Saaxiibada beesha caalamka oo ku baaqay in la dejiyo lana xakameeyo xaaladda Garoowe

21 Nov 2023

Saaxiibada beesha caalamka oo ku baaqay in la dejiyo lana xakameeyo xaaladda Garoowe

Muqdisho – Saaxiibada beesha caalamka* waxay ka walaacsan yihiin halista xiisadaha oo kor u kaca, oo uu ka mid yahay abaabulka ciidamada ee Garoowe ka socda. Joogitaanka ciidamadan ayaa cabsi gelinaya dadka shacabka ah, taasoo keentay in iskuullada la xiro.
 
Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog. Cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadeed.
 
Saaxiibada beesha caalamku waxaa weli ka go'an inay Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ku taageeraan dhisidda aasaaska bulsho nabad iyo barwaaqo ah.
 
Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda, waxaana ku baaqaynaa in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda iyo wadahadallo degdeg ah oo ay yeeshaan madaxda siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka.
 
*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Talyaaniga, Ireland, Kenya, Netherlands, Norway, Talyaaniga, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, Qaramada Midoobay.