Howlaha Shaqaale Gargaar: Badbaadinta Nolosha Dadka ee Jubbaland

19 Aug 2017

Howlaha Shaqaale Gargaar: Badbaadinta Nolosha Dadka ee Jubbaland

Dhul siman, oo kuleyl badan oo dhagax badan leh oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo, ayaa boqollaal qof ka dhigteen xero dadka barakacayaasha ah. Bashiir Maxamed Mukhtaar waxaa uu taagan yahay meel tuubbo ah, isaga oo dumar ku caawinaya qaadista jirgaanno biyo ah. Shanta sano ee ugu dambeysay, Bashiir waxaa uu soo arkay dhibaato bini’aadinimo oo aad u daran kuwaas oo saameyn xooggan ku yeesho dad badan oo ku nool maamul goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya. Bashiir waxaa uu si fudud ku dooran karayay shaqo kale, but waxaa uu go’aansaday in uu shaqaale arrimaha bani’aadinimada ka noqdo mid ka mid ah meelaha ugu dhibka badan waddanka.

“Sanado badan ayaa waxaa hammigeyga ahaa in aan caawiyo dadka masaakiinta ah iyo kuwa nugul, si ay nolol fiican u helaan. Waxaa aan ku dhex dhashay kuna soo dhex koray bulsho masaakiin ah, haddana sidani ayaan bulshada dib wax ugu qabanaya,” ayuu yiri.

Magaalada xeebeedka Kismaayo oo ah meesha uu Bashiir kala shaqeeyo hay’adda ee Socdaalka Adduunka ee Qaramada Midoobay IOM, ayaa waxaa joogaa dadka badan oo nugul – dadka deegaanka u dhashay, dad ay barakacisay abaaraha daba dheeraaday iyo colaadaha ka jiray qaybo badan oo dalka ka mid ah, iyo sidoo kale qaxootiga dalalka dariska ah dib uga soo laabanaya.

Howlaheenna waxaa ay sare u kaceen horraantii sanadkani, xilliga ay dadka aan u shaqeyneynay  baahi saa’id ah u qabeen cunno, hooy, biyo iyo faya-dhowr iyo adeegyo caafimaad,” ayuu yiri Bashiir. “Waxaa waajib nagu noqotay in aan si degdeg ah tallaabo u qaadno si aan  u badbaadinno dadka aana ka hortagno xaalad macluul ah.”

Dadaallada badan iyo wax qabadka wakhtiga saxda ku aaddanaa oo ay sameeyeen dadka ku howlan arrimaha bani’aadinimada sida Bashiir ayaa suurtagaliyay in dad ka badan 3 milyan oo Soomaali ah bil waliba loo geeyo gargaar iyo taageero nolosha lagu badbaadinayo. Tusaale ahaan, abaartii dhowaan ka dhacday dalka, waxaa ay saameysay lix milyan oo dad ah waxaa ayna barakicisay 800,000 oo qof oo ku hayaamay magaalooyinka waaweyn sida Kismaayo, Baydhabo iyo caasimadda Muqdisho. 

“Waxaan indhahayga saaray dhibaato bani’aadinimo oo ahaa heerka ugu sarreeya: carruur nafaqo darro la il daran, hooyooyin ay dhulka dhigtay abaarta, aabayaal aad u liita oo aan awoodin in ay qoysaskooda quudiyaan,” ayuu yiri shaqaalahan gargaarka ah

Inkastoo baahidu weli ay taagan tahay, Bashiir waxaa uu ku faraxsan yahay in jawaabta degdegga ah ay yareysay xaalad bani’aadinimo oo aad u culus, ayna dhab ahaantii badbaadisay boqollaal qof oo nugul oo ku nool gudaha iyo dibadda xerooyinka barakacayaasha.

Iyada oo ay jirto dadaal iyo dhiirranaan ah in gargaar la gaarsiiyo tiro badan oo dadka nugul ka mid ah, haddana waxaa jiraa caqabada badan oo ka dhigaya shaqada arrimaha bani’aadinimada shaqo aad u culus, halis ah, iyo niyad jab. Tirada dadka baahan ayaa inta badan ka badan gargaarka lo hayo.

“Caqabadda ugu weyn ee waa in aan la haynin dhaqaale ku filan in lagu daboolo baahida dadka nugul. Waxaa aan halgan u galnaa sidi loo gaari lahaa dad badan, dhibaatooyinka bani’aadinimadana waayahan dambe aad ayay ku soo badanayaan qaaradda,” ayuu xusay Bashiir. 

Bashiir waxaa uu leeyahay hay’adda IOM ay sii wadi doonto mashaariicda si wax looga qabto dadka aadka u il-daran oo soo qaxay iyo dadka ay u soo magan doonteen. Kismaayo gudaheedaa, hay’addaan waxa ay ka shaqeysaa afar xarun oo caafimaad kuwaas oo ku kala yaalla xaafadaha Dalxiiska, Calanley, Guulwade iyo Fanoole, halkaas oo dadka ugu badan oo aadka u liita ay dagan yihiin. IOM sidoo kale waxa ay hirgelisay mashaariic diirada lagu saarayo biyaha, nadaafadda iyo faya-dhowrka (WASH), raadinta dadka kala lumay, hooyga, iyo gargaarka aan raashinka ahayn, amniga raashiinka iyo ilaalinta, maareeynta xudduudka, iyo tabarka dhisidda hay’adaha.