Qorshe-howleed cusub oo la daahfuray si sare loogu qaado doorka haweenka Soomaaliyeed ee qaybta badda Soomaaliya

15 Feb 2023

Qorshe-howleed cusub oo la daahfuray si sare loogu qaado doorka haweenka Soomaaliyeed ee qaybta badda Soomaaliya

Muqdisho – Waxaa maanta la daah-furay qorshe-howleed cusub ee heer qaran ah oo kor loogu qaadayo laguna xoojinayo haweenka Soomaaliyeed ee dhanka qaybta badda ee dalkooda, iyadoo munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimey oo ay ka soo qaybgaleen mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Ddowladda iyo wakiillo ka socda bulshada rayidka ah iyo beesha caalamka oo ay ku jirto Qaramada Midoobey.

"Dhaqaalaha buluugga ah" ee aan rabno inaan ka faa'idaysanno waxaa ka mid ah kalluumaysiga ka yimaada baddeena iyo dhammaan badeecadaha soo mara; Sidoo kale waa in aan tixgelinno silsiladda qiimaha min kalluumaysatada, iibsadaha, suuq-geeyaha iyo ilaa maalgeliyaha. Si loogu guulaysto howshan waxaan u baahan nahay in aan awood siinno haweenka dhinacyada qiimaha oo dhan,” ayuu Ra’iisul Wasaare Xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ku sheegay khudbad uu ka jeediyey munaasabaddii lagu daah-furay Qorshaha Wax-qabadka Qaranka ee Haweenka Baddaha (WiMS).

"Waxaan kuu xaqiijin karaa in haddii aan dadaalkeenna oo dhan gelinno oo aan ka shaqayno sidii aanu u xoojin lahayn haweenka, gaar ahaan dhanka 'Dhaqaalaha Buluugga' iyo isbeddelka cimilada, waxaan hubaal ah in aan guulaysan doonno," ayuu sii raaciyey.

“Qorshaha Waxqabadka Qaranka ee WiMS waxa uu gacan ka gaysan doonaa in la hubiyo in haweenka ka howlgala guud ahaan baddaha la siiyo fursad muuqasho oo dheeraad ah si aanay u noqon ka qaybqaataal oo keliya, balse sidoo kale ay uga faa’iidaystaan qaybta badda,” ayay tiri Xigeenka ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho.

"Fursaduhu waa kuwo aan xad lahayn qaybta badda. IIyada oo ay xeebteeduna dheertahay, ayuu ‘Dhaqaalaha Buluugga ahi horseed ka noqon karaa in isbeddel la sameeyo hantina loo abuuro haweenka Soomaliyeed iyo runtii ahaantii qarankaba,” ayay raacisay Ms. Gbeho, oo sidoo kale ah Sarkaalka Sare ee Ururka Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM).

Mas’uuliyiintii kale ee ka soo qaybgashay munaasabadda daah-furka ah waxaa ka mid ahaa Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, Khadiija Diiriye; Wasiirkii Dekedaha iyo Gaadiidka Badda C/llaahi Axmed Jaamac; iyo Madaxa Ergada Midowga Yurub, Ambassador Tiina Intelmann.

Figta qorshaha

Qorshaha Waxqabadka Qaranka ee WiMS waxa uu calaamad u yahay gaarista meel sare ee hannaan ay Soomaalidu hoggaaminayso oo bilaabmay Sebtembar 2019-kii, iyada oo isku dubbarid iyo taageero laga helayo UNSOM iyo Howlgalka Kobcinta Awoodda Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUCAP Somalia).

“Qorshahan howleed waxa uu hormuud ka noqonayaa in la hubiyo in haweenka lagu daro qaybtan, waxana ay si wayn gacan uga gaysan doontaa sinnaanta jinsiga Soomaaliya,” ayay Danjire Intelmann ku sheegtay hadalladeedii furitaanka ahaa.

Tiiyoo ay ku taal goob muhim u ah marinnada maraakiibta caalamiga ah, ilaa 3,300 kilomitir oo xeeb ah iyo kheyraad badan oo badda ku jira, badda Soomaaliya ayaa si wayn loogu tixgaliyaa in ay dalka siinayso fursado dhaqaale oo baaxad wayn leh gaar ahaan dhanka ‘Dhaqaalaha Buluugga ah’.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jirta gabaabsi aad u daran ee dhanka xirfadaha badda taasoo ay ugu wacan tahay la'aanta aqoonta iyo awooddii hay'adaha. Sidoo kale, waxaa weli jirta sinnaan la'aan wayn oo xagga jinsiga ah taasoo haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed ka hor istaagta xuquuqdooda iyo fursadaha aasaasiga ah, kuwaasoo ay ku jiraan waxbarashada badda, ka qaybgalka dhaqaale iyo helidda ilaha dhaqaale.

Qorshe howleedka, oo loo maray hab loo wada dhan yahay oo ay ku jiraan Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya iyo Maamullada ka tirsan Faderaalka ee dalka, ayaa loo dejiyey in si wada jir ah loo horumariyo baahiyaha haweenka iyo mudnaanta ay ku leeyihiin qaybta badda, gudaha ganacsiga gaarka ah iyo hay’adaha dowladda labadaba.

Fulinta qorshaha

Xubnaha ku howllan diyaarinta qorshe-howleedka lixdii sano ee la soo dhaafay ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah Wasaaradaha Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Horumarinta Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Waxbarashada, Shaqada, Amniga Gudaha, Cadaaladda iyo Qorshaynta iyo sidoo kale wasaaradaha kala duwan ee la gudboon ee ka kala socda Maamullada hoos taga Dowladda Federaalka ee dalka.

Hadalkooda, Ra’iisul Wasaare Xigeenka iyo Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey ayaa xusay doorka muhimka ah ee saaxiibada caalamka.

“Hay’aduhu waa inay ka shaqeeyaan sidii haweenka loo xoojin lahaa. Waxaan rajaynaynaa in deeq-bixiyeyaasha iyo hay’adaha aan wada shaqaynta leenahay ay ka fiirsan doonaan maalgelintaa haweenka ee qaybtan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xigeenka Jaamac.

Ms. Gbeho oo Qaramada Midoobey ka socotey ayaa ku nuuxnuuxsatay in hadda ay muhim tahay in Qorshaha Waxqabadka loo beddelo mashaariic loo taageeri karo farsamo iyo dhaqaale ahaan.

Dhanka kale, waxay sidoo kale ku dhiirrigelisay hay’adaha Qaramada Midoobey sida Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Daroogada iyo Dembiyada (UNODC), hay’adda Horumarinta Wershadaha ee UN (UNIDO), hay'adda Horumarinta Degaanka (UNEP), Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO) iyo Cuntada iyo Ururka Beeraha (FAO) ay u sii wadaan taageeradooda.

"Balanqaadka wadajirka ah ee aanu sida wadajirka ah u samaynayno maanta si aan u bilowno Qorshaha Waxqabadka Qaranka ee WiMS waa mid muhiimad leh," ayay tiri. "Waxaan u baahan nahay hab-raac badeed oo la jaanqaadaya jinsiga, kaasoo leh habab iyo qaabab cusub oo keenaya isbeddel dhab ah. Waxaan u baahan nahay waax aqoonsan islamarkaana kor u qaadda rabitaanka haweenka iyo wakaalad ka shaqaysa badda, kalluumaysiga, soo saarista macdanta iyo waaxaha sharci fulinta".

"QM waxay aaminsan tahay," ayay tiri Ms. Gbeho oo hadalkeeda sii wadata, "waxaa jira fursado bado ah oo ay Soomaaliya sahmin karto; Waxaan arki karaa in haweenkeeda dhanka baddu ay diyaar u yihiin inay qayb ka noqdaan kooxda fursadahaa sahminaysa."

 

Sawirro dheeri ah ka eeg halkan, albunkeena Flickr ka.