Shaqaale ku howlan arrimaha bani’aaddinimada oo gargaar gaarsiinaya Soomaalida baahan

18 Aug 2017

Shaqaale ku howlan arrimaha bani’aaddinimada oo gargaar gaarsiinaya Soomaalida baahan

Cabdiqaadir Macallin Maxamed waxaa uu inta badan noloshiisa ku bixiyay wanaajinta nolosha dadka kale. “Ugu dambeyn, waxaa muhiim ah waxaa aad bani’aadamka kale u qabatay,” ayuu rugcaddaagan ee dhinaca howlaha bani’aadanimada yiri.

Dadaalkiisa dartii, Cabdiqaadir waxaa uu 25-ta sano ee la soo dhaafay la kulmay dhibaato badan oo nafiisa halis geliyay. Waxaa uu u dhabar adeegay wax jirkiisa halis ku ah, cimillo daran, daal fara badan oo kala kulmay safarrada dhaadheer oo uu dadka baahan oo ku dhaqan deegaannada fogfog ee dalka ka mid ah uu ku gaarsiinayo gargaar bani’aadinimo.

“Shaqada arrimaha bani’aadinimada waa howl dhib badan oo halis ah. Marna ma hubtid in aad maalinta xiga aad nolol ku gaareysid waayo marar badan waxaad u safreysaa meelo khatar ah si aad dad baahan u geysid gargaar,” ayuu yiri.

Meelaha qaar waxaa ay gacanta ugu jireen kooxda Al-Shabaab, hase yeeshee joogistooda ma aysan baabi’in go’aankiisa ee ah in uu cunno gaarsiiyo qoysaska dhibaateeysan.

“Maalin waxaa I qabtay oo su’aallo i weyddiiyay Al-Shabaab. Nasiib ayaan lahaa waayo waxaa ii badbaadiyay mid ka mid ah dagaalyahaannada oo ku dhiirrigeliyay saaxiibadiisa in ay iska key fasaxaan,” ayuu yiri Cabdiqaadir. “Nolosheyda maalintaas sida aan cabsaday oo kale horey uma cabsoon.”

“Dhacdo kale oo aan weligay hilmaami doonin waxaa ay dhacday sanadka 2013, waxaa ayna ka dhacday gobolka Shabeellaha Dhexe,” ayuu ku daray. “Waxaan goynay webi yaxaas badan, anaga oo isticmaaleyno doon yar. Waxaana da’ayay roob. Laakin waxaan ku guuleysannay in aan cunnada gargaarka ah aan gaarsiinno dadka ay saameysay fatahaadda.”

Cabdiqaadir ayaa sheegay in go’aankiisa ee ah in uu ka shaqeeyo arrimaha bani’aadinimada ay ku dhalisay dhibaatada iyo rafaadka dadka asiibtay markii ay dhacday dowladdii Siyaad Barre ee sanadka 1991, taasi oo dhalisay dagaallo sokeeye.

Cabdiqaadir iyo dhowr saaxiibbadiisa ka mdi ah ayaa waxaa ay isla aasaaseen hay’ad aan dowli ahayn ee lagu magacaabo Iftiin. Hay’adda waxaa ay diiradda saartay dadaallada cunno gargaar ah loogu fidinayo kumanaan qof ee dalka gudihiisa ku barakacay, kuwaas oo xaaladaha cimillada ee daran iyo cunno yari ay ka qixiyeen guryahooda.

“Rajo la’aanta dadkeenna ku dhacday ayaa nagu kalliftay in aan aasaasno Iftiin,” ayuu yiri. “Sanadka 2012, meesha aan diiradda saareynay waxaa ay ahayd in aan gacan ka geysanno kiisaska dadka nugul ee maalin waliba la arko. Xilligaas waxaa jirtay amni darro, wayna adkeed in adeegyada bani’aadinimada in dadka la gaarsiiyo.”

Waayo aragnimada dhinaca arrimaha bani’aadinimada uu Cabdiqaadir uruursaday sanadaha uu ka shaqeynayay iyo dhabar adeyga xubnaha kooxdiisa ka mid ayaa keenay in si weyn u ballaarato hay’adda. Maanta, hay’adda Iftiin waxaa ay xafiisyo ku leedahay Muqdisho, Baydhabo, Gaalkacyo iyo Garowe.

“Waxaan ka jawaabna xaaladaha degdegga ah ee bani’aadinimada, balse waxaan sidoo kale diiradda saarno howlaha horumarinta, dib u kabsashada iyo dhaqan gelinta,” ayuu yiri Cabdiqaadir.

Iftiin waxaa ay la kaashatay Dowladda iyo hay’adaha kale ee maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah dhinaca isku duwidda howlaha bani’aadinimada xilliga ay u darneyd abaarta ba’an ee dalka asiibtay. In kastoo ay dadaalladaasi badbaadiyeen malaayin qof, Cabdiqaadir waxaa uu sheegay in weli loo baahan yahay dadaallo dheeraad ah si loo caawiyo qoysaska baahan.

Xaaladda hadda waa ay fiicnaantay, balse dad ayaa weli ku dhimanaya meelaha sida gobolka Baay iyo Bakool. Dadka ku dhaqan qeybo ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ma haystaan biyo, inkastoo ay roobabka bilaabeen.

Warbixin ay soo saartay Xafiiska Isku-duwidda Arrimaha Bani’aaddinimada ee Qaramada Midoobay waxaa ay shaacisay baahiyada daran ee dhinaca bani’aaddimada ee ka jirta meelo badan ee Soomaaliya ka mid ah kuwaas oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto si loo yareeyo dhibaatada haysato in ka badan lix milyan oo qof, oo ay ka mid yihiin carruur.