Shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Soomaaliya oo xusay Maalinta Qaramada Midoobay

24 Oct 2017

Shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Soomaaliya oo xusay Maalinta Qaramada Midoobay

Muqdisho  - Shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaa maanta isugu yimid magaalada Muqdisho si ay u xusaan Maalinta Qaramada Midoobay iyagoona ballanqaaday in ay siii joogtayn doonan taageerada ay u fidiyaan dadka Soomaaliyeed oo ku haminaya in ay helaan nabad iyoammaan waara. 

Xafladda ayaa waxaa ka qayb galay Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Michael Keating, iyo Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Hubert Price. Hal ku dhigga dabaal-degga sanadkan ayaa ahaa awoodda kala duwanaanshaha.

Mar u xafladda ka hadlaay, Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Keating ayuu shaqaalaha ku boogaadiyay howl karnimadooda waxaana uu ku booriyay in ay siii wadaan dhowrista mabaadii’da hay’adda iyo waxa ay u taagan tahay, kuwaas oo ku xusan Heshiiska Qaramada Midoobay. 

“Waxa aan isku dayayno in aan Soomaaliya ka sameyno ayaa ah in aan mabaadii’dan aan dhaqangelinno, qaabka aan ula shaqayno Soomaalida iyo in aan ka caawino in ay nabad helan,” ayuu yiri Wakiilka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Keating oo sidoo kale ah Madaxa Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Waxaa uu shaqaalaha Qaramada Midoobay ku boorriyay in ay si dhow ugala shaqeeyaan Soomaalida horumarinta dalkooda isagoona intaas ku daray in dhimashada dad badan oo rayid ah ay ku dhinteen qarixii ka dhacay Muqdisho 14-ka Oktoobar aysan noqon mid aan wax micno leh ku fadhinin.    Maalinta Qaramada Midoobay ayaa loo dabaal-deggaa sanad welibo si loo xuso sanad-guuradii la billaabay in la dhaqangeliyo Heshiiskii Qaramada Midoobay ee sannadii 1945-kii kaas oo horseeday in la aasaaso Qaramada Midoobay kaddib markii si rasmi ah heshiiska loo ansixiyay. 

Shaqaalihii isku yimid ayaa muddo aamusay si loo xuso dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii 14-kii Oktoobar. Mudane Keating iyo Mudane Price ayaa waxaa ay darenkooda u muujiyen dhammaan Soomaalidii dhaawacyada ay ka soo gaaren weerarka iyagoona u rajeeyay in ay si buuxda oo dhaqsa ah uga soo kabsadan.   

“Waxaan dareenkeenna la qaybsaneynaa oo aan u tacsiyeyneynaa dhammaan saaxiibbadeen Soomaalida ah,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Keating waxaana u amaanay dhammaan shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ka qayb qaatay gurmadkii lagu caawinaayay dadka Soomaaliyeed saacado kamid ah sacadihii ugu xumaa ee abid soo mara. Waxaa u sidoo kale si gaar ah u xusay shaqaalaha Soomaaliyeed dowrka ay ka ciyaareen howlaha Qaramada Midoobay ee dalka.

Dhankiisa, Mudane Price ayaa shaqaalaha ku boorriyay in ay sawir fiican ka bixiyan hay’adda iyo sidoo kale in ay horumariyan mabaadii’da muhiimka ah ee hay’adda. 

“Dadka qaar, wejiga Qaramada Midoobay waxaa ay u maleyaan Xog-hayaha Guud ama Golaha Ammaanka ama wax kale oo aad u sarreeya. Balse dad badan oo ku nool daafaha caalamka, aniga iyo adiga ayaa ah wejiga Qaramada Midoobay, waxaanna rajeynayaa in aad ka faa’iideysataan. Ku farxa, soo dhaweeya oo ku faana maalintani,” ayuu yiri Madaxa UNSOS.   

Farrinta Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa waxaa uu ku sheegay in dunida ay haysato qalab iyo hanti ay uga gudubto “caqabadaha waaweyn.”

“Waxaan u baahannahay oo kaliya waa niyad. Dhibaatooyinka dunida kuma xirno xudduud. Waa in aan ka gudubna kala qaybsanaanteenna si aan u wanaajinno mustaqbalkeena,” ayuu yiri Mudane Guterres.