Saaxiibada caalamka oo soo dhaweeyey shirkii Golaha Wadatashiga Qaran

5 Jul 2021

Saaxiibada caalamka oo soo dhaweeyey shirkii Golaha Wadatashiga Qaran

Muqdisho – Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya* waxa ay soo dhaweynayaan shirkii guusha ku soo dhammaaday ee Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhacay 29kii Juunyo, waxa ayna ku bogaadinayaan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Dowlad-Goboleedyada doodihii wax ku oolka ahaa ee ay yeesheen . Jawigii tognaa ee shirka oo ay qeyb ka tahay  xiriirka   lala sameeyey saamileyda sida Golaha Midowga Musharixiinta, ayaa aasaas u ah sii socod ka  horumarka xagga doorashada.

Waxaan hoosta ka xariiqnay  in Golaha Wadatashiga Qaranka ay go’aan muhiim  ah ka gaareen jadwalka doorashada iyo doorka kooxda ka  taageerta  Farsamada Doorashada iyo ballaarinta lagu sameeyey si loogu daro Wakiillada  Dowlad-Gobolleedyada. Waxaan soo dhaweyneynaa go’aanka kala bar hoos loogu dhimay  kharashka isdiiwaangalinta musharixiinta haweenka ah, waxaana rajeyneynaa in la qaado tallaabooyin kale si loo xaqiijiyo qoondada boqolkiiba 30ka ee haweenka  lagu hashiiyey.

Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan saamileyda, oo ay ku jiraan hay’adaha maamulka  doorashada, inay  u gutaan si karti leh masuuliyadahooda iyo balamihii iyadoon dib u dhac lahayn  horena ugu sii socdaan. Waxaan ku dhiirigalineynaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida in ay si joogta ah yeeshaan wada-xaajood iyo wada-shaqeyn  wax ku ool ah inta lagu guda-jiro geeddi-socodka doorashada si loo xalliyo arrimo walba oo soo baxa. Waxaan ku qanacsanahay in hanaan doorosho  deg deg ah, nabdoon oo hufan uu Soomaliya ka caawin  doono ku-laabashada dhabbaha xasilloonida iyo barwaaqada.

Saaxiibada caalamiga ah waxa ay diyaar u yihiin in ay taageeraan Somaaliya.

 

* Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Shiinaha, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.