Rosemary DiCarlo oo la kulantay madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyadoo ku timid booqashadii ugu horreysay ee dibadda iyadoo ah Kaaliyaha Xoghayaha-Guud ee QM

7 Jun 2018

Rosemary DiCarlo oo la kulantay madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyadoo ku timid booqashadii ugu horreysay ee dibadda iyadoo ah Kaaliyaha Xoghayaha-Guud ee QM

 

WAR-SAXAAFADEED 07/2018

Kaaliyaha Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobey (USG) u qaabilsan Arrimaha Siyaaadda, Rosemary DiCarlo, ayaa maanta booqasho ku timid magaalo madaxda Soomaaliya, waxayna shirar is-dabajoog ah la qaadatay madaxda dalka si ay u muujiso taageerada QM ee dadka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo si ay ugala hadasho arrimo muhiimad iyo mudnaan u leh labada dhinac.

Kaaliyaha Xoghayaha-Guud waxaa soo dhoweeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo. Intii ay ku gudajirtay booqashada, waxaa wehlinayay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating.

Iyadoo ka hadlaysa kuna sugan xarunta Madaxtooyada, Villa Somalia, ka dib kulankii ay la qaadatay Madaxweynaha, ayay Mw. DiCarlo sheegtay in ujeedada booqashadeeda tan iyo markii loo magacaabay Kaaliyaha Xoghayaha-Guud ay tahay inay taageerto geedi-socodyada siyaasadda iyo nabadda ee ka socda dalka iyo weliba inay sahmiso [indha-indhayso] sida ugu wanaagsan ee Soomaaliya looga caawin karo inay ka gudubto caqabadaha haysta, ee iskugu jira xaalad bani’aadanimo iyo amni iyo ajendaha/barnaamijka siyaasadeed.

Mas’uulka QM waxay bogaadisay hawsha ay hayaan hay’adaha federaalka ee qaabilsan arrimaha dastuurka iyo Shirweynihii Qaran ee Dastuurka ee dhawaan la qabtay, kaas oo hoosta ka xarriiqay u-wada-dhamaansho, wada-shaqayn, iyo isu-tanaasul loo sameeyo danta dalka inay lagama maarmaan u yihiin dhamaystirka geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka oo lagu soo dhamaystiro sanadkaan gudihiisa.

“Soomaaliya waxay maraysaa marxalad xasaasi ah. Horumar laga gaaro dib-u-eegista dastuurka waxay horseedi kartaa guulo. Midnimada Soomaaliya waxay lagama maarmaan u tahay horumarinta federaalka, yaraynta rabshadaha, jebinta [ka-guulaysashada] xagjirnimada, wax ka-qabashada dhibaatooyinka bani’aadanimo iyo faa’iidooyin dhab ah ay helaan dadka,” ayay raacisay Kaaliyaha Xoghayaha-Guud.

Kaaliyaha Xoghayaha-Guud ayaa markaa ka dib waxay la kulantay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Simon Mulongo, waxayna qirtay kaalinta Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxayna ku amaantay ciidanka iyo booliska naftii-hurnimada iyo u-heelanaanta ay la garab-taaganyihiin Soomaaliya.