Saaxiibada beesha caalamka oo cambaareeyay sii hurinta colaadda Laascaanood

27 Aug 2023

Saaxiibada beesha caalamka oo cambaareeyay sii hurinta colaadda Laascaanood

Muqdisho  Saaxiibada beesha caalamka* waxay si adag u cambaareynayaan sii hurinta colaadda Laascaanood, oo ay ka mid yihiin wararka sheegaya in dagaalku ku fiday bannaanka magaalada.

Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada inay ku heshiiyaan xabbad joojin degdeg ah oo shuruud la'aan ah. Waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo abaabulka dagaalyahannada, iyo saadka iyo hubka la siinayo. Waxaan aad uga walaacsanahay warbixinnada sheegaya inay jiraan tiro badan oo maxaabiis ah, waxaana aan filaynaa kuwa ku lugta leh inay u hoggaansamaan sharciga xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bani'aadamnimada, gaar ahaan ilaalinta rayidka iyo kaabayaasha rayidka.

Waxaan ku celinaynaa muhiimada ay leedahay in la xaqiijiyo helidda gargaar bini'aadantinimo oo aan la carqaladayn iyo gargaarka la gaarsiiyo dadka u baahan. Waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada in ay ka fogaadaan hadalada xanafta leh ee wax kala qaybiya. Dhammaan cabashooyinka iyo xiisadaha waa in lagu xalliyaa si nabad ah oo wadahadal ah.

*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Wafdiga Midowga Yurub, Itoobiya, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.