Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Agoosto 2023

31 Aug 2023

Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Agoosto 2023

 

Hoyga | UN-HABITAT oo 200 hoy Baydhabo uga dhisaysa Barakacayaal

UN-Habitat ayaa bilowdey dhisidda 200 guri oo loo marayo qaab ay hormuud ka yihiin dadka lahaanaya guryaha ee ka tirsan dadka gudaha ku barakacay ee ku nool Baydhabo iyada oo laga dhisayo dhul ay ku deeqdey dowladda hoose.

Arrintan ayaa timid ka dib markii ay daneeyeyaasha hoyga (shelter stakeholders), iyo sidoo kale Duqa magaalada Baydhabo, ay bixiyeen amarka dhisidda, ka dib markii la ansaxiyey kii ugu horreeyey ee tusaale ahaanta loo dhisey. Nakh-shadda jaango’an ee dhismaha tusaalaha ah oo ka kooban laba qol – oo ay wada diyaariyeen the Norwegian Refugee Council (NRC) iyo UN-Habitat, ayna oggolaadeen maamullada heer degaan iyo heer dowlad-goboleed ee ay khuseyso – waxaa dhisey fuundiyaal degaanka ah oo tababar ku habboon ka heley injineerrada farsamada ee NRC.

Dhammaan qalabka dhismaha waxaa laga soo iibsanayaa degaanka si loogu xoojiyo dhaqaalaha degaanka. Shaqaalaha xirfadda leh iyo ka-faa’iideystayaasha daneynaya ayaa loo sameynayaa shaqo-ku-tababarasho ay ku tababaranayaan dhismaha hoygooda, taas oo u sii diyaarineysa in ay ka sii shaqeystaan guryo-dhisidda.

Mashruuca waxaa maaliyad siisey Hay’adda Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah ee the Swedish International Development Cooperation Agency.

Click here for more

 

Amniga | UNSOS ayaa mar kale xaqiijisey ballanqaadka QM ee ku aaddan geeddi-socodka kala-guurka

Madaxa UNSOS, ahna Ku-xigeenka Xoghayaha Guud Aisa Kirabo Kacyira, ayaa xaqiijisey in QM ay ka go’an tahay in ay sii wanaajiso iskaashiga lagu hubinayo in lagu guuleysto geeddi-socodka kalaguurka waaxda amniga ee Soomaaliya.

Sarkaalka Sare ee QM ayaa hadashey mar ay booqahso ku tagtey Jowhar, oo ah caasimadda maamul ee Hirshabeelle, halkaa oo ay ku martey safar ay qayb kaga ahayd wafti saraakiil sare oo ka kala socdey Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) iyo QM. Kalaguurka amnigu waxaa uu la halmaalaa in mas’uuliyadda aasaasiga ah laga soo wareejiyo nabad-ilaaliyaaasha ATMIS oo lagu wareejiyo ciidan amni oo Soomaaaliyeed.

Click here for more

 

Bani’aadamnimada | OCHA oo u xustey Maalinta Bani’aadamnimada Adduunka

OCHA ayaa isudu’dey xuska Maalinta Bani’aadamnimada Adduunka – oo sanad kasta loo xuso 19ka Agoosto – iyada oo kulan internet-ka ka dhacay isugu keentey saraakiil sare oo Dowladda Soomaaliya ka tirsan, wakiillo ka socdey ururrada aan dowliga ahayn iyo deeq-bixiyeyaal, iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan QM. Shaqaalaha gargaarka ayaa wadaagey waxyaabihii ay u soo joogeen, kuwaas oo muujinaya waxyaabaha soo mara iyo culeysada qabsada. Ka-qaybgalayaasha ayaa mar kale ku celiyey in loo baahan yahay in la ilaaliyo shaqaalaha iyo tas-hiilaadka gargaarka, si waafaqsan mabaa’iida bani’aadamnimada. Xusas qof ahaan looga soo qaybgaley ayaa lagu qabtey Puntland, Galmudug, Banaadir iyo Somaliland.

Click here for more

 

Is-beddelka Cimilada | UNDP ayaa Baladweyne ka dhistey gidaarro looga hortegayo fatahaadda

Is-beddelka cimilada ayaa uga sii darey fatahaadaha ka dhaca hareeraha Webiga Shabeelle, kuwaa oo sababa burbur aad u weyn oo halisna geliya nolosha iyo maciishadda dadka, gaar ahaan magaalada Baladweyne iyo degaannada ku hareereysan ee ka tirsan Dowlad-goboleedka Hirshabeelle.

Si ay wax uga qabato dhibaatada, UNDP waxaa ay bilowdey in ay ka shaqeyso kaabayaal cusub oo looga gaashaamanayo fatahaadda oo laga dhiso Baladweyne, kuwaas oo ay maalgelisey the Global Environment Facility (GEF)

Guud ahaan Soomaaliya, maaliyadda GEF waxaa ay sidoo kale gacan ka geysataa hawsha UNDP ee maareynta iskudhafan kheyraadka biyaha, iyada oo in ka badan 350,000 qof oo beeraley-xoolo-dhaqato ah ay ka faa’iideysanayaan mashaariic hay’adaha qaranka awood u siiya in ay dejiyaan siyaasado oo reer-guuraaguna ay hawsha ka fuliyaan degaanka.

Click here for more

 

Is-beddelka cimilada | FAO ayaa daaha ka rogtey dadaallo ay ugu sii diyaar-garoobeyso El Niño

Iyada oo kaashaneysa Dowladda Ingiriiska, ayaa hay’adda FAO waxaa ay daah-rogtey dadaal ka-sii-gaashaamasho iyo u-sii-diyaargarow ah oo ay ku baxayso $3.8 milyan oo laga fulinayo Soomaaliya ka hor dhacdo El Niño oo la filayo in soo deristo.

Mashruuca oo loo yaqaanno ‘Badbaado’, ayaa gacan dad ka siin doona in bulshooyinka reer-miyiga ah ee nugul laga ilaaliyo raadadka ugu ba’an ee ka dhalan kara masiibo fatahaad oo suurogal ah.

Mashruuca, oo la filayo in ay ka faa’iideystaan 1.2 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya, waa dadaal muhiim ah oo gacan dad ka siinaya in la yareeyo halista loo galo masiibo bani’aadamnimo oo weyn oo ka dhacda dalka, waa sida ay qabto FAO. Waxaa uu diiradda saari doonaa saddex arrimood oo waaweyn: Sii wanaajinta difaacyada looga gaashaanto fatahaadaha, nidaamyada bixiya digniinta hore iyo tallaabooyin ka-sii-diyaar-garoobid ah.

Click here for more

 

Caafimaadka | UNFPA oo UNOPS oo taageero siiyey dhisidda Bankiga Dhiigga ee Qaranka

Bankiga Dhiigga ee Soomaaliya ayaa laga furey Muqdisho, iyada oo ay iska kaashadeen UNFPA, UNOPS, WHO iyo dowladaha Sweden, Switzerland, Findland, Talyaaniga iyo Soomaaliya.

Sida ay sheegtey UNOPS, bankiga dhiiggu waxaa uu dib-u-qaabeyn ku sameyn karaa xaaladda daryeelka caafimaadka ee dalka isaga oo wax ka qabanaya mid ka mid ah caqabadaha ugu muhiimsan ee haysta daryeelka caafimaadka: taas oo ah in la helo dhiig caafimaad qaba iyo adeegyo dhiig-ku-shubis ah. UNFPA ayaa intaa raacisey in mashruucan uu wax ka qabanayo caqabadaha haysta daryeelka caafimaadka isaga oo hubinaya in si joogto ah loo helo dhiig amaan ah oo looga faa’iideysto qalliinada, xaaladaha degdeggga ah, iyo daryeelka hooyada.

Bankiga dhiigga oo ku qalabeysan tiknoolojiyad casri ah ayaa waxaa loo qaabeeyey in uu baaro, diyaariyo, oo si amaan ah u keydiyo dhiigga iyo waxyaabaha laga farsameeyo dhiigga, isaga oo hubiyana dhinaca bedqabka iyo tayadaba. Bankiga dhiigga oo awood u leh maalintii 50 xabbo oo keydin karana 6,500 xabbo ayaa buuxinaya kaalin muhiim ah oo ka bannaaneyd hannaanka daryeelka caafimaadka ee Soomaaliya, isaga oo sii wanaajinaya daryeelka hooyooyinka iyo wax-ka-qabashada xaaladaha degdegga ah.

Click here for more

 

Barakaca | IOM oo gargaar siisey 920,000 qof oo barakacayaal iyo bulshooyinka martigeliyey isugu jira

Hay’adda IOM oo kaashaneysa Midowga Yurub ayaa ku guuleystey in ay dhammeystirto mashruuc sanad socdey oo isbeddel wanaagsan dhaliyey oo gargaar naf-badbaadin ah lagu siinayey in ka badan 920,000 qof oo barakacayaal, iyo sidoo kale bulshooyinka martigeliyey isugu jira, oo ku nool Soomaaliya. Si ay wax uga qabato dhibaatooyinka degdegga ah ee bani’aadamnimada ee dalka ka jirey, taas oo qayb ka ahayd mashruuc maaliyaddiisu ahayd lix milyan oo euro, ayaa IOM waxaa ay dadaalladeeda diiradda ku saartey in ay gargaar aasaasi ah siiso shakhsiyaadka ay dhibaatadu saameysey ee deggan xerooyinka barakacayaasha ee guud ahaan Soomaaliya. Hay’adda socdaalka ee QM ayaa adeegyada xerooyinka lagu bixiyo, biyo, qalabka nadaafadda, xalal dhinaca hoyga ah iyo taageero lacageed gaarsiisey dadka u baahan.

Click here for more

 


Nafaqada | WFP oo ka qaybqaadatey kulan heer sare ah oo loogaga hadlayey sida dugsiyada loogu quudiyo cunto dalka laga soo saaro

WFP ayaa ka-qayb-qaadatey shir heer wasaaradeed ah oo ka dhacay Muqdisho kaas oo lagu qorsheynayey sidii loogu gudbi lahaa barnaamij heer qaran ah oo dugsiyada lagu quudinayo cunto dalka ka baxdey oo ay Soomaliya yeelato.

WFP ayaa Dowladda Soomaaliyeed kala shaqeyneysa hirgelinta in dugsiyada lagu quudiyo cunto dalka ka baxdey, kaas oo waxyaabaha laga sameeyo quudka laga soo iibsado dadka degaanka ku nool ee soo saara cuntada iyo kuwa tafaariiqda ku sii iibiya. Sida ay sheegtey WFP, tani keliya gacan kama geysaneyso dhisidda cududda dadeed ee mustaqbalka ee Soomaaliya iyada oo sii wanaajineysa natiijooyinka waxbarashada, laakiin waxaa kaloo ay kor u qaadeysaa dhaqaalaha degaanka iyada oo beeraleyda ku xireysa suuqyo cusub.

WFP ayaa xustey in ay dowladda Soomaaliyeed ay haysato fursad weyn oo ay ku sii ballaarin karto faa’iidooyinkan iyada oo si buuxda ula wareegaysa barnaamij quudinta dugsiyada ah oo baaxaddiisu ay dalka oo dhan wada gaarsiisan tahay.

Kulanka ayaa ahaa tallaabo muhiim ah oo loo qaadey dhinaca xaqiijinta himiladan, iyada oo Wasaaradaha Maaliyadda, Beeraha iyo Waraabka, iyo Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta Sare ay dhammaantood bixiyeen ballanqaadyo adag. WFP ayaa ku yaboohdey in xilliga kala-guurka ay ku caawin doonto taageero farsamo, abaabulka kheyraadka iyo u-qareemeynta.

Click here for more

 

Caafimaadka | WHO oo taageereysa ololaha tallaalka ee lagula dagaallamayo daacuunka

WHO ayaa taageertey olole tallaalka daacuunka ah oo shan maalmood soconayey oo laga fuliyey halka loo yaqaanno ‘Saddex-xagalka Mandela,’ oo ay ku hoos jiraan shan degmo oo ka tirsan Jubbaland oo xuduud la leh Kenya iyo Itoobiya.

Ololaha oo lagu higsanayo in cudurka looga ilaaliyo in ka badan 600,000 oo Soomaali ah oo lana halmaaley in la tago guri walba oo ku yaalla ‘Saddex-xagalka Mandela,’ halkaas oo abaartu ay qayb ahaan sababtey in 11,704 qof looga shakiyey cudurka iyo 30 qof oo looga shakiyey in ay u dhinteen bishii Luuliyo ee sanadkan.

Ololaha ayaa ay ka shaqeynayeen 788 kooxood oo shaqaalaha caafimaadka iyo abaabulayaasha bulshada ah, oo taageero ka heley WHO, UNICEF iyo wasaaradda caafimaadka federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada. Hay’adda Gavi ayaa bixisey tallaallada iyo maaliyadda ku baxdey waxqabadkan muhiimka ah.

Ololaha ayaa lagu gaarey 535,789 qof, iyada oo saamiga dheddigga la gaarey uu waxyar ka sarreeyo kan labka. In ka badan 90 boqolkiiba dadweynihii la beegsaneyey ayaa la tallaaley, sida ay sheegtey WHO.

Click here for more

 

Horumarinta | UNIDO oo laba unug ganacsi oo cusub daaha kaga rogtey Galmudug iyo Puntland

UNIDO ayaa Unugyo Horumarin Ganacsi / Enterprise Development Units (EDUs) ku daahrogtey Galmudug iyo Puntland, taas oo qayb ka ahayd ballaarinta mashruuceeda  Barnaamijka Kobcinta Waaxaha Wax-soo-saarka / Productive Sectors Development Program (PSDP) project.

Labada EDU waxaa ay ku kala yaallaan magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso – ee ka kala tirsan Dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Puntland, waa sida ay u soo kala horreeyaane – waxaana ay durba bilaabeen ‘Casharradoodii ugu horreeyey ee ‘Tababarka Ganacsi-abuurayaasha’/ Training of Entrepreneurs (ToE) si ay u tababaraan ayna u taageeraan dadka deggan degaanka ee ku haminaya in ay ganacsato noqdaan.

Unugga EDU ee Gaalkacyo waxaa uu haystey 20 ka-qaybgale, oo ay ka mid yihiin dhallinyaro iyo haween, oo casharkooda ToE qaadanayey bisha Agoosto. Magaalada Boosaaso, ilaa 25 qof ayaa kaga qaybqaadanaya, iyada oo casharka ToE ee halkaasi la soo gabagabeynayo horraanta bisha Sebteembar.

Click here for more

 

Dhallinyarada | UNSOM oo dhallinyaro Soomaaliyeed kala shaqeysey wada-hadallo ku saabsan nabadda iyo amniga

Si loo xuso Maalinta Dhallinyarada Adduunka iyo si loo dhiirrigeliyo Dhallinyarada, Ajandaha Nabadda iyo Amniga, ayaa UNSOM waxaa ay ururro dhallinyaro oo kala duwan la kaashatey in ay wada-sheekeysi u qabtaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka waaweyn ee guud ahaan Soomaaliya.

Guud ahaan, wada-sheekeysiyada waxaa ka qaybgaley 465 dhallinyaro haween iyo rag isugu jira oo taariikh-nololeedkoodu kala duwan yahay kuwaas oo ka munaaqashoodey arrimaha nabadda iyo amniga oo diyaariyeyna talo-soo-jeedin iyo qorsheyaal hawlgal oo la halmaala sida ay dhallinyaradu ugu lug lahaan karaan geeddi-socodyada dhisidda amniga iyo go’aan-qaadashada.

Kulamada ayaa dhallinyarada siiyey madal ay ku sheegi karaan fikirkooda, ku wadaagi karaa culeysyada haysta, ayna ku soo jeedin karaan sida xalal looga gaari karo nabadda iyo amniga Soomaaliya. Natiijooyinka ka soo baxay wada-hadallada ayaa waxaa ay gacan ka geystaan jihaynta hawsha awoodi-siinta iyo la-shaqeynta dhallinyarada ee UNSOM.

Click here for more