Warbixinta Ay Eryaga Gaarka Ah Ee Xoghayaha Guud Ee Qm Catriona Laing Ay Golaha Ammaanka Uga Jeedisay Xaaladda Soomaaliya

22 Jun 2023

Warbixinta Ay Eryaga Gaarka Ah Ee Xoghayaha Guud Ee Qm Catriona Laing Ay Golaha Ammaanka Uga Jeedisay Xaaladda Soomaaliya

(Sidii loo jeediyey, New York, 22 Juun 2023) 

Mudane Madaxweyne, Xubnaha kala duwan ee Golaha,

Waxaan ku faraxsanahay inaan markii ugu horreysay warbixin idin la wadaago tan iyo markii aan la wareegey shaqada aan ka haayo Soomaaliya 5-tii Juun. Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan warbixintaan idin lawadaago iyadoo ay I wehliyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika, Danjire Sayf Maxamed Amiin iyo Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Cuntada Adduunka, Danjire Cindy McCain.

Waxaa sharaf weyn ii ah inaan fursad u helo inaan ka shaqeeyo Soomaaliya, waxaana idiin caddeynayaa inay iga go’antahay inaan hirgeliyo waajibaadka Howl-galka Qaramada Midoobey ee Taageeridda Soomaaliya. Waxaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada dalka iyo shacabka Soomaaliyeed kaga mahadcelinayaa soo dhaweyntii diiranayd ee ay ii sameeyeen. Qaramada Midoobay waxay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Booqashadii ugu dambeysay ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ku tagay Soomaaliya ayaa ka marag kacaysa ballanqaadkaas xooggan.

Waxaan si gaar ah Guddiga Midowga Afrika uga mahadcelinayaa, iskaashiga dhow ee aan leenahay. Waxaan u mahadcelinayaa dadaalka iyo naf-hurnimada Ciidamada Howlgalka Ku meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS). Waxaan  fursadan uga faa’ideysanayaa in aan dowladda iyo shacabka Uganda tacsi uga diro askartii kaga geeriyootay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkii lagu qaaday Saldhigga Jiidda Hore ee ATMIS ee Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose. Anigoo si adag u cambaareynaya weerarkan foosha xun, haddana wuxuu si weyn noo xasuusinayaa khatarta dhabta ah ee joogtada ah ee Al-Shabaab.

Mudane Madaxweyne,

Maanta waxaan ka xog-warrami  siddeed arrimood:

1. Midda koowaad, xog-warran ku saabsan labadii asbuuc ee iigu horeysay Sooomaaliya

2. Arrimaha siyaasadda

3. Arrimaha Amniga

4. Arrimaha gargaarka bini’aadannimada

5. Arrimaha Haweenka, Nabadda iyo Amniga

6. U kuurgeliddii Arrimaha xasilinta

7. U kuurgeliddii Arrimaha wareejinta howl-galadda beesha caalamka

8. Arrimaha hortebinta u leh UNSOM lixda bilood ee soo socota

Mudane Madaxweyne,

Xog-warrankeyga ugu horreeya waxa uu soo koobayaa labadii toddobaad ee iigu horeysay dalka

Tan iyo markii tagitaankeyga Soomaaliya – oo aan markii iigu horreysay anigoo dhalinyaro ah soo shaqeeyey bartamihii sagaashamaadkii, anigoo ka mid ahaa shaqaalaha Qaramada Midoobay– waxaan fursad u helay inaan la kulmo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha dalka, Wasiirro, iyo mas’uuliyiin sare ee dowladda, iyo in aan booqday afar ka mid ah shanta dawlad goboleed ee dalka. Waxaan la kulmay xubno ka tirsan Ururada Bulshada Rayidka, waxaan sidoo kale wadahadallo la yeeshey saaxiibada caalamiga ah, oo ay ku jiraan Safiirro ka socda Wadamada Ciidamada ku deeqay  howl-galka ATMIS. Waxa kale oo aan khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Somaliland” Muuse Biixi Cabdi.

Aniga oo kusoo wajahan halkan New York, waxaan ku hakaday Addis Ababa, halkaas oo aan kula kulmay Mas’uulka Midowga Afrika Uqaabilsan Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga, Danjire Bankole Adeoye, iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Danjire Mesganu Arega. Safarkii Soomaaliya aan ku soo maray wuxuu ii iftiimiyey horumarka baaxadda leh ee ay Soomaaliya ka samaysay dawladnimada iyo nabadaynta. Madaxweynaha ayaa dalkiisa si sax ah u dejiyay hiigsi hanweyn, iyadoo ay caqabado iyo khataro badan hor yaallaan, haddana waxaa jira fursado badan, waxaan ku boorinayaa dhammaan saaxiibada beesha caalamka inay ku kalsoonaadaan oo ay taageero dheeri ah siiyaan shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Madaxweyne,

Xog-warrankeyga labaad waxa uu soo koobayaa xaaladda siyaasadda

Soomaaliya waxa ay horumar ballaaran ka sameysay horumarinta hortebinnada qaran ee muhiimka ah. Horumaradan waxaa ka mid ah:

(i) Ugu horryen magacaabista Guddiga madaxa bannaan ee hirgelinta iyo dib u eegista dastuurka.

(ii) Ansixinta 11 qodob ee xeerarka, kuwaasoo 6 ka mid ah sharci ahaan loo  dhaqangeliyay, iyo

(iii) Doorashooyinkii golaha deeganka ee qof iyo cod ee sida guusha leh uga qabsoomay Puntland.

Kulamadi bilihii Maarso iyo Maajo ee Golaha Wadatashiga Qaranka ee soo saaray saddex hindise maamul (i) did u eegista Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka, (ii) Habka federaaleyta maaliyadeed iyo (iii) Qaab doorasho. Qaab doorashada lasoo jeediyay waxa uu bixinayaa doorasho ku saleysan qof iyo cod heerarka kala duwan ee dowlada. Guud ahaan qodobka qof iyo cod ka ah si wanaagsan ayaa loo soo dhaweyay. Qodobada kale oo ay GWQ soo jeediyeen ee dorashada la xiriira waxa kamid ah in loo guuro nidaam madaxweyne, in loo guuro qaabka ku salesan laba xisbi siyaasadeed, hagaajinta shuruucda doorashada ayaa si kala duwan looga falceliyay. Waxaan sidaa darteed soo dhaweenayaa sida uu madaxweynuhu u kala cadeeyay soo jeedinada GWQ, waxaa ayna bilaw u noqoneysaa wadatashi hor leh.

Inagoo taasi niyadda ku heyna waxaan dowlada Federaalka ka codsanayaa in ay ku dejiso qorshaha geedi socodka wadatashi sal adag loona dhanyahay, oo ay kamid yihiin xulashooyin kooban ee wadatashi iyo in sida heshiis lagu gaari lahaa ey cadahay kahor inta aan go’aamada la sharciyeen ama aan lagelin geedi-socodka dastuurka. Puntland ayaa weli bannaanka ka joogta geeddi-socodka GWQ balse waxa ay cadeysay in ay si toos ah ula shaqaynayaan dowlada Fderaalka. Waxaan bogaadinayaa in wadahadalka si degdeg loo bilaabo si loo xaqiijiyo in geedi-socodku si buuxda loogu dhanyahay.

Ugu dambeynti, warbixinteyda dhanka siyaasada waxaan jeclaan lahaa in aan muujiyo walaacayga weyn ee la xiriira dagaalka ka soconaya Laascaanood. Xasaradaha ayaa ilaa hada sababay waxyeello soo gaartay 308 rayid ah, iyadoo 36 ruux la dilay halka 272 kalena la dhaawacay. Waxaan bogaadinayaa dadaaladda dhamaan dhinacyada iyo dhabtii golahaan ee ah in la sameeyo xabad joojin. Kadib warsaxaafadeedki 7 di Juun, xafiisyada  UNSOM ayaa u diyar ah dhamaan dhinacyada si ay uga cawiyaan in ay isku waafaqaan tilaabo hore llogu qaado dhanka nabadda. Si loo soo afjaro arrintan waxaan ka talo geliyay daneyayaasha ugu muhimsan waxaana telefoonka kula xiririay Madaxweyne Bixi si aan ugu gudbiyo fariimaha ku aadan muhiimadda wadahadalka, joojinta colaadaha iyo gaaridda kaalmada  bini’aadanimo.

Xog-warrankeyga seddexaad waxa ay quseysaa xaalada amniga

Howlgalada ay dowlada Federaalka ah horkaceyso ee ka dhanka ah Al-Shabaab waxa inta badan diirada lagu saarayay gobolka Shabeelada dhexe, Bariga Hiiraan iyo Galmudug. Howlgalada inta ay socdeen, awooda milatari ee Al-Shabaab hoos ayaa loo dhigay waxaana laga saaray goobo badan. Tani waa guul muuqata balse Al-Shabaab weli waa halis weyn. Howlgalada harsan ee wejiga 1 aad ayaa lagu dhameestirayaa isbuucyada soo socda.

Diyaargarowga wejiga 2 aad ayaa billowday waxaana la filayaa in la bilaabo isbuucyada soo aadan. Intaas waxaa dheer, Howlgalka libaaxa Madow oo ah hindise ay Soomaali hogamineyso iyadoo kaashaneysa ‘Maamul Goboleedyada Safka Hore” ayaa isna bilaabanaya isbuucyada soo socda. Tani waxaa looga gol leeyahay in cadaadis dheeraad ah la saaro Al-Shabaab.

Saddex kamid ah caqabadaha amni ee la xiriira wejiga xiga ee howlgalka ayey tahay in fiiro gaar loo yeesho:

Marka hore, howlgalada ayaa ka dhici doona goobaha dhawaan ay Al-Shabaab kabashada ka ssameeyeen iyo goobaha ay weerarada kasoo qaadeen. Awooda sii jireysa iyo ujeedka  AL-Shabaab waxaa sharxay weerarki ay ku qaadeen hotelka Pearl Beach ee Muqdisho taariikhdu marki ay ahayd 9 ki Juun, kaasoo lagu dilay 9 qof uu kamid yahay xubin katirsan bahda QM.

Marka xigta, wejiga xiga ee howlgalada loogu sii dhaqaaqayo Koonfur, ayaa muujinaya caqabado siyasadeed oo dheeri ah iyo kala duwanasho qabiil. Aad ayey muhiim u tahay in wejigan xigo si taxader leh loo qorsheeyo si loo xaqiijiyo isku-dhaf militari oo buuxa iyo dadaalada madani ah, oo ay kamid tahay xasilin qorsheysan.

Mida seddexaad, howlgalada ayaa si is garab socod ah iskula dhici doona iyadoo ATMIS soo udhigeysa si cadaadis loogu saaro qorsheynta iyo saadka.

Mudane Madaxweyne,

Xog-warrankeyga afraad waxa uu ka hadlayaa  xaaladda bani'aadannimo iyo xiriirrada kala dhaxeeya colaadaha iyo isbeddelka cimilada.

Hawlgalka haatan ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxa uu soo abuuray fursado gargaar aadminimo lagu gaarsiiyo dadka u baahan. Si kastaba ha ahaatee, amni-xumada ayaa sidoo kale gacan ka geysatay in hay'adaha samafalka ay ku hawgalaan duruuf aad u qallafsan. Laga soo bilaabo Jannaayo ilaa Maarso, qiyaastii 430,000 oo qof ayaa ku barakacay colaado iyo ammaan darro Soomaaliya oo dhan. Ku dhawaad 580,000 oo qof ayaa ku nool dhulalka ay maamulaan dhinacyada hubaysan ee aan dawliga ahayn. Dadkaas barakacay badankoodna waa   haween iyo caruur.

Xaaladda guud ee bani’aadannimo ee Soomaaliya ayaa weli ah mid halis ah, iyadoo 8.25 milyan oo qof, taas oo ah kala bar tirada dadka dalka u dhashay, ay u baahan yihiin kaalmo bani'aadannimo. Halka macluusha laga hortagay iyadoo ay ugu wacan tahay kordhinta gargaarka bani’aadannimo iyo roob u da’ay si’ ka wanaagsan sidii la saadaaliyay, roobabku waxay sidoo kale dhaliyeen fatahaado, iyagoo saameynaya ugu yaraan 468,000 oo qof, misna barakicinaya 247,000 oo kale. Si wax looga qabto baahiyaha bani’aadannimo  ee daran, Qorshaha Gurmadka Bani'aadamnimada ee 2023 wuxuu u baahan yahay in ka badan 2.6 bilyan oo doolar. Sannadka kala bar maraya, qorshaha waxa la maalgeliyay boqolkiiba 29.8 keliya. Waxaana ugu baaqayaa dhammaan saaxiibada Soomaaliya inay si degdeg ah u kordhiyaan dhaqaalaha ay aadka loogu baahan yahay.

Abaaraha iyo fatahaadaha ayaa si murugo leh ugusoo badanaya Soomaaliya taasoo ay sabab u tahay xasaradda cimilada ee soo noqnoqonaysa. Hab-nololeedka xoola-dhaqatada ee soo jireenka ah waxaa saaran cadaadis ba'an, waxaana aragnaa inay ka dhalatay in magaalooyinku ay u korayaan si aad u wayn - taasoo ay ku jiraan dad lagu qiyaasay in ka badan 800,000 oo qof oo kale oo Muqdisho ku nool. Tani waxay u baahan tahay xal waara iyada oo loo marayo qorshaynta magaalooyinka iyo maalgelinta noocyada kala duwan ee hab-nololeedyada. Soomaaliya waxay si deg deg ah ugu baahan tahay inay hesho dhaqaale ballaaran oo cimilada la xiriira si wax looga qabto adkaysiga iyo la qabsiga, tanina waxay ii noqon doontaa mudnaanta koowaad mustaqbalka.

Xog-warrankeyga shanaad waxay ku socotaa WPS. Hoggaamiyeyaasha haweenka ee ku dayashada mudan ee Soomaaliya waxay sii wadaan, inay si sax ah ugu doodaan ka mid noqoshada saxda ah ee hababka siyaasadda iyo go'aan qaadashada. Ballanqaadkii ay madaxda siyaasadda Soomaaliya ku sameeyeen qoondada 30% ee matalaadda haweenka ee doorashooyinkii hore ee federaalka ayaa ah mid aan weli la fulin. Doorashadii degmooyinka ee dhowaan ka dhacday Puntland, kaliya 17 boqolkiiba dadka la doortay ayaa waxay ahaayeen haween - taasoo hoos uga dhacday 27 boqolkiiba wajigii hore. Ka qaybgalka haweenka iyo matalaaddu waxay u baahan yihiin in lagu sameeyo qaab-dhismeedka sharci ee khuseeya, taasoo uu ku jiro dastuurku. Anigoo ah Ergayga Gaarka ah haweeneydii ugu horreeysey ee ka noqota Soomaaliya, waxaan arrimahan ka dhigi doonaa safka hore ee shaqadayda.

Mudane Madaxwayne,

Qaybta lixaad ee warbixintan kooban, waxaan jeclaan lahaa inaan indho-indhayn ku sameeyo xasilinta.

Dhaqdhaqaaqyada xasilinta ayaa weli ka socda goobihii laga saaray Al-Shabaab. Caqabadda ayaa weli ah sii joogtaynta guulahaas. Tani waxay u baahan doontaa amni joogto ah, bixinta adeegyada aasaasiga ah, dib-u-heshiisiin, iyo geeddi-socodyo siyaasadeed iyo kuwa dowlad-dhiska ee mustaqbalka fog.

UNSOM ayaa ka jawaabtey codsigii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa inaan kordhinno jawaabteenna dhanka xasilinta. Waxa la sameeyey unug xasilin ah, taasoo si toos ah iigu warrami doonta.

Hamiga aan wadaagno waa inuu la jaanqaadaa agabka lagu bixin karo wax ka qabashada xasilinta ee lagama maarmaanka ah, iyo howlgallada millateri ee mustaqbalka oo ay tahay in loo qorsheeyo iyada oo ay wehelinayso howlaha xasilintu.

Qaybta toddobaad ee Xog-warrankeyga kooban, waxaan jeclaan lahaa inaan kaga hadlo qorshayaasheenna kala guurka ah.

Mudane Madaxwayne, waxaad xasuusan doontaa in dib u eegista istaraatiijiyadeed ee UNSOM (S/2022/716) ay ku talinayso in qorshaha howlgalka ee kala guurka laga dhigo mid saddex-qayb ah.

Midda koowaad waa isbedelkii amniga. Midda labaad waa dhimista suurtagalka ah ee UNSOS iyo wareejinta howlaha taageerada howlgalka UNSOM. Isbeddelka saddexaadna waa wareejinta ugu dambayntii UNSOM oo lagu wareejinayo kooxda dalka joogaysa ee Qaramada Midoobey. Saddexda kala-guur waa kuwo isku xiran, mana samayn karno in go'aan mid ka gaarno haddii aynaan si taxadar leh u tixgelin cawaaqibka kuwa kale. Laakin midka na hagayaa waa kala guurka amniga.

Sida aan dhegeysan doono Mudane Madaxwayne iyo SRCC waxaa socda qorshe lagu dhimayo ATMIS bisha Juun, laguna wareejinayo ciidamada amniga Soomaaliya. Qiimaynteenna hordhaca ah ee kala-guurka mustaqbalka ayaa ah in kakanaanta, caqabadaha, iyo xowliga geeddi-socodka kala-guurku ay ku jiraan khataro.

Tani waxay noqon doontaa mid adag. Waxaan bilaabay inaan sameeyo unug kala-guur ku howllan si aan u xaqiijiyo qorshaynta hadafka. Kooxdaasi waxay hadda si xooggan uga shaqaynaysaa kala-guurka iyagoo kaashanaya dhammaan saamilayda ay khusayso. Waxaan jeclaan lahaa inaan u xaqiijiyo xubnaha inaan aqoonsanayno su'aalaha u baahan in wax laga qabto - laakiin qaar badan oo ka mid ah xalalka ayaa u baahan doona dadaal wadajir ah.

Mudane Madaxwayne,

Qaybta sideedaad iyo tan ugu dambaysa xog-siintan, waxaan kusoo gabagabaynayaa inaan iftiimiyo shanta qodob ee ugu muhiimsan kala hormarinta howlgalka UNSOM lixda bilood ee soo socda.

Muhiimadayda koowaad waxay noqon doontaa u diyaarinta Qaramada Midoobey saddexda marxaladood ee kala-guurka ah ee soo socda, anigoo tixgelinaya caqabadaha aan kor kusoo sheegay.

Marka labaad, waxaan diiradda saari doonaa sidii UNSOM ay kaalin mug leh uga qaadan lahayd isu keenidda dadaallada beesha caalamka ee xasilinta.

Saddex, waxaan mudnaan siin doonaa taageeridda qaybaha kala duwan ee geeddi-socodka dhismaha Maamul-goboleedka – gaar ahaan kuwa la xiriira geeddi-socodka doorashooyinka – hubinta wada-tashiyo loo dhan yahay, oo ay ku jirto Puntland.

Marka afraad, waxaan taageeraynaa dadaallada socda ee lagu doonayo in colaadda Laascaanood nabad lagu dhammeeyo.

Marka shanaad, waxaan ka taageeri doonaa Dowladda Soomaaliya si ay u gaarto dhammaystirka HIPC iyo wax ka beddelka kaalmada bini'aadminnimada oo loo rogo barnaamijyo horumarineed oo ku salaysan adkaysiga, oo ay ku jirto cimilada.

Dhammaan marka la eego arrimaha mudnaanta leh, waxaan dhiirrigelin doonaa ka qaybgalka xaqa ah iyo matalaadda haweenka. Soomaaliya waxa ay u baahan tahay inay ka faa’iidaysato kartida dadkeeda oo dhan haddii ay doonayso inay wax ka qabato caqabadaha faraha badan ee horyaalla.

Gabagabadii, Mudane Madaxwayne, Qaramada Midoobey waxay diyaar u tahay inay ka taageerto Mudane Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud si uu u gaaro himiladiisa ah “Soomaaliya oo ah dal heshiis ah dunidana heshiis la ah”. Waxaan idinkaga mahadcelinayaa adinka iyo Golaha Amaankaba taageeradiina joogtada ah.