Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

2 Oct 2019

Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Muqdisho - Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saxiibadeeda caalamka ayaa isugu yimi caasimadda dalka oo uu ka furmay Shirka Wada-tashiga Soomaaliya ee 2019 (SPF) – kaa oo fursad ay ku qiimeeyaan u ah dhammaan dadka sida gaarka ah ula socda horumarka dalka uu sameeyay iyo sidoo kale in ay ka heshiiyaan hortabinada hawlaha la qaban doono mustaqbalka.

Guulaha wax ku oolka ah ee la gaaray waxaa suurtagaliyey ka go’naansha saamileyda siyaasadda Soomaaliya iyo deeqsinimada iyo taageerada farsamo ee saaxiibadeen,” waxaa sidaas kelmeddiisii furitaanka shirka ku yiri Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed.

“Marka laga yimaaddo rejada I noo muuqata,”  ayuu ku daray, “hummaag noogama jiro in aan la dhayalsan caqabadaha dalka horyaal sidii uu si buuxda ugu soo kaban lahaa, taas oo uga baahan saamileyda siyaasadda ee maxaliga ah iyo kuwo caalamka ka dhiiranaan siyaasadeed iyo ballanqaad dhaqaale.”

Shirka waxaa Ra’isul Wasaare Ku Xigeenka la daadihinaye Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, iyo Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira.

Doodihii u dhexeeyey  mas'uuliyiinta Soomaaliya, safiirada, iyo wakiilada kale ayaa diiradda lagu saaray dib u habeynta  dhaqaalaha, amniga iyo garsoorka, siyaasada loo dhan yahay, horumarka bulshada iyo mabaadii'da iskaashi.

Kelmeddiisa furitaanka, Mr. Swan wuxuu xusay marka laga yimaaddo guulaha la gaaray ilaa iyo hadda, in ay jirtay baahi loo qabo in sameeyo yoolal cad iyo waqtigii yoolkaas looga mira dhalin lahaa iyada oo laga duulayo hortabinada loo dajiyey sanadka 2020-ka.

“Madashan Iskaashiga Soomaaliya waxa ay fursad u tahay qorsheynta  jadwallladda hawlaha la qabanayo 12-ka ilaa iyo 15-ka bilood ee soo socda iyada oo si cad loo qeexayo ujeeddooyinka mudnaanta leh iyo waqtiga loo qabtay. Anaga oo qirsan, dhabtiina u dabaal dageyna horumarada ilaa iyo maanta, Waxaa qasab ah in aan daacad ka ahaanno oo aan runta ka sheegno caqabadaha harsan,”  ayuu yiri Ergeyga Qaramada Midoobe. “Anaga oo wadajirna, waxaa qasab ah in aan laba laabno dadaalada looga hortagayo caqabadaha si loo xaqiijiyo in sanadka 2020 noqdo kii laga mira dhalin lahaa inta badan hortabinada ugu muhiimsan.

U-kuur-galidda Qaab Dhismeedka isla-xisaabtanka

Mr. Swan wuxuu xusay in ujeedku  ahaa in diiradda la saaro waxa loogu yeero Qaab dhismeedka isla Xisaabtanka (MAF) ee 2019-2020, si looga yeesho doodo iyo in la isku weydaarsado aragtiyo bidhaamninaya sidii  loo dhaqan galan lahaa qodobada uu ka kooban yahay.

“Maanta, waxaan soo jeedinayaa in aan ka faa’ideysanno fursada shirkan oo ay ka soo qeyb galeen saaxiibada Soomaaliya, si hoosta looga xarriiqo tallaabooyinka loo baahan yahay si loo fuliyo  ballanqaadyadii mudnaanta lahaa ee lagu kala-saxiixday Nidaamka isla xisaabtanka” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay.

Nidaamka isla xisaabtanka waxa uu  faahfaahiyaa  ballan-qaadyada wadajirka ah ee Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamka ay ka wada gaareen dhinacyada dib-u-habeeynta siyaasadda, amniga, horumarka dhaqaalaha, iyo soo kabashada iyo gargaarka bani'aadamnnimada, xilli uu dalku  dib-u-dhismayo kadbib tobannaan sano oo colaado iyo dhibaatooyin cimilada la-xiriira ay haleeleen.

Mr. Swan waxa uu xusay xilli ay diiraddu saarneyd hortabinada gaarka ah ee sanadka soo socda, qodobadan soo socda ayaa si gaarka doodda xoogga looga saaray: U diyaar garowga doorashooyinka qaranka iyo dib u eegiska dastuurka, in lagu soo gaba gabeeyo waqtiga lagu heshiiyey, qorshayaal hor leh oo meesha looga saarayo Al Shabaab iyo dhisidda hay’adaha ammaanka iyo garsoorka ee Soomaaliya iyada oo la edeegsanayo mabaa’diida loo yaqaan tubaha dhammeyska tiran ee ammaanka; fulinta qorshaha labaad ee laga doonayo dalalka saboolka ah ee deynta aadka u badan lagu leeyahay (HIPC) barnaamijka deyn cafinta ee bilowga 2020-ka, iyo in si wadajir ah looga jawaabo baahiyaha ay bulshada Soomaaliyeed qabaan si loo dhiso adkeysigooda iyo horumar waara oo ay bulshada Soomaaliyeed gaaraan iyada oo la dhawrayo mabaa’diida saaxiibtinimo.

Goor dambe, intii lagu guda jiray doodaha la xiriiray siyaasadda loo dhan yahay, Md. Swan - oo sidoo kale ah Madaxa Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) - wuxuu iftiimiyay in dhammaan dhinacyada bulshada Soomaaliyeed loo baahnaa in lagu daro geeddi-socodka go’aanada siyaasada lagu qaadanayo, gaar ahaan haweenka iyo dhallinyarada, isaga oo xusay. in “siyaasadda Soomaaliya aysan noqon karin mid loo dhan yahay  iyada oo aan laga qayb gelin qaybaha bulshada ugu muhiimsan”

Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee sanadkan  waa kii afraad, waana markii labaad ee ay Soomaaliya martigeliso, iyadoo markii ugu horreysay la qabtay Diseembar 2017. Sannadkii hore, shirku wuxuu ku qabsoomay caasimadda Beljimka ee Brussels.

Isaga oo ku hadlaya magaca Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Amb. Madeira ayaa kelmeddiisa furitaanka ku xusay in uu ku faraxsan yahay in shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya lagu qabtay dalkan ku yaal Geeska Afrika. “Tani waxa ay sheegeysaa farriin ah in Soomaaliya ay meel fog ka timi si ay ku dhisto  jawi nabad ah iyo awood ay uga soo dhalaasho doorkeeda iyada oo ah xubin buuxda oo ka tirsan beesha caalamka taas oo ay ku jirto in ay awood u yeelato martigalinta shirar caalami ah s si dhammeystiran  ugu fuliso kaalinta uga  aadan ka mid ahaanshaha bulshada caalamka, oo ay ka mid tahay awoodda ay dalkeeda  ugu  marti-galin karto shirarka caalami ah sidan kan, ayuu yiri.

Kulanku wuu sii soconayaa, waxaana la soo-gabagabeynayaa Arbacada, kaas oo lagu dhageysan doono mas'uuliyiin matalaya dowladahooda iyo kuwa dowladda dhexe iyo sidoo kale kuwa maamul goboleedyada, intaas kadib waxaa la filayaa in war-murtiyeed laga soo saaro habka mustaqbalka loo wajihi lahaa.