Saaxiibada beesha caalamka waxay soo dhoweynayaan guusha uu ku soo dhammaaday shirweynaha DFS-DXDF

27 May 2021

Saaxiibada beesha caalamka waxay soo dhoweynayaan guusha uu ku soo dhammaaday shirweynaha DFS-DXDF

Muqdisho – Saaxiibada Beesha Caalamka * ee Soomaaliya waxay soo dhoweynayaan shirweynaha Dowladda Federaaalka Soomaaliya – Dowlada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka (DFS-DXDF) ee guusha ku soo idlaaday magaalada Muqdisho.

Waxaan Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble bogaadinaynaa sida uu u hogaamiyay geeddi-socodkan, iyo sidoo kale Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, iyo siyaasiyiinta kale ee sida habsanida leh ee wax ku oolka ah uga qaybqaatay wadahadallada. Waxaan Mahad u soo jeedinaynaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ oo ku baaqay 1dii bishan Maajo in lagu laabto hanaanka doorashada 17 Sebtembar ee heshiiska ku saleysan.

Waxaan hadda ugu baaqaynaa dhammaan saamilleyda inay si degdeg ah horey ugu socdaan si loo abaabulo doorashooyin loo wada dhanyahay oo daahfuran oo dib u dhac la’aan ah. Waxaan madaxda Soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay wadahadal caadi ah oo dhexmara saxiixayaasha Heshiiskii 17kii Sebtembar ku xalliyaan wixii khilaaf ah ee mustaqbalka yimaada.

Saaxiibada Beesha Caalamku waxay diyaar u yihiin inay madaxda Soomaaliya ku taageeraan hirgelinta heshiiskan taariikhiga ah.

 

Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.