Shaqaale gargaar oo codsadanaya in la sii wado kaalmada bani’aadinimada ee ummada Soomaaliyeed

18 Aug 2017

Shaqaale gargaar oo codsadanaya in la sii wado kaalmada bani’aadinimada ee ummada Soomaaliyeed

Ridwaan Cabdi waxaa uu si weyn u xusuustaa noloshiisha isaga iyo waalidiintiisa ay Soomaaliya uga soo qaxeen dagaallada sokeeye ee ka socday Soomaaliya.

“Waxaan ahaa ku dhowaad afar jir, waxaana saf u gali jirnay si aan u qaadanno buskudka nafaqada,” Ridwaan ayaa weli xusuusta. “Waan garan kara dareenka qofka markii uusan haysan cunno, hooy iyo biyo.

Waxaan ka mid ahaa kumanaanka caruur kuwaas oo soo maray gaajada dhabta ah.”

Ridwaan waxaa uu leeyahay in waxyaabaha uu carruurnimadiisa ku soo maray ay ku dhaliyeen in uu doorto shaqada uu hadda qabto.

“Waxyaabaha aan la soo kulmay inta aan ku noolaa Muqdisho ee dagaalada sokeeye ayaa si aad u weyn igu xambaaray in aan noqdo shaqaale arrimaha bani’adinimada,” ayuu yiri.

Ridwaan waxa uu ku biiray hay’adda Somali Aid Foundation, oo ah hay’ad aan dowli ahayn taas oo caawisa qaxootiga ku nool Xerada Qaxootiga ee Dhaadhaab ee dalka Kenya iyo dib u dejinta qaxootiga Soomaaliya gudaheeda. Ridwaan waxaa kaloo uu la shaqeeyay hey'ado caalami ah sida Hey'adda Qaramada Midoobay ee sanduuqa dadweynaha (UNFPA) iyo INTERSOS. Natiijada ka soo baxday kaalinta uu ka ciyaaray dhinaca shaqada ban’aadanimo, Ridwaan waxaa dhowaan loo magacaabay Aggaasimaha Xarunta Qaranka ee Isku-duwidda Bani’aadanimo (NHCC) ee Wasaarada Federaalka ah ee Arrimaha Bani’aadanimo iyo Maareynta Aafada Masiibooyinka.

“Wixii igu dhacay waagii hore ayaa i dhiirrigaliyay, igana dhigay shaqsi adkeysi badan leh. Waxaan aaminsanahay in haddii hay’adaheenna la casriyeeyo, waxa ay isbedel ku sameyn karaan nolosha dad fara badan. Aniga qaybteyda waan ka qaadanaya, inta aan awoodo, si aan u dhisno hab lagu ilaaliyo dadkayga,” ayuu raaciyay

Asaasidda NHCC waxa ay dardar-galisay bixinta gargaarka bani’aadanimada ee Soomaaliya. Xarunta waxa ay la shaqeysaa Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo bahwadaagta kale ee caalamiga sida Ururka Iskaashiga Islaamka si loo diyaariyo barnaamijyo ku habboon yareynta dhibaatada haysata malaayiinta qof ee ay saameeysay abaaraha.

“Kororka dadaallada dhinaca bani’aadinimada waxaa ay ka hortagtay in ay xaaladda isku beddesho macluul, hase yeeshe xaaladda weli waa mid aan fiicneyn,” ayuu ku celceliyay Ridwaan, asaga oo ku boorriyay in kaalmada bani’aadannimo ay noqoto mid joogta ah.

Ugu dhawaan 800,000 oo qof ayaa ku barakacay abaarihii dab-dheeraaday ee ka dhacay Soomaaliya sanadkaan 2017. Ridwaan waxa uu aaminsanahay in loo baahan yahay qorshaha xaaladaha degdegga ah si loo wanaajiyo habka gurmadka ee waddanka xilliyada ay jiraan aafo lagana shaqeeyo dhisidda dib u soo kabsashada dadyowga aad ka u nugul.

“Weli waxaan xusuustaa qoys ku noolaa gobolka Nugaal, ee Waqooyi bari Soomaaliya, kuwaas oo abaaraha ku waayay dhamaan xoolahoodii geella ahaa,” Isaga ayaa yiri.

“Waxay awoodi kari lahaayeen in ay yareeyaan qasaaraha ayaga oo qaar ka mid ah geella iibin karay oo lacagtana ku maal-gelin karay ganacsi, hase yeeshee ma aysan lahayn aqoontan lagu maareeyo xoolaha.”

Ridwaan sidoo kale waxaa uu ku baaqaya in la furo waddooyinka muhiimka ah si loo fududeeyo in caawinaad lala gaaro meelaha fog fog ee wadanka, halkaas oo dadka ku nool baahi weyn u qabaan gargaarka bani’aadanimo.