Iyaga oo xusaya Maalinta Qaramada Midoobay, ayaa saraakiisha hay’addan ee Soomaaliya ka hadleen taageerada iyo caqabadaha, iyagoo dib u xaqiijiyay ballanqaadkooda

previous next
26 Oct 2021

Iyaga oo xusaya Maalinta Qaramada Midoobay, ayaa saraakiisha hay’addan ee Soomaaliya ka hadleen taageerada iyo caqabadaha, iyagoo dib u xaqiijiyay ballanqaadkooda

Muqdisho– Iyadoo la xusayo Maalinta Qaramada Midoobay ee sannadkan, ayey madaxda ugu sareysa hay’adda caalamiga ah ee Soomaaliya ku sugan waxa ay maanta guud-mar ku sameeyeen qaar ka mid ah taageerada la siinayo Soomaaliya iyo caqabadaha hortaagan in Soomaalida lagu caawiyo tubta nabadda iyo xasilloonida, iyagoo sidoo kale dib u xaqiijiyay ballanqoodka, si waafaqsan mabaadi'da lagu aasaasay hay’adda

“Qaramada Midoobay waxaa loo unkay inay noqoto rajada caalamka oo ka soo baxayay colaad. Hadda, 76 sano ka dib, waxay sii waday in ay adeegto dadka adduunka. Qaar ka mid ah caqabadaha loo abuuray in wax laga qabto ayaan nasiibdarro isa soo bedelin. colaad, saboolnimo, gaajo isku mar ah, caqabado cusub ayaa soo kordhay COVID 19 iyo isbeddelka cimilada, si aan u magacaabo laba tusaale.” ayuu James Swan, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ku yiri shir-jaraa'id oo uu khadka internetka ku qabtay isagoo ku sugan Muqdisho.

“Halkan, Soomaaliya,” ayuu yiri isaga oo hadalka sii wada, “Qaramada Midoobay waxay ahayd saaxiibka joogtada ah ee dalka tan iyo markii uu xornimada qaatay, oo soo jirtay tobaneeyo sano, waxaana fileynaa in iskaashiga Soomaaliya uu sii socdo,  isagoo dhinacyo badan leh mustaqbalka”

Mas’uulka ugu sarreeya Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa warbaahinta la hadlayay laba maalmood kadib maalinta Qaramada Midoobay oo sanad walba la xuso 24-ka Oktoobar.

Sannadkii 1945-kii, wakiillo ka kala socday 50 waddan ayaa ku kulmay San Francisco Shirweynihii Qaramada Midoobay ee Ururka Caalamiga ah si ay u dejiyaan Axdiga Qaramada Midoobay, kaas oo ah nuqulka lagu aasaasay Qaramada Midoobay.

Axdiga Qaramada Midoobay waxaa la saxiixay 26 Juun 1945 kii, wuxuuna dhaqan galay 24kii Oktoobar ee sanadkaas, markii ay ansixiyeen aqlabiyadda saxiixayaasha –si rasmi ah ayuuna u keenay jiritaanka Qaramada Midoobay. Tan iyo aaaakeeda, howlgalka Qaramada Midoobay iyo shaqadaba waxaa haga ujeedooyinka iyo mabaadi'da uu ka kooban yahay Axdiga.

 

  

Mudane Swan waxaa wehliyey Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-haya Guud ee QM u qaabbilsan Soomaalia, Anita Kiki Gbeho; madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Lisa Filipetto; ku-simaha Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada ee Soomaaliya iyo sidoo kale wakiilka Sanduuqa Carruurta Qaramada Midoobay ee wadanka Mohamed Ayaya; Ku-simaha Isku-duwaha Gaarka ah ee Soomaaliya ahna Agaasimaha wadanka ee Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay, Jocelyn Mason. 

Khudbaddiisa furitaanka, waxa uu Wakiilka Gaarka ah ee QM ku sheegay in wadashaqeynta waddanka Geeska Afrika ay ka mid yihiin taageerada amniga, dowlad-dhiska, baahida bani’aadminimada iyo horumarinta, kaalmeynta xukunka maxalliga ah, adeeg bixinta, xuquuqda aadanaha, ka qeybgelinta haweenka iyo dhalinyarada, iyo hubinta metelaad dadka laga tirada badanyahay  iyo kooxaha kale ee la haybsooco ay ku yeeshaan geeddi-socodka siyaasadeed iyo go’aan gaarista.

Arinta Doorashooyinka

Marka aan u leexanno xaaladda doorasho iyo siyaasadeed ee Soomaaliya, Wakiilka Gaarka ah waxa uu soo dhaweeyay ku dhawaaqiddii goor dhaweyd ee heshiis kaas oo xalliyay kala-duwanaashihii u dhaxeeyay Madaxweyne Maxamed Abdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ iyo Rai’sal-Wasaare Maxamed Xuseen Rooble

“Waxaan rajeyneynaa inaan dib diiradda u saarno halka loogu baahida badanyahay iminka: geeddi-socodka doorashada dalka,” ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in Qaramda Midoobay ay sidoo kale soo dhaweysay doorashooyinka Aqalka Sare ee dhamaashada ku dhow  kuna boorrisay hoggaamiyayaasha inay si dhaqsi ah ugu gudbaan wajiga xiga—oo ah doorashada wakiillada Aqalka Hoose, oo loo yaqaanno Golaha Shacabka.

“Waxaan sidoo kale soo dhaweyneynaa dadaallada lagu gaarayo qoondada ugu yaraan boqolkiiba 30 ee metelaadda haweenka ee Baarlamaanka, aniga oo sidoo  xusaya in ku dhowaad 26 boqolkiiba kuraasta Aqalka Sare ay ilaa iminka buuxiyeen haween,” Mudane Swan ayaa intaa ku daray. “Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan inta ay khuseyso inay labalaabaan dadaalkooda si loo gaaro qoondada doorashooyinka Aqalka Hoose ee soo socda.”

Mudane Swan waxa uu xusay in taageerada hay’adda caalamka ee geeddi-socodka doorashada Soomaaliya ay ahayd mid joogto ah sandihii tegay. Waxaana ka mid ah isku-dubaridka taageerada iyo tabarucaadda deeq bixiyayaasha, iyo wada shaqeynta joogtada ah ee Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal, Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed, Xafiiska Ra’isal-Wasaaraha, Dowladaha Xubnaha Ka ah Federaalka iyo deeq bixiyayaasha. 

Wakiilka Gaarka ah ee QM waxa uu sidoo kale ku nuuxnuuxsaday doorashooyinkii golaha deegaanka ee dhowaanta ka dhacday saddex degmo oo Puntland ka tirsan, taasoo koox saraakiil QM ka socotay ay ka qeybgaleen si ay u muujiyaan taageeradooda dadka reer Puntland maadaama ay ku tallaabsadeen geeddi-socodkan.  

“Waxaan ku rajoweynnahay in, haddii geeddi-socodkan la muujiyo inuu ahaa mid guuleystay, inuu tusaale u noqon karo doorashooyinka ku saleysan ‘hal qof iyo hal cod’ oo loo qabto heer deegaan, dowlad goboleed, iyo mustaqbalka, heer qaran laguna qabto halkan Soomaaliya,” ayuu yiri Mudane Swan.

Taakulada Ammaanka 

Hadal-jeedinteedii,  Marwo Filipetto waxay hoosta ka xarriiqday sida UNSOS - oo ka mid ah hay’adaha ugu muhiimsan ee Soomaaliya kala shaqeynaya sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa  si waafaqsan qorshaha amniga ee xilliga kala-guurka - ay ugu fidineysay taakulada dhinaca saadka ee 19,600 oo isugu jira militeri, booliis iyo shaqaalaha rayidka ee ka howlgalaya Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo 13,900 oo ah ciidamada ammaanka Soomaaliya ee howlgallada wadajirka ah ama wada-shaqeyntu kala dhexeyso AMISOM.

“Taakuladeenu waxay isugu jirtaa raashiinka, shidaalka, biyaha, keydka difaaca, awood-dhiska ka dhanka ah miinooyinka iyo sama-bixinta dadka ay wax soo gaaraan,” ayay tiri Marwo Filipetto mar ay ka hadleysay arrimaha ciidamada Soomaalida. 

“UNSOS had iyo jeer uma muuqato dadka Soomaaliyeed, laakiin waxaad arki kartaa adeegga duulista QM oo ay maamusho UNSOS. Qaar ka mid ah howlaha ay UNSOS qabatay, kuwaasoo horumarka dalka waxtaraya, waxaa ka mid ah sare u qaadista iyo dayactirka dhabbayaasha garoomada diyaaradaha ee Baydhabo, Jowhar, Beledweyne iyo Dhuusamareeb,” ayay intaasi raacisay sarkaaladda QM.

Taageerada bani’aadminimo

Wakiilka Gaarka ah ee QM waxa uu xusay sida colaaddu u tahay sabbata ugu muhiimsan ee barakaca Soomaalida, laakiin dhibaatooyinka cimillada ayaa haatan noqday sababta labaad ee ugu weyn oo ku kallifta inay guryahooda ka cararaan.

Somaaliya waxaa soo maray laba xilli roobaad oo is xigay oo roobku ka hooseeyay celceliskii la filayay, waxayna isku diyaarineysaa mid saddexaad.
 

“Qiyaasta sanadka 2022 waxa weeye in 7.7 milyan oo qof oo Soomaali ah ay u baahnaan doonaan kaalmo bani’aadminimo inta lagu guda-jira sanadka,” ayuu yiri Mudane Swan, isaga oo intaas ku daray in QM iyo saaxiibadeed ay siiyeen kaalmo bani’aadminimo illaa 2.3 milyan oo qof Soomaaliya gudaheeda.

Mudane Ayaya, oo ah ku-simaha Xiriiriyaha Gargaarka Bani’aadannimada, ayaa ku daray in Soomaaliya ay ku nool yihein mid ka mid ah tirada ugu badan dadka gudahooda ku barakacay—oo lagu qiyaaso 2.9 milyan, iyada oo 420,000 oo dadkaas ka mid ah lagu qasbay inay guryahooda ka cararaan intii u dhaxeysay Jannaayo iyo Sebtembar oo keliya, colaad iyo amni darro darteed.

“Baahida bani’aadannimo aad ayay u ballaaran tahay. Nasiib darro, kheyraadkeenu waa xaddidan yahay. Saaxiibada howlaha bani’aadminimada ka shaqeeya waxay tartan kula jireen waqtiga si ay gargaar iyo badbaado u gaarsiiyaan Soomaalida ugu nugul,” ayuu yiri Mudane Ayaya.

“Saameynta naafeynta leh ee safmarka COVID19, oo ay la socdaan arrimo kale, ayaa sababay yaraansho ba’an oo ku timid maalgelinta howlaha bani’aannimada ee Soomaaliya sanadkan,” ayuu ku daray. “Xitaa haatan oo aan hadleyno, waxaan joognaa dhamaadka sanadka , iyadoo nasiibdarro Qorshaheenna Ka-jawaabista Bani’aadannimada la maalgeliyay 50% oo  kaliya.”

Taageero horumarineed   

Mudane Swan waxa uu sidoo kale ka hadlay taageerada Qaramada Midoobay ee hadda socota ee arrimaha mudnaanta horumarineed u leh Soomaaliya, isaga oo xusay sida loogu gaarsiiyay “dareen saaxiibtinimo” si buuxdana loogu jaan-gooyay Qorshaha Horumarinta Qaranka Soomaaliya iyo nidaamyada la xiriira. 

Dhammaadkii sanadkii 2020, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramda Midoobay waxay wada saxiixdeen heshiis cusub oo iskaashi—oo loo yaqaanno Qaab-Dhismeedka Iskaashiga Horumarinta Joogtada ah ee QM (UNCF)—kaasoo qeexaya sida dalka iyo hay’adaha caalamka ay u wada shaqeyn doonaan shanta sano ee soo socota si dadka Soomaaliyeed loo gaarsiiyo nabad, xasillooni iyo barwaaqo.

Heshiiska Qaab-Dhismeedka Iskaashiga Horumarinta Joogtada ah ee QM (UNCF) waxa uu ka dhigan yahay ballanqaad loo dhan yahay oo Dowladda Federaalka Soomaaliya Iyo Qaramada Midoobay ku wada shaqeynayaan iyaga oo taageeraya Ajendaha 2030 ee Horumarka Waara iyo Bartilmaameedyada Horumarinta Joogtada ah (SDGs). Yoolashani waa baaq guud oo loogu  howlgalayo sidii loo dhammeyn lahaa saboolnimada, loo dhowri lahaa kownka, loona hagaajin lahaa nolosha iyo rajada cid walba meel kasta oo ay joogto, waxaana ansixiyay dhammaan Dowladaha Xubinta ka ah QM sandakii 2015 isaga oo qeyb ka ahaa Ajandaha 2030, kaasoo qeexaya qorshe 15 sano ah oo lagu gaarayo bartilmaameedyada Horumarka Waara (SDGs).

Isaga oo hadal-jeedintiisa ku tixraacayay horumarka Soomaaliya, Mudane Mason, oo ah ku-simaha Xiriiriyaha QM, waxa uu sheegay in wax xoogaa horumar ah la sameeyay.  

Caqabdihii aanu ka dhaxalnay sandadkii 2020, oo ay ku jiraan billaabashadii COVID iyo saameyntii ba’neyd ee uu ku yeeshay dhaqaalaha caalamka, abaaraha iyo fatahaadaha, iyo weliba weerarkii ayaxa, ayaan nasiib darro weli laga gudbin. Sida saadaashu sheegeyso, ilaa 20 boqolkiiba dadka Soomaaliyeed ayaa dhici karta in si toos ah ama aan toos ahayn uu u saameeyay safmareenku,”  ayuu yiri Mudane Mason. 

“Hase yeeshee, sida ay sheegeyso warbixinta Bankiga Adduunka, dhaqaalaha dalka ayaa la filayaa inuu ka soo kabto jugtaan, iyada oo wax-soo-saarka gudaha dhabta ah la saadaalinayo inuu kobco qiyaastii 2.4 boqolkiiba sanadkan,” ayuu ku sii daray. “Iyada oo ay taasi  jirto, weli wax badan ayaa dhiman. Dakhliga gudaha Soomaaliya waxa uu 13 boqolkiiba ka hooseeyay rubucii ugu horreeyay ee 2021.” 

Ku-simaha Xiriiriyaha QM waxa uu sheegay in, ka sokow caqabadahan, QM iyo saaxiibadeed ay sii wadeen inay ka shaqeeyaan gaarista horumarka waara. Waxa uu tlmaamay ka mid noqoshada Soomaaliya Axdiga QM ee dhanka ah Musuqmaasuqa in ay u tahay “guul taariikhi ah” dagaalka lagula jiro musuqaasuqa, iyo in daah-furka Istiraatiijiyadda Biyaha Qaranka Soomaaliya ay tahay guul kale oo in la xuso mudan.

“Guushani waxay asaaska u dhigtay horumarka waara oo laga gaaro kheyraadka biyaha dalka. Tani gaar ahaan waa muhiim maadaama isbeddelka cimillada si weyn loogu arko inuu yahay waxa sababa colaadaha, waxa uuna u baahan yahay xal guud oo looga hortegayo musiibo,” ayuu yiri Mudane Mason.

Guddi Qaran oo ka shaqeeya abaaraha iyo daadadka ayaa haatan sidoo kale la daahfuray, waxa uuna hoggaamin doonaa mashaariic isku xiran oo lagu yareynayo saameynta taban ee soo-boodooyina cimillada,” ayuu raaciyay sarkaalka QM. “Dhibaatooyinka Soomaaliya waa mid wajiyo badan, sidaa darteed waxay u baahan yihiin xalal guud oo wajiyo badan, taasoo dhisi karta u-adkeysiga soo-booddooyinka mustaqbalka.”

Nuqulka shirka jaraa’id oo dhammeystiran ka eeg halkan sawirradana halkan ayaad ka
heleysaa.