Saaxiibada caalamka oo soo dhoweeyay natiijada wadatashiyada ee uu hormuudka ka ahaa Madaxweynaha kana qaybqaateen madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka

17 Apr 2017

Saaxiibada caalamka oo soo dhoweeyay natiijada wadatashiyada ee uu hormuudka ka ahaa Madaxweynaha kana qaybqaateen madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ayaa soo dhoweeyay go’aanada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DGXF) ku gaareen kulankii wadatashi ee labada maalmood qaatay ee ay dhowaan ku yeesheen magaalada Muqdisho. Qaramada Midoobay, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Yurub, Talyaaniga, Itoobiya, Sweden, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Dowladda Maraykanka ayaa muujiyay taageerada ay u hayaan natiijada ka soo baxday wadahadalladan waxtarka leh.

Saaxiibada caalamka ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ku bogaadiyay horumarka siyaasadeed ee ay ka gaareen arrimo kala duwan oo ballaaran oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga qaranka, gurmadka abaaraha, iyo la-dagaalanka musuqmaasuqa.

“Waxaan si gaar ah u soo dhoweynayaa heshiiska laga gaaray qodobada muhiimka ah ee qaabdhismeedka amniga qaran ee Soomaaliya. Golaha Amniga Qaranka ee uu guddoomiyay Madaxweynaha, ayna xubnihiisu ka midyihiin madaxda dowlad goboleedyada ayaa hadda yeelan doona dowr muhiim u ah sii socodsiinta geedi-socodka,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u fadhiya Soomaaliya, Michael Keating. “Heshiiskan ayaa ka dhigan guul weyn oo ay gaartay Soomaaliya. Wuxuu udub dhexaad u yahay geedi-socodka dhismaha dowlad federaal ah, waana gundhig looga sii ambaqaadi karo amni xooggan.”

Saaxiibada caalamka waxaa ka go’an inay wada shaqeyn yeeshaan si ay taageero isku xiran ugu fidiyaan guusha dowladda ee arrimaha mudnaanta leh, oo ay kamid yihiin gurmadka abaaraha iyo ka soo kabashada, ballaarinta dakhliga canshuuraha iyo la-dagaalanka musuqmaasuqa, iyo hab dhamaystiran oo nabadgelyo lagu gaaro.