Saaxiibada caalamku waxay ku baaqayaan in la dejiyo lana xakameeyo xaaladda Garowe

21 Jun 2023

Saaxiibada caalamku waxay ku baaqayaan in la dejiyo lana xakameeyo xaaladda Garowe

Muqdisho – Saaxiibada beesha caalamka* waxay ka walaacsanyihiin dirirta ka socota Garowe iyo saamaynta ay ku leedahay dadka rayidka ah.

Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda, laguna soo dabbaalo xasillooni. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan daneeyayaasha siyaasadda inay yeeshaan wadahadal, kaas oo ah tubta kaliya ee lagu xallin karo khilaafaadka.

Khatarta isa soo taraysa ee dhawaanahan waxay halis gelinaysaa natiijadii wanaagsanayd ee laga gaaray doorashadii golaha deegaanka ee dhawaan ka dhacday Puntland.

*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Denmark, Faransiiska, Jabuuti, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Kenya, Talyaaniga, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Netherlands, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Turkiga, Uganda, Iswiidhan, Iswisarland, Ireland, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.