Dhallinyarada Soomaaliyeed oo ka wada hadlay kaalinta ay ka ciyaari karaan xeer dhaqaameedyada ee lagu xalliyo khilaafaadka

15 Aug 2017

Dhallinyarada Soomaaliyeed oo ka wada hadlay kaalinta ay ka ciyaari karaan xeer dhaqaameedyada ee lagu xalliyo khilaafaadka

Baidoa - Ka qayb galinta dhallinyarada arrimaha ka hortagga colaadaha, caddaaladda bulshada iyo nabad waarta oo laga helo Soomaaliya ayaa sii weyn looga soo qaaday kulan ay isug yimaadeen dhallinyarada ku beegneyd xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka ee lagu qabtay Baydhabo, oo ah caasimadda maamulka Koonfur Galbed.

Kulankan oo ay qabanqaabisay Kooxda Ku Dhaqanka Sharciga iyo Hay’adaha Ammaanka ee UNSOM, waxaa ka qayb galay dhallinyaro, ururrada bulshada rayidka, Qaramada Midoobay iyo dad khibrad qoto dheer u leh xeerka garsoorka Soomaaliya.

Kulankan waxaa uu ka qaybgalayaasha siiyay madal ay isku weydaarsadaan afkaartooda ku aaddan nidaamka iyo sida ay dhallinyarada u noqon karaan wakiillada isbeddelka ee bulshadooda. Kulan kan la mid ah ayaa sidoo kale lagu qabtay magaalada Kismaayo, caasimadda maamulka

“Dhallinyarada wax badan ayay ka faa’iideen kulankan oo diiradda lagu saarayay xeerka dhaqanka iyo nidaamka rasmiga ah ee garsoorka. Waxaan ka barannay faa’iidada ay garsoorka rasmiga ah iyo xeerka dhaqanka ay u leeyihiin dhallinyarada,” ayuu yiri Maxamed Cali Xasan oo ka socday Somali Women Development Center oo ah hay’aad aan dowli ahayn oo ka shaqeeya arrimaha sharciga.

Qaar ka mid ah dadka ka hadlay kulanka ayaa xusay cududda dhallinyarada ay u leeyihiin in ay xalliyaan khilaafaadka, kaas oo aan si fiican looga faa’ideysanin dhinaca xeerka dhaqanka, oo ah xeerka ugu caansan ee lagu xalliyo khilaafaadyada dalka ka dhaca.

“Bulshada Soomaaliya waxaa u badan dhallinyarada, waxaa ayna leeyihiin awood ballaaran ay isbeddel ka sameeyaan nidaamka garsoorka,” ayay tiri Amanda Felipe, oo ah La Taliyaha Arrimaha Garsoorka ee Qaybta Wadajirka ah ee Garsoorka iyo Asluubta, ee UNSOM.

Xeerka dhaqameedka ayaa kaalin mug leh ka ciyaara xallinta khilaafaadyada iyo sugidda nabadda ee bulshada Soomaaliyeed dhexdooda, maadaama si sahlan loo heli karo bulshada Soomaaliyeedna ay aqoonsan tahay. Hase yeeshe, dhallinyaro badan ayaa u arkaa in xeer dhaqameedka uusan ilaalinin xuquuqdooda, sidoo kalena uusan xaqiijinin sinnaan.

Nidaamka garsoorka rasmiga ahna dhallinyarada Soomaaliyeed uma arkaan mid wax beddeli karo waayo waxaa loo arkaa in uu yahay mid aad u tabar daran, daafaha Soomaaliya.

“Dhallinyarada aan casumany waxaa ay nala wadaageen fikradahooda ku aaddan sida ay u sameyn karaan isbeddel dhinaca wanaagsan ee dhanka gaarsoorka aan rasmiga ahayn, iyo waxa ay sameyn karaan si ay uga dhabeeyaan waxa ay sheegeen,” ayay tiri Marwo Felipe gabagabada kulanka.

Kulankan waxaa loogu guuleystay in dhallinyarada lagu dhiirregliyo in ay qayb weyn ka ciyaaraan dhinaca arrimaha sharciga, ay sheegaan waxyaabaha la xiriira takoorka, ayna u ol’ololeeyaan in labada xeer ay u dhaqmaan si caddaalad ah.