Hadal-jeedinta ay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xog-haya Guud Kiki Gbeho u jeedisay Golaha Ammaanka ee ku saabsan xaaladda Soomaaliya

23 Feb 2023

Hadal-jeedinta ay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xog-haya Guud Kiki Gbeho u jeedisay Golaha Ammaanka ee ku saabsan xaaladda Soomaaliya

Marwo Madaxwayne, Xubnaha sharafta leh ee Golaha,

Waad ku mahadsan tihiin fursadda aad isiiseen inaan ka warbixiyo xaaladda Soomaaliya ee fadhigan oo lagu qabanayo halkudheggga muhimka ah ee “Soomaaliya: aragtida haweenka, nabadda iyo amniga”.

Waxaan ku faraxsanahay inaan sidaas sameeyo iyadoo ay iweheliyaan Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee dhowaan la soo magacaabay, Ambassador Souef Mohammed El-Amine, oo aan si dhow u wada shaqaynno iyo Agaasimaha Fulinta ee UNWOMEN, Mw. Sima Bahous.

Tan iyo kalfadhigii ugu dambeeyey ee Golaha Ammaanka ee Soomaaliya 7-dii Sebteembar ee sannadkii tegey, Dowladda Federaalka Soomaaliya – inkastoo caqabado badani jireen – waxay horumar la taaban karo ka samaysay dhanka horumarinta arrimaha mudnaanta u leh qaranka. Waxaa la sii waday wadashaqayn dhow oo lala yeesho Dowladaha ka tirsan Dowladda Federaalka, waxaa dib loo soo celiyey dardargelinta dagaalka lagula jiro Al Shabaab, Soomaaliyana waxay ku sii socotaa wadadii ay ku dhamaystiri lahayd hannaanka dayn cafinta sanadka 2024-ka.

Iyadoo la adeegsaayo kulamada joogtada ah ee Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ), Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dadaal ugu jira sidii mudnaan loo siin lahaa xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad- Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, iyo sidii loo horumarin lahaa arrimaha hortabinta u leh dhismaha dowladnimada.

Shirkii Diseembar ee GWQ, madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka, marka laga reebo Puntland, ayaa ku heshiiyeen qaab federaal ah oo ku saabsan awood qaybsiga iyo caddaaladda; oo labaduba ah qodobbo muhim u ah dhammaystirka dib-u-eegista Dastuurka. Puntland ayaa codsatay in waqti dheeri ah la siiyo si ay uga fiirsato mowqifkeeda ku aaddan arrimahan, waxaana ay waydiisatey in wadatashi dheeri ah la yeelato Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaan ku dhiirrigelinayaa Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka inay sii wadaan wadahadalka iyagoo ku shaqaynaya xayndaabka GWQ dhexdiisa si loo helo isafgarad wadarogol ah oo ku saabsan ajendaha Soomaaliya ee dhismaha dowladnimada.

Marwo Madaxwayne,

Waxaan soo dhowaynayaa sida joogtada ah ee ay Dowladda Federaalka uga go'an tahay inay hirgeliso ajendaha haweenka, nabadda, iyo amniga, sida lagu muujiyey daahfurka Qorshe Hawleedka Qaran ee Qaraarka Golaha Amaanka ee tirsigiisu yahay 1325. Daahfurka Qorshe-Hawleedka Qaran waa mid ku soo beegmay waqtigii loo baahnaa maadaama uu bixinayo qaab wax looga qabto caqabadaha adkaaday ee haysta haweenka ku nool Soomaaliya. Waa in wax badan la qabtaa si loo suurtageliyo in metelaad siman loogu helo dhammaan dhinacyada nolosha guud.

Si taas loo gaaro, sare u qaadidda ka qaybgalka siyaasadda haweenka ayaa sidoo kale weli ah mid muhim ah. Tan waxaa ka mid ah in ballanqaadka madaxda siyaasadda Soomaaliya ee ku aaddan qoondada boqolkiiba 30 ee haweenka aysan ahayn oo keliya mid lagu xeeriyay hanaanka sharciga iyo doorashooyinka ee khuseeya, balse sidoo kale ay ilaaliyaan dhinacyada dhammaantooda.

Marka dhankaa la eego, Qaramada Midoobey waxay sii waddaa taageerada ay siiso haweenka dhowaan la doortay. Tusaale ahaan, iyada oo loo marayo Barnaamijka Wadajirka ah ee Haweenka, Nabadda iyo Ilaalinta, Qaramada Midoobey waxay taageertay dhisidda Isutagga Haweenka ee Aqalka Sare, Baarlamaanka Federaalka. Markaan horay u sii socono, waa inaan diirada saarnaa horumarinta ka qaybgalka haweenka iyo sinnaanta. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan saamilayda inay laballaabaan dadaalkooda ku aaddan xaqiijinta ujeeddadan.

Marwo Madaxwayne,

Iyadoo dowladdu ay doonayso inay horumariso arrimaha mudnaanta leh ee doorashada ka dib, taasoo ay ka mid tahay sida ay dowladdu diiradda ugu saareyso fulinta hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo maaraynta saamaynta ba’an ee abaaraha, colaadaha siyaasadeed ee soo noqnoqda. Tusaale ahaan, Dowlad Goboleedka Koonfur-Galbeed, 23-kii Diseembar waxaa ka dhacay iska horimaadyo la xiriira xilliga ay dhacayso doorashada Madaxwaynaha maamulkaas. Shir dib u heshiisiineed oo ka dhacay Koonfur Galbeed oo ay garwadeen ka ahaayeen Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur, ayaa waxaa lagu guulaystey in la baajiyo inay faraha ka baxdo xiisadda siyaasadeed ee taagnayd.
Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, waxaa weli ka socda dagaalladii ka dhacay 6-dii bishan Febraayo, waxaana ay sababeen baahiyo bini'aadminnimo oo sii kordhaya. Qiimayn deg deg ah ayaa sheegaysa in dad ka badan 185,000 qof ay barakaceen, (kuwaasoo 89 boqolkiiba ay yihiin haween iyo carruur). Ugu yaraan 63 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay in ka badan 363 qofna waa ay ku dhaawacmeen. Waxaa socda dadaallada lagu joojinayo dagaalka, balse xaaladda oo ay ka mid tahay beegsiga kaabayaasha dhaqaalaha ayaa weli ah mid laga naxo. Waxaan jeclaan lahaa inaan ku celiyo hadalladii hore ee Qaramada Midoobey iyo saaxiibada beesha caalamka ee cambaaraynayey rabshadaha, iyagoo ku baaqaya in xiisadaha siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, islamarkaana codsanaya  in gargaar bini'aadminnimo oo aan la carqaladayn si deg deg ah loo gaarsiiyo si wax looga qabto baahiyaha barakacayaasha iyo dadka ay dhibaatadu saamaysay.

Marwo Madaxwayne,

Al-Shabaab ayaa weli khatar wayn ku ah nabadda iyo amniga Soomaaliya. Sanadkii 2022-kii ayaa ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee dadka rayidka ah tan iyo sanadkii 2017-kii, iyadoo 60% ay sare u kacday waxyeellada rayidka marka loo eego 2021-kii. Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, Dowladda Federaalka ayaa horumar ka samaysay ka hortagga khatartaas iyadoo bartilmaameedsanaysa ciidamada iyo dhaqaalaha Al-Shabaab iyo sida ay u faafiyaan fikraddooda. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo lagu xoojiyey malleeshiyaad degaanka ah, ayaa hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyey degaano ka tirsan Hirshabelle iyo Galmudug. Hawlgallada ayaa la filayaa in ay si tartiib tartiib ah ugu gudbaan degaannada kale ee Soomaaliya.

Xoojinta guulaha laga gaarey aagagga cusub ee dib loo qabtay waxay u baahan doontaa xiriir xooggan oo ka dhexeeya hawlgallada millateri iyo hindisayaasha xasilinta, kuwaasoo ka kooban qaybaha dib-u-heshiisiinta iyo caddaaladda oo loogu talagalay in lagu xoojiyo maamul-wanaagga iyo bixinta adeegga. Arrintan, iyadoo la raacayo Istaraatiijiyadda Xasilinta Qaran ee Soomaaliya, dadaallada ayaa diiradda lagu saarayaa taageeridda bulshooyinka iyo maamullada degmooyinka ee dhowaan laga dhisay dhowr goobood oo dib loo xoreeyey.

Waxaa dhinac socda, in dowladdu ay sii waddo dadaallada ku aaddan ururinta ciidammo, si ay si tartiib-tartiib ah ula wareegaan mas'uuliyadda amniga si waafaqsan Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya. Ku wareejinta ay ATMIS xerada Maslax ku wareejisay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya bartamihii bishii Janaayo ayaa ahayd tallaabo muhiim u ah hawshan, taasoo u gogolxaaraysa in mustaqbalka lagu wareejiyo xerooyinkaas. Si kastaba ha ahaatee, maalgelinta ayaa weli caqabad adag ah. Waxaan ku celinayaa baaqyadii hore ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey si loo xaqiijiyo in maalgelin la saadaalin karo oo la sii wadi karo la siiyo ATMIS iyo samaynta tas-hiilaadyo ku filan oo loogu talagalay ciidamada amniga Soomaaliya. Tani waxay weli muhim u tahay kalaguurka amniga.

Marwo Madaxweyne,

Iyadoo la soo maray shan xilli roobaad oo aan si wanaagsan u da’in, ayey abaarta hadda jirtaahi noqotay mid daran oo aan hore loo arag. Baahiyaha beni’aadanimo ayaa si joogto ah u sii kordhaya, iyada oo ay 8.3 milyan oo qof – ku dhowaad kala bar qiyaasta dadka Soomaaliyeed – u baahan yihiin kaalmo iyo daryeel sannadka 2023. Baahiyuhu waxa ay ugu sii daran yihiin dadka laga tirada badan yahay iyo kooxaha la haybsooco.

Mahadi haka gaartee, taageerada deeq-bixiyeyaasha, dadaaladda dowladda, iyo hal-abuurrada bulshooyinka maxalliga ah, waxa ay hay’adaha gargaarku sare u qaadeen gurmadkooda iyaga oo gaaray 7.3 milyan oo qof sannadkii 2022. Inkasta oo macluusha laga hortagay hadda, waxay ay weli tahay halis jirta haddii uu roobka la filayo bilaha Abriil ilaa Juunyo yaraado sida la saadaalinayo oo kaalmada ben’iaadanimaduna aanay joogtoobin. Qorsha Gurmadka Ben’iaadanimo ee 2023, oo la daahfuray 8-da Feberaayo, waxa uu raadinayaa 2.6 bilyan oo doolar si uu u daboolo baahiyaha hortebinta leh ee 7.6 milyan oo qof. Waxa aan ku boorrinayaa deeqbixiyeyaasha inay Soomaaliya garab istaagaan xilligan adag iyagoo xilli hore bixinaya dhaqaalaha loo baahan yahay.

Marwo Madaxweyne,

Inkastoo ay culeyso waaweyn la daalaa dhacayaan, dadka Soomaaliyeed waxay sii wadaan inay muujiyaan awood, adkeysi iyo dhabar-adeyg.

Horumarka ay sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay sare ugu qaaddo nabadda, amniga, iyo horumarka, ayaa dhaliyey tamar wanaagsan si loo awoodsiiyo horumarin dheeri ah oo laga sameeyo qorsheyaasha dowlad-dhiska. Qorshanina waxaa udub-dhaxaad u ah dhameystirka geeddi-socod dib-u-eegis dastuur oo ku saleysan wadar-ogol loo adhan yahay. Tan ayaa ah arrin hortebin leh xilliyada inagu soo aaddan.

Qaramada Midoobay ahaan, waxa aan marwalba diyaar u nahay inaan taageerno dadaalladan iyo sida mar walba ah, inaan Soomaaliya ku taageerno hirgelinta aragtideeda ah qaran amni ah, xasilloon oo nabad ah.

Waan idiin mahad celinayaa.