Dowladda Federaalka ah iyo Qaraamada Midoobay oo daah-furay barnaamij taageero ah oo ku aaddan Habka Cusub ee Booliska Soomaaliya

11 Jun 2018

Dowladda Federaalka ah iyo Qaraamada Midoobay oo daah-furay barnaamij taageero ah oo ku aaddan Habka Cusub ee Booliska Soomaaliya

Muqdisho – Barnaamijika Wadajirka ah ee Boolisnimada(JPP) oo taageeraya hab-dhismeedka boolisnimada ee labada waji isla markana u gogol-xaadhaya marxaladda xigta ee dhinaca dhisidda adeegyo boolis ah oo xooggan oo heer qaran iyo heer maamul goboleedba ah, ayay daahfurtay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo si dhow la kaashaneyso Dowlad Goboleedyada, Qaramada Midoobay iyo bah-wadaagta kale ee caalamiga ah.

Barnaamijka waxaa laga billaabi doonaa shanta maamul goboleed, gobolka Benaadir iyo Booliiska Federaalka ah ee mustaqbalka si loo taageero hirgelinta mashaariicda muhiimka ah ee booliiska, sida ku xusan qorsheyaasha Booliiska ee Federaalka iyo Maamul Goboleedyada iyo Qaab-Dhismeedka Amniga Qaran kaas oo ay ansixiyeen hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya bishii Abriil 2017-kii.

Barnaamijka oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale la filayaa in uu dardargeliyo kala-guurka socda ee mas’uuliyadaha amniga looga wareejinayo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) laguna wareejinayo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

“Hab-dhismeedka waxaa uu muujinayaa sida ugu wanaagsan ee la iskugu duwi karo arrimaha booliiska si aan markaas nidaam booliis oo hufan ka hirgelinno Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Abuukar Islow Ducaale. “Maalgelintan ee la maalgashanayo Booliiska Soomaaliyeed waxaa ay fursad wanaagsan u tahay dib-u-dhiska Soomaaliya iyo horumarinta nabadda iyo amniga.”

Iyada oo laga faa’iideysanayo Barnaamijka Wadajirka ah ee Xukunka Sharciga, barnaamijka JPP-ga waxaa uu kormeeri doonaa iibinta qalabka, shaqaalaynta iyo tababarka shaqada gudaheed; bixinta gunnada ee shaqaalaha iyo diyaarinta qaab dhismeed sharci ah iyo isla xisaabtan; iyo mashruucyada dhismaha ee hay’adaha booliiska heer federaal iyo heer maamul goboleed. Bah-wadaagta JPP ee muhiimka ah dhinaca hirgelinta ah waxaa ka mid ah Xafiiska Qaramada Midoobay ee Adeegyada Mashruucyada (UNOPS) iyo Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP).

“Kaalinta mustaqbal ee booliiska ee ku aaddan xasilinta, qabashada iyo dhisidda goobaha laga xorreeyay Al-Shabaab, lama soo koobi karo,” ayuu xusay Peter de Clercq, oo ah Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Barnaamijka JPP-ga waxaa uu ku tiirsanaan doonaa bah-wadaagta caalamiga ah ee Soomaaliya si loo hirgeliyo Habka Cusub ee Booliisnimada ee dalka loona xoojiyo awoodda iyo xirfadaha hay’adaha sharci fulinta ee dalka si ay waajibaadkooda ugu gutaan si hufan.

Iyadoo uu ansixiyay hoggaanka siyaasadda Soomaaliyeed 2016-kii, ayaa Habka Cusub ee Booliisnimada lagu soo bandhigay Shir Weynihii London lagu qabtay sanadkii tagay ee ku saabsanaa Soomaaliya in ay tiir muhiim ah u tahay Qaab Dhismeedka Amniga Qaran ee Dalka.

“Waa lagama maarmaan in la helo booliis mas’uul ka ah ficilladooda, iyada oo ku saleysan mabaadi’ida caalamiga ee aasaasiga ah ee sharciga, baahi, xilkasnimo iyo mas’uuliyad,” ayuu yiri Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed oo ah Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Barnaamijka ayaa haddaba ballan-qaadyo ka helay Dalka Ingiriiska iyo Midowga Yurub oo ugu deeqaya 42 milyan oo doolar halka Jarmalku uu sameeyay ballan-qaadyo dheeraad ah.

Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Raisedon Zenenga ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda lahaanshaha iyo hoggaanka qaran uu u leeyahay hirgelinta soo socota ee JPP-ga.