Sarkaalad Aamino Cali Xiirey ayaa u olaleyneysa xuquuqda haweenka iyo gabdhaha iyadoo diirada saareysa dhaqanka cudurka xadgudubka

Amino Ali Hiirey is a police officer with the Hiiraan police service and a fierce champion of women’s rights.

17 Apr 2017

Sarkaalad Aamino Cali Xiirey ayaa u olaleyneysa xuquuqda haweenka iyo gabdhaha iyadoo diirada saareysa dhaqanka cudurka xadgudubka

Aamino Cali Xiirey waa sarkaalad boolis ah tasoo ka shaqeysa mid ka mid ah wadamada ugu khatarsan aduunka ee boolis ka shaqeeyo – Soomaaliya.

Waxay ka mid tahay boqolaal saraakiil boolis ah kuwasoo ka qeyb qaadanaya dib-u-dhiska hirgalinta hey,adaha sharciga ee dalka,kadib burburkii dowlada dhexe iyo hey,adihii dowlada iyo bilowgii dagaalka sugeeye sanadkii 1991.

Ka sarkaal jinsi ahaan ka howlgala Hiiraan, caasimada gobolka ee Baladweyne ayaa ah qof u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka iyadoo isticmaaleysa booskeeda ayay rabtaa iney xaqiijiso xaaldaha xadgudubyada xuquuqda haweenka in si fiican loo xaliyo

“Ciidanka booliiska Soomaaliyeed waa ciidan saaxiib la ah haweenka anigana waxaan saaxiib la ahay haweenka Baladweyne (caasimada Hiiraan). Waxaan aad ugu qanacsanahay inaan caawiyo hooyooyinka iyo gabdhaha ku dhiban guryahooda,” ayay tiri Aamino

Aamina ayaa sheegtay in ku biiritaankeedii ciidanka booliska aheyd mid faa,ido u leh maadama ay hadda la shaqeyso maamulada sidii loogu heli lahaa cadaalad haweenka iyo gabdhaha kuwasoo ah dhibanayaasha rabshadaha guriga; iyo kuwa kale oo badan oo ah dhibanayaal kufsi iyo noocyo kale oo xadgudub galmo ah.

Sarkaaladan jecel waxqabadka, Aamino ayaa si guul ah u dabagashay xaalado xadgudub ka dhan ah haween, tasoo sababtay ugu danbeyntii in lasoo xir xiro danbiilayaashii. Arintaa ayay ka heshay in haweenka Baladweyne aaminaan.

Aamino waxay mataleysaa wajiga cusub ee fulinta sharciga Soomaaliya, kasoo xadgudubka galmo ee ku saleysan jinsiga aad ula dagaalamaya kana hortagaya.

Waxay shaqeysaa in ka badan xiligeeda shaqada, iyadoo qaban qaabisa howlo lagu gaarayo korna loogu qaadayo wacyiga dadweynaha arimaha ku saabsan tacadiyada ku saleysan jinsiga.

Waxay ku dhalatay kuna barbaartay Baladweyne, Aamino caruurnimadeedii waxay ku riyoon jirtay iney ka shaqeyso fulinta sharciga. Riyadeedii waxay run isku bedashay sanadkii 2012, kadib markii laga qoray booliska, iyadoo ku biirtay ciidanka booliska Soomaaliyeed, iyadoo qaadatay koorso asaasi ah ee dhanka booliiska.

Howlkarnimadeeda dhanka shaqada waa mid aan muran ka taagneyn, iyadoo dhex socota wadooyinka Baladweyne ee kuleylka badan maalin kasta, si ay u xaliso qeyb ka mid ah dhibaatooyinka soo wajaha haweenka.

Waxay amaantay go,aankeedii iney ku shaqeyn doonto wixii ay ka baratay tababarkii ay heshay intii ay ku jirtay koorsada booliiska

“asxaabteyda iyo aniga waxan si qoto heer uga faa,iidnay tababarkii waxana ka helnay aqoon naga caawisay inaan u dhaweyno dowladnimada iyo ku dhaqanka sharciga dadka reer Baladweyne,” ayay tiri Aamino.

Tababarka Hab dhaqanka Caadiga ee Booliska, la falgalka dadweynaha, qaababka lagu yareeyo xiisadaha iyo abuurida jawi u saamaxaya ganacsiga iyo dadka iney baraaraan ayaa ahaa mowduucyadii ay Aamino ka baratay intii ay ku jirtay koorsadii tababarka booliska.

Sida ay Aamino qireyso Soomaaliya weli faanoole fara kama qadno marka la fiiriyo booliiska iyo kala danbeynta ku dhaqanka sharciga; waxay qabtaa rajo weyn in mustaqbalka dalka aad u ifaayo, khaasatan haweenka iyo gabdhaha.