Saaxiibada caalamka oo soo dhoweeyay doorashada habsamida u dhacday ee madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare

17 Sep 2017

Saaxiibada caalamka oo soo dhoweeyay doorashada habsamida u dhacday ee madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Dowladaha Ethiopia, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa u hambalyeeyay Maxamed Cabdi Waare oo Madaxweynaha HirShabeelle loogu doortay codeyn shalay ka dhacday golaha baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabeelle.

Codeyntu waxay u dhacday si furan oo habsami ah. Saaxiibada caalamku waxay soo dhoweynayaan sida habsamida ah ee loo qabtay doorashada iyadoo la raacayo hanaanka sharci ee u degsan. Waxayna ugu baaqayaan dhammaan dhinacyada inay ixtiraamaan natiijada doorashada ka dhacday golaha baarlamaanka dowlad goboleedka ayna ka fogaadaan wax alla wixii fal ah oo wax u dhimmi kara xoojinta hanaanka maamul dhisidda.