuwaas oo muujiyey in ay u diyaar yihiin in ay ka hadlaan arrimihii xuquuqaha aadanaha ee aan la soo qaadey. 

Waxaa muhiim ah in la xuso in xuquuqaha aadanuhu ay yihiin kuwo meel kastaba taabanaya.  Dadaalka wax looga qabanayo kooxaha hubeysan, nabadda, amniga, horumarinta, waxqabka bani’aadamnimada is-beddelka cimilada iyo deegaanka ma aha kuwo gaar wax looga qaban karo iyada oo aan wax laga qaban xuquuqaha aadamaha.   

Iyada oo lagu saleynayo ballanqaadyadii ay sameysey iyo arrimihii mudnaanta lahaa ee ay soo aqoonsatey Dowladda Federaalka, waxaan codsadey in aan mar kale dalka soo booqdo bisha Abriil ama Maajo sanadka soo socda si aan u qiimeyo horumarka laga gaarey xaaladda xuquuqda aadamaha iyo in aan eego sida ay nusqaamaha iyo culeysyada jira wax uga qabanayaan maamullada iyo sida loo hirgelinnayo arrimaha mudnaanta leh. Tani waxaa ay gacan dad ka siin doontaa in la go’aansado diyaarinta fursadaha kala duwan ee loo haysto in wax-ka-beddel lagu sameeyo baaxadda iyo hawsha si markaa ka wanaagsan sida hadda wax looga qabto baahiyaha taageerada farsamo ee la siinayo Dowladda Federaalka, iyada oo maskaxda lagu hayo dib-u-eegis lagu sameynayo diirad-saaridda iyo baaxadda hawsha iyo sii wanaajinta awoodda loo leeyahay gacan laga geysto dadaallada Soomaaliya ay ku hirgelineyso jaangooyooyinka iyo caadooyinka xuquuqaha aadanaha.    

Waxaan idiinka mahadcelinayaa in aad dareenkiina i amaahiseen.   

SU’AALO IYO JAWAABO

Maxamed Nuur Moxamed Axmed, Mustaqbal Media: Soomaaliya waxaa ka da’ay roobab xooggan oo sababey dhimashada dad badan. Dadka ay dhibaatadu soo gaartey waxaa ay u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo oo degdeg ah. Muxuu yahay qorshihiinu? Kulamo ayaad la qaadatey qof walba, maxay tahay tallaabada xigta ee aad qaadeyso shirkan jaraa’id ka dib? Ma kala munaaqashootey dhibaatooyinka bani’aadamnimo ee ka jira magaalada Laascaanood, jawaabo sidee ah ayaadse heshey?    

Isha Dyfan, Khabiirka Madax-bannaan oo ku takhasustey Xaaladda Xuquuqaha Aadamaha ee Soomaaliya: Hadalkii aan waxyar ka hor jeediyey, waxaan mar kale ku celiyey booqashadii aan ku tegey Beled Weyne iyo “Somaliland”, waxaana aan la kulmey daneeyeyaal badan oo la xiriira xerooyinka barakacayaasha, raadka ay fatahaaddu ku reebtey xaaladdooda. Waxaana aan mar dhow xusey in aan sidoo kale la kulmey dowladaha, Muqdisho markii aan ka hadley kulankii wasaaradaha ka dhexeeyey iyo kulankii aan la yeeshey dhammaan komishannarada. Waxaan sidoo kale ka hadley xaaladda abaarta, waxaa ay ka hadleen fatahadaha. Sidoo kale waxaa ay komishannaradu ka hadleen sida ay diyaar ugu yihiin wax-ka-qabashada fatahaadaha iyo diyaarinta qorsheyaal lagu khafiifinayo raadka ay fatahaaduhu ku leeyihiin bulshooyinka.   

Sida aan horeyba ugu sheegey hadalkeyga sababta oo ah waa sidaas sida ay ugu diyaar-garoobeen. Dabcan, waxaa ay ii sheegeen in fatahaaduhu ay markan ahaayeen kuwo aad uga badan intii ay filayeen. Sidaa daraaddeedna, diyaar-garowgu, inkasta oo ay diyaar-garoobeen, ma ahayn mid ku filan in uu ku filnaado wax ka qabashada fatahaadda dhacdey. Sidaa daraaddeed, waan aaminsanahay sababta oo ah markii aan u duuleyney Beled Weyne waxaan aragney in heerka fatahaaddu uu aad u sarreeyey, oo uu qariyey qaar ka mid ah guryaha. Barakacayaasha ayaa sidoo kale sheegey in ay aad ugu adkeyd in ay ka soo qaybgalaan kulankii aan ugu yeerney. Sidaa daraaddeed, marka ay timaaddo diyaar-garowga, dowladdu waxaa ay diyaar u ahayd in ay sharaxdo sida ay u diyaar-garoobeen, sida ay iyaga oo kaashanaya bah-wadaagtooda ay wax u diyaariyeen, cunto iyo agabka aan cuntada ahaynba. Laakiin waxaa adkeyd in waxyaabahaas gaadiid lagu geeyo goobahaas fatahaadda daraaddeed.   

Maxamed Axmed, Goobjoog Media Group: Sidee tahay xaaladda suxufiyiinta jooga Soomaaliya oo waa maxay doorka ay QM qaadaneyso si ay u taageerto suxufiyiinta jooga Soomaaliya?    

Isha Dyfan, Khabiirka Madax-bannaan oo ku takhasustey Xaaladda Xuquuqaha Aadamaha ee Soomaaliya: Hadalkeygii qornaa, waxaan hadda un ku xusey in aan la kulmey suxufiyiinta meelaha kala duwan ee ay dalka ka joogaan, Muqdisho, Balad Weyn iyo “Somaliland” kuwaas oo ka cawdey soo-qabasho iyo xirid iyo xaqiiqda ah in maxkamad lagu geeyo xeerka ciqaabta. Waxaana aan hadalkeygii qornaa hadda dhow un ku xusey in arrintaasi ay welwel igu hayso. Waxaan mar walba codsan jirey in la hakiyo adeegsiga xeerka ciqaabta si aan suxufiyiinta loo soo qaban oo loo xirin oo laguna maxkamadeyn sharcigaas sababta oo ah waxaa uu dembi ka dhigayaa shaqadooda. Xoogaa waqti ah ayaa ay qaadatey in wax laga beddelo sharciga sidaa daraaddeed waxaan codsadey in la hakiyo adeegsigiisa.   

Waxaa jira ballanqaad ay dowladdu ballanqaadey in ay sidaa yeeli doonto. Waxaan ka dhur-sugayaa in marka aan soo noqdo Abriil ama Maajo, lagu dhawaaqo in hakintaas la fuliyo. Taasna waxaa ay gacan ka geysan doontaa in ay yareyso welwelka ay suxufiyiintu ka qabaan adeegsiga xeerka ciqaabta.    

Dabcan sharciga saxaafadda waxaa uu sidoo kale u baahan yahay wax-ka-beddel. Waa kaas sharciga ay tahay in farsamo ahaan la adeegsado marka ay timaaddo shaqada warbaahinta. Laakiin waxaa uu sidoo kale u baahan yahay wax-ka-beddel waxaase ka sii xun in la adeegsanayo xeerka ciqaabta. 

Dib-u-eegista Guud Muddaba Ka-dibba La Sameeyo / the Universal Periodic Review annigaba waxaan ku talinney in labadaan sharci ay u baahan yihiin dib-u-eegis iyo wax-ka-beddel, waxaana aan dowladaha culeys ku saareynaa in ay hadda eegaan oo ayna dedejiyaan.   

Waxaad ka arki kartaa qaar ka mid ah talo-soo-jeedinta, qaar ka mid ah taageerada ay codsadeen ay tahay in aan gacan ka siinno qorista sharciga taas oo daahineysa hawsha lagu eegayo dhammaan wax-ka-beddelka lagu sameynayo shuruucdaa sababta oo ah waxaad u baahan tahay in aad aqoon u leedahay shaqada si aad uga soo baxdo.   

Sidaa daraaddeed, tani ayaa ka mid ah meelaha ay codsadeen in taageero farsamo laga siiyo si ay u qoraan sharciga waxaana aan rajeynayaa in ay heli doonaan iyo in aan awoodi doonno in aan dedejiyo hawsha laga qabanayo shuruucdaan.   

Maxamed Cabduqaadir Maxamed, Goobjoog Media Group: Maaddaama ay hadda dalka ka jiraan fatahaado ba’an, maxaad qorsheyneysaan si aad wax uga qabataan dhibaatada?    

Isha Dyfan, Khabiirka Madax-bannaan oo ku takhasustey Xaaladda Xuquuqaha Aadanaha ee Soomaaliya: Hagaag, keliya in aan u qareemeyno in kuwa mas’uuliyaddu saaran tahay, haddii ay tahay dowladda laf’ahaanteeda, in ay leeyihiin hannaan lagu maareeyo masiibooyinka iyo hay’adaha gargaarka bani’aadamnimada oo bixiya gargaar degdeg ah, sidoo kale hay’adaha kale ee hawshoodu tahay diyaar-garowga muddada dhexe ilaa muddada fog kuwaas oo ah FAO (Hay’adda Qaramada Midoobey ee Cuntada iyo Beeraha) iyo WFP (Barnaamijka Cuntada Adduunka) in dhammaantood ay isla shaqeeyaan si ay u sii saadaaliyaan masiibada soo socota ayna u sii diyaar-garoobaan.   

Sidaa daraaddeed, doorka aan tan ku leeyahay waa in aan soo ogaado faahfaahinta loo baahan yahay, waxa ay ka welwelsan yihiin, maxay yihiin nusqaamaha jira, iyo culeysyada jira waxa ay yihiin iyo in aan ugu qareemeeyo warbixinnadeyda si ay kuwa ka mas’uulka ah ay u awoodaan in ay qabtaan hawsha looga baahan yahay. Waxaan la kulmey qaar badan oo ka mid ah hay’adan waxaana aan is-dhaafsanney fikiradaha aan ka kala qabno sida wax looga qabanayo qaar ka mid ah welwelka jira, gaar ahaan fatahaadaha.   

Warbixinteydii ugu dambeysey, waxaan kaga hadley abaarta haddana waxaan indhayga ku arkaa fatahaadaha waxaana aan ogaadey sida ay halis u yihiin sida ay u burburiyaan kaabayaasha dhaqaalaha iyo sida aaney iskuulladu u socon karin iyo maciishadda ay ku waayayaan bulshooyinka kacaa-kufayey abaarta daraaddeed. Sidaa daraaddeed, aad baan uga welwelsanahay arrintaa, waxaana aan qaylo-dhaanteyda gaarsiiyey dowladaha, sababta oo ah mas’uuliyadda koowaad iyagaa leh, sidoo kale waxaan gaarsiiyey bah-wadaagtooda ay wada-shaqeeyaan ee ka tirsan beesha caalamka, in ay wax ka qabtaan raadka uu is-beddelka cimiladu ku leeyahay bulshooyinka.   

Maxamed Cabduqaadir Maxamed, Goobjoog Media Group: Haddii aan sii tixraaco jawaabtaada, ma jiraan faahfaahin la xiriirta gobolka Banaadir?   

Isha Dyfan, Khabiirka Madax-bannaan oo ku takhasustey Xaaladda Xuquuqaha Aadanaha ee Soomaaliya: Hagaag, waxay ila tahay joogista aan halkan joogo, waxaan arki karaa daadad, xataa xerada aan degganahay, qof kasta dhibaatada wuu dareemey. Waxaana ay tani kor u qaadeysaa waayo-aragnimada guud, sababta oo ah haddii aad fadhido New York ama Geneva ama meel kale oo aad qoraal ahaan u akhrido lama mid ah marka aad dhab ahaan u aragto. Marka aan meelaha socdo waan arkaa oo ma laha meelo ay biyaha maraan oo ciidduna ma liqi karto biyaha daadadkuna dhab-ahaantii waa ay sarreeyaan, waxaana ay dhibaato u geystaan kaabayaasha dhaqaalaha. Waana mid welwelkeeda leh sida ay tahay in dowladuhu ay ugu diyaar-garoobaan si ay wax uga qabtaan, sababta oo ah tani waa mid soo noqnoqota, ma aha wax cusub waana in aan si ka duwan sidii hore uga fekernaa sida aan wax uga qabaneyno. Waxaanna dhammaan hay’adahan takhasuska kala duwan leh looga baahan yahay in ay dowladaha gacan ka siiyaan sidii ay shaqadaas uga soo bixi lahaayeen.    

Aad baad u mahadsan tihiin.