Seynab Cumar Cali: Haweeney hawlkar ah oo u qareemeysa Metelaadda Haweenka Soomaaliyeed

8 Oct 2022

Seynab Cumar Cali: Haweeney hawlkar ah oo u qareemeysa Metelaadda Haweenka Soomaaliyeed

Baydhaba – Geeddi-socodka doorashadu inta badan waa amin dadaal adag u ah dhammaan kuwa doonaya in ay arkaan isbeddel dhinaca hoggaanka ah.

Caynkaas  oo kale ayuu ahaa arrinka Saynab Cumar Cali, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Baay ee BWAN.

"Intii ay socotay doorashadii ugu dambeysay ee baarlamaanka federaalka, BWAN waxa ay 7 haween ah ka caawisay inay ku biiraan labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, labo ka mid ah waxay ku guuleysteen kuraasta aqalka sare halka shanta kalena ay ku guuleysteen kuraasta Golaha Shacabka," ayay tiri Marwo Seynab.

"Hawshu ma fududayn," ayay raacisay.

Marwo Seynab waxa ay ka soo jeeddaa Koonfur Galbeed, halkaasoo 15 kuraasta oo baarlamaanka mid ah loo qoondeeyay haweenka: Laba Aqalka Sare ah iyo 13 ka mid ah Golaha Shacabka. Xubnaha BWAN ayaa ku guuleystay todobo ka mid ah kuraastaas, taasoo ka dhalatay ololihii ballaarnaa ee ururku uu ku wacyigelinayay muhiimadda metelaadda haweenka iyo u ololeynta mas’uuliyiinta maxalliga ah - oo ay ku jiraan odayaasha qabaa’ilka iyo guddiyada maamulka doorashada, iyo xitaa madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed - si loo hubiyo in 15 ka kursi aan midkoodna rag la siin.

Hibo u leh Abaabulka

Si ahaan, Marwo Seynab waxa ay u samaysan tahay doorka Abaabule iyo Dhaqdhaqaaqe.

Haweeneyda 28-sano jirka ah waxa ay ku dhalatay kuna barbaartay magaalada Baydhaba oo ah magaalada ugu weyn maamul goboleedka Koonfur Galbeed. Waxbarshadeedii hore waxa ay ku dhamaysatay dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Salaaxu-diin, waana halkaas meesha ay awoodeeda abaabul ka soo billowday.

“Waxa aan ahaa gabar madax ah sanadaha dugsigayga sare oo dhan. Mas'uuliyadahayga koowaad waxay ahaayeen xoojinta xiriirka ka dhexeeya macalimiinta iyo gabdhaha, iyo ka warbixinta hawlaha aan loo baahnayn ee gabdhuhu ku hawlan yihiin taas oo u horseedi karta inay waxbarashada isaga haraan. Waxa ay sidoo kale i bartay xirfadaha hoggaaminta,” ayay tiri.

Awooddeeda abaabulka waxa ay kobacday intii ay ku guda jirtay waxbarashadeeda heer jaamacadeed, taas oo ay ku aragtay in ay shahaadada koowaad ee jaamacadda ee shareecada ka qaadatay Jaamacadda Ganaany, ee magaalada Baydhabo, iyadoo billowday 2017.

“Markii aan ku jiray sannadkayga labaad ee jaamacadda, waxaan garwaaqsaday in tiro dumar xilliga jaamacadda jooga ay dib u dhigayeen billowga fasallada, halka qaar kalena ay gebi ahaanba isaga harayeen waxbarashada, iyadoo ay ugu wacan tahay dhaqaale xumo – sidaas darteed waxaan isku soo uruuriyay arday kale ee fasalkaygii, waxaana awoodnay inaan bixinno kharashka waxbarashada iyo lacagaha ardaydaas oo u hamuun qabay inay waxbarashadooda sii wataan balse dib u dhac ku yimid lacag-bixinta," ayay dib u milicsatay.

Marwo Seynab oo ay dhiirigelisay natiijada ayaa bilowday in ay la xiriirto haweenka kale ee da’da yar, iyo sidoo kale haweenka u dhaqdhaqaaqa hawlaha kale ee lagu taageerayo haweenka da’da yar ee Koonfur Galbeed.

Wax yar ka dib, dadaalladeedu waxa ay abaabulkeeda ku dumeen unkidda hab cusub oo sidii hore ka habaysan.

“Waxaan sii waday dhismihii ururka u qareemi lahaa hagaajinta nolosha dhalinyarada iyo haweenka ee Baydhabo hadday tahay mid bulsho iyo mid siyaasadeedba aniga oo la xiriiraya goobaha waxbarasho ee kale, kasbanayana taageeradooda, taasina waxay keentay in bishii Maarso 2018-ka la aasaaso BWAN” ayay tiri.

Iyadoo loo aqoonsa yahay dadaalkeeda iyo xirfadeeda, xubnaha BWAN ee wakhtigaas oo ahaa 94 ayaa waxay u magacaabeen Marwo Seynab inay noqoto guddoomiyaha ururka.

Guddoomiyaha BWAN

Geeddi-socodka doorashada baarlamaaniga federaalka ah ee Koonfur Galbeed waxay ahayd hal meel oo diiradda u saarnay BWAN. Ururku waxa kale oo uu si weyn uga qaybqaatay u qareemidda ka-qaybgalka haweenka iyo metelaadda heerarka kale ee dawladda, oo ay ku jirto sidii bah-wadaagta fulinaya mashruuca 'Mideeye' (tarjumid: 'Mideeye' Soomaali ahaan) oo ay maamusho Finn Church Aid (FCA). Hay'ad gargaar caalami ah oo ku salaysan xuquuqda Finnish.

"Waxaan ka qaybgalnay doorashadii golaha deegaanka degmada Baraawe bishii Noofambar 2021. Waxaan iska kaashanay FCA mashruuca Mideeye, gaar ahaan u ololaynta metelaadda siyaasadda haweenka iyadoo loo marayo ololeyaal warbaahin," ayay tiri Marwo Seynab.

"Waxaan awoodnay inaan soo saarno toddoba xubnood oo haween ah oo ka tirsan golaha deegaanka, iyadoo loo marayo dadaallo iskaashi ah, waxaana doonaynaa inaan ka qaybgalno dhismaha soo socda ee golaha deegaanka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose."

Wacyigelinta BWAN iyo shaqada u qareemidda ah ayaa leh caqabadaheeda, oo ay ku jiraan isku dayga in la beddelo aragtida dhaqanka ee doorka haweenka.

“Odayaasha qabiilladeenna way ka horjeedaan fikradda ah in haweenka iyo dhallinyaradu ay qabtaan xilal siyaasadeed. Waxay qabaan aragtida ah in haddii ay kursi baarlamaanka siiyaan marwo uu qabo qof qabiil kale ah, ay lumin doonaan dhammaan taageeradii ay ku lahaayeen danahooda qabiil ee  gaarka ah,” ayay tiri Marwo Seynab.

“Si kastaba ha ahaatee, gebi ahaanba way khaldan yihiin. Sida aan horay u soo aragnay, Xildhibaanada Haweenka ah ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee ku jira Baarlamaanka Federaalka ayaa caawimaad badan u fidiyay deegaanadooda, haddii ay ahaan lahayd qodista ceelal biyoodyo, dhismo dugsiyo ama xarumo caafimaad oo loogu talagalay hooyada iyo dhallaanka, in ka badan marka loo eego ragga dhiggooda ah eek u jira baarlamaanka federaalka,” ayay raacisay.

Cudurka faafa ee dhawaantan ee COVD-19 waxa uu ururka BWAN u ahaa aag kale oo ay si weyn ugu lug lahaayeen. Iyadoo la kaashaneysa Wasaaradda Caafimaadka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxa uu olole ka sameeyay bulshooyinka maxalliga ah, isagoo adeegsanaya idaacadaha maxaliga ah iyo goobaha kale ee bulshada, sida goobaha shaaha laga cabo iyo maqaayadaha, si dadka loogu baraarujiyo baahida loo qabo in shacabka ay qaatdaan tallaabooyin ka hortag ah. iyo sidoo kale in la saxo fahamka khaldan ee cudurka.

“Markii hore ee uu dillaacay COVID-19, dad badan oo Soomaaliyeed waxay rumaysnaayeen inay ahayd ciqaabta Eebbe ee dadka aan Muslimiinta ahayn. Taasi gabi ahaanba waa ay ahayd khalad,” ayay tiri Marwo Seynab.

"Iyada oo ku saleysan waayo-aragnimadayda iyo caawinta kooxda caafimaadka dadweynaha ee BWAN," waa ay sii wadday, "waxaan awoodnay inaan la xiriirno bulshooyinka maxalliga ah, dadka gudaha ku barakacay, carruurta dugsiyada, iyo xarumaha dhaqancelinta si aan kor ugu qaadno wacyiga, meeshana looga saaro marin-habaabinta."

QM iyo Haweenka

Geeddi-socodka doorashada ee lasoo gabagabeeyay horraantii sanadkan ayaa muujiyay tirada haweenka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ee sannadkan ay hoos uga dhacday 24 doorashadood ee la soo dhaafay, waxayna sanadkan noqdeen 21 boqolkiiba. Tani waxay hoos uga dhacday yoolkii ahaa in ugu yaraan la gaaro boqolkiiba 30.

Sida ay qabto Qaramada Midoobay, sinnaanta jinsiga iyo awoodsiinta haweenka ayaa aasaas u ah xaqiijinta in nabadda iyo horumarka ay noqdaan kuwo loo siman yahay oo ay si siman uga faa'iideystaan ​​haweenka iyo ragga iyadoo la ilaalinayo xuquuqda aadanaha ee dhammaan iyada oo uusan jirin takoor, eex iyo nacayb.

Qaramada Midoobay, iyada oo adeegsanaysa hay’addeeda, sanduuqyadeeda, iyo barnaamijyadeeda, waxa ay soo taageertay hindisayaasha awoodsiinta haweenka, waxaanay ku ammaantay haweenka Soomaaliyeed dedaallada aan kala liicin iyo gacansiintooda nabadda, xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka dalka.

Dhisidda Soomaaliya loo dhan yahay, aan dheelliyin, oo caddaalad ah, awood-siinta haweenka Soomaaliyeed waxay noqon doontaa mid muhiim ah. Tan waxaa ku jira ka qaybqaadashadooda go'aan gaarista iyo dhammaan heerarka bulshada.

Marka hogaanka cusub meesha imaanayo, doorka haweenka wuxuu noqon doonaa mid muhiim ah si loo hubiyo in baarlamaanka uu qaato hannaan sharci doorasho oo dammaanad qaadi doona qoondada haweenka ee 30 boqolkiiba.

Waxaa kaloo jirta rajo ah in hoggaanka cusub uu haween badan u soo magacaabi doono dhammaan hay’adaha heer federaal iyo heer dowlad-goboleed si loo gaaro sinnaanta jinsiga ee looga golleeyahay nabadda iyo horumarka Soomaaliya.