Rosemary DiCarlo ayaa la kulantay Madaxweyne Farmaajo safarkeedi ugu horeeyay ee dibadda iyadoo ah ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

7 Jun 2018

Rosemary DiCarlo ayaa la kulantay Madaxweyne Farmaajo safarkeedi ugu horeeyay ee dibadda iyadoo ah ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Kaaliyaha Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda, Rosemary DiCarlo ayaa soo gabogabeysay booqasho hal maalin ah oo ay ku timid Soomaaliya, waa socdaalkeeda koowaad ee ay dal ku booqatay tani iyo markii xilka loo magacaabay bil ka hor.

Booqashada ee ay Marwo DiCarlo ku timid Soomaaliya waxaa ay qayb ka tahay socdaal ay ku mareyso seddax waddan ee ku yaal Bariga Afrika.

Kaaliyaha Xog-hayaha Guud ee Qarmada Midoobay ayaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan doowladda kulan kula qaadatay xarunta Madaxtooyada ee caasimadda Soomaaliya, waxaa ayna dib-u-eegis ku sameeyeen xaaladaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha dalka.

“Waxaan halkan u imid in aan idiin muujiyo sida ay Soomaaliya muhiim ugu tahay Qaramada Midoobay. Ahmiyad weyn ayaan saareynaa Xog-hayaha Guud iyo aniga,” ayay ku tiri wareysi laga qaaday kaddib kulanka ay la yeelatay Madaxweynaha.

Marwo DiCarlo ayaa muujisay sida ay ugu qanacsan tahay horumarka uu dalka ka sameeyay dhinaca siyaasadda iyo amniga, waxaa ayna xustay dadaallada socda ee lagu dardar gelinayo hannaanka dib-u-eegista dastuurka.

“Wada-hadal wanaagsan ayaan la yeeshay Madaxweynaha, waxaana si weyn u cad in ay Soomaaliya horumar ballaaran sameysay tobankii sano oo ugu dambeeyay,” ayay tiri Marwo DiCarlo, ayada oo intaasi raacisay in ay u xaqiijisay Madaxweynaha in QM ay sii wadi doonto taageerrada joogtada ah ee ay u fidiso Soomaaliya.

Kaaliyaha Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale kulan la yeelatay mas’uuliyiinta saree e QM iyo shaqaalaha, waxaa ayna kulamo la qaadatay hoggaanka sare ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Markii ay saaka timaadday Muqdisho, ayaa waxaa qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee QM u fadhiya Soomaaliya, Michael Keating, iyo Ku-Xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka ah, Mukhtaar Mahad Da’uud.

Marwo DiCarlo ayaa horrantii usbuucan booqatay Nairobi, waxaa ayna halkaasi la kulantay madaxda sare ee Dowladda Kenya. Markii ay u soo idlaatay booqashadeedii Muqdisho, ayaa waxaa ay u sii baxday caasimadda dalka Itoobiya, ee Addis Ababa, halkaas oo ay kulamo la yeelan doonta hoggaanka Midowga Afrika.