Muqdisho oo lagu qabanayo bandhigga seddaxaad ee buugagta

16 Sep 2017

Muqdisho oo lagu qabanayo bandhigga seddaxaad ee buugagta

Muqdisho – Boqollaal qof ayaa soo buuxiyay goobta lagu qabanayo Bandhigga Buugagta ee Muqdisho si ay uga qayb-galaan maalinta furitaanka carwada buugagta ee ugu weyn Soomaaliya.

Aqoonyahanno, qorayaal, mutacallimiin, dadka qora riwaayadaha, abwaanno, fannaaniinta, iyo dadka jecel akhrinta buugagta ayaa isku soo baxay bilowga bandhigga buugagta ee seddaxda maalmood soconayo.

Dadka caanka ah ee ka hadlaya bandhigga sanadkan waxaa ka mid ah qoraaga caanka ah Dr. Cabdurraxmaan Cabdullaahi Baadiyow ee qoray “Making Sense of Somalia” iyo Boniface Mwangi oo ah Wariye Sawir-qaade ah oo ka soo jeeda Kenya ahna nin u u ol’ololeeya xuquuqda aadanaha.

Ku xigeenka Duqa Magaalada Muqdisho, Cabdullaahi Xaaji Ereg, iyo Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya, Michael Keating, ayaa ka mid ah marti-sharafta booqday Hoteel Muqdisho oo ahaa goobta lagu qabanayo bandhigga. Bandhigga buugagta waxaa sanadkan iyo sanadkii ka horreeyayba maalgaliyay Hay’adda Horumarinta Caalamiga ee Mareykanka (USAID).

Ku xigeenka Duqa Magaalada ayaa sheegay in maamulkiisa uu gacan ka geysan doono furitaanka maktabadda buugagta uuna taageerayo qorayaasha da’da yar.

“Waxaan sameynay ballan-qaad in aan suuq u raadinno qorayaasha da’yarta ah. Waxaan damacsannahay in ay hoggaamiyeyaasha ka soo jeeda gobolka Benaadir iyo dadka ka shaqeeya maktabooyinka ay ka wada qayb-galaan bandhigga xiga aana warbixin ka soo saarno guusha bandhigga,” ayuu yiri Mudane Cabdullaahi Xaaji Ereg.

Daahfurka buugagta, saxiixyada, dodo, iyo ciyaaro dhaqameed ayaa la qaban doonaa maalinta labaad iyo seddaxaad ee bandhigga.

“Tani waxaa ay runtii ii tahay fursad qaali ah oo aan ku muujiyo shaqadeyda. Tirada badan oo dadka ka qaybgalaya bandhiggan ayaa waxaa aan ka helay dhiiriggelin in aan qoro buugag dheeraad ah,” ayuu yiri Gallad Maxamed Barre oo ah qoraa 25 jir ah oo carwada keenay buug uu qoray oo magaciisa yahay “Sideed Ku noqon Kartaa Arday Guuleeysta”.

“Kani waa sanadka labaad ee aan ka qayb-galayo bandhigga buugagta. Sanadkan waxaa la soo bandhigay buugag tiro ahaan ka badan buugagtii la soo bandhigay sanadihii la soo dhaafay, tanina waxaa ay muujineysaa in uu dalka helay nabad,” ayay tiri Axlaam Maxamed Cilmi oo ah gabadh jecel akhrinta buugagta.

Sahra Abukar Cusmaan oo ayadana qoraa ah waxaa ay soo bandhigtay buug lagu macagaabo “The Pre-Colonial Rulers” oo ah buug uu qoray aabaheed oo geeriyooday bisha Maajo ee sanadkan.

“Waa bug ka sheekeynayo taariikhda Muqdisho iyo Benaadir ka hor qarnigii 17-aad, iyo dadkii ku noolaa Benaadir,” ayay tiri Sahra. “Waxaa ay runtii ii tahay sharaf in aan Bandhigga Buugagta ee Muqdisho ku soo bandhigo buuggan oo ah dhaxal uu ka tagay aabahay, oo asna ahaa qoraa. Waxaan rajeynaya in aan ku daydo oo aan qoro buug cusub”.

Qaban-qaabiyaha carwada, Maxamed Sheekh Cali Axmed ‘Diini’ ayaa ku celceliyay in ay ka go’an tahay qabashada bandhig sanadeedkan. “Waxaan ii muuqda Soomaaliyada cusub, Soomaalida oo leh aragti cusub, Afrika cusub, caalam cusub, oo ay dadku ku wada nool-yihiin is waafaqsananaan, xushmad oo la gaaro barwaaqo. Waxaa ii muuqda meel oo ay waxbarashada iyo aqoonta ay ka qiimo badan yihiin sida maanta ay tahay,” ayuu yiri Diini.

Bandhigga Buugagta ee Muqdisho waxaa la daahfuray sanadka 2015 waxaana laga gol lahaa in lagu dhiiriggeliyo dad badan oo Soomaali ah in ay bartaan suugaanta dalkooda hodanka ku ah.