Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Qarammada Midoobay Keating oo ku biiray wafdi heer-sare ah oo dowladda ka socday oo booqasho ku tagay magaalo xebeedka Baraawe

15 Nov 2017

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Qarammada Midoobay Keating oo ku biiray wafdi heer-sare ah oo dowladda ka socday oo booqasho ku tagay magaalo xebeedka Baraawe

Barawe – Wakiilka Ergayga Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qarammada Midoobay ee Soomaaliya, Michael Keating ayaa ku biiray wafdi heer sare ah oo ka  Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya kuwaas oo booqasho ay ugu kuur galaayen xaaladda amni ku tagay magaalada Baraawe oo ah magaalo xebeed istaraatiiji ah oo ku taallo gobolka Shabeellada Hoose.

Wafdigan oo u hoggaaminaayay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khaire oo la kulmay oday dhaqameedyada iyo xubno ka tirsan dadweynaha ayaa waxaa ay ka wada hadleen suurtagalnimada in ammaanka magaalada Baraawe oo hadda gacanta ay ku haayan ciidamadda Midowga Afrika in lagu wareejiyo ciidamadda ammaanka Soomaaliya.

Sida ku xusan qorshaha dhimista, ciidamada Midowga Afrika ayaa ammaanka magaalooyinka waaweyn ku wareejin doonaa laamaha ammaanka Soomaaliya si ay hormuud uga noqdaan mas’uuliyadooda.

“Tan ayaa waxaa ay waafaqsantahay Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka, Istaratiijiyadda Difaaca Qaranka iyo sidoo kale qorshaha xil wareejinta ee ku saleysan shuruudo, oo ay muddo sanado ah gudahood, ay Soomaalidu qabanayaan hoggaanka,” ayuu ku sharraxay Wakiilka Gaarka ah.

Mudane Keating ayaa carrabka ku adkeeygay in inkasta oo joogitaanka AMISOM ee gudaha Soomaaliya ay weli muhiim tahay, ay haddana lagma maarmaan tahay in ciidamada ammaanka ee Soomaaliya  la xoojiyo si waddanka uu awood ugu yeesho in uu qaado mas’uuliyadda ammaankiisa.

“Waxaan ognahay in aad diyaar u tihiin la dagaallanka cadowga innaguna waxaan halkan u joognaa in aan midnimo idiin muujinno,” ayuu Ra’iisalwasaare Khayre dadka degan Baraawe u ballanqaaday.

Waxaa u ku boorriyay in ay dadaalladooda u jiheeyaan dhinaca xaqiijinta ammaanka magaalada.

Wafdiga ayaa waxaa uu ka koobnaa Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Safiirka Midowga Yuurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo, Wakiilka  Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira, Ku-Xigeenka Safiirka waddanka Uganda u fadhiya Soomaaliya Sarreeye Gaas Nathan Mugisha, mas’uuliyiin ka  Qaramada Midoobay, AMISOM iyo Dowladda Federaalka ah ee  Soomaaliya.