Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa soo gabagaboobay xilli dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamka ah ay ku heshiiyeen waxqabadyada mudnaanta leh

3 Oct 2019

Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa soo gabagaboobay xilli dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamka ah ay ku heshiiyeen waxqabadyada mudnaanta leh

Muqdisho - Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa maanta lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho iyada oo ay ka soo qeyb galayaashu ay qiimeyn ku sameeyeen horumarka dalka uu ku gaaray xilli sidoo kale la xusay caqabadaha jira iyaga oo isku raacay tallaabooyinka hortabinta ee loo baahan yahay in la qaado si dalka hore ugu sii socdo.

“Soomaaliya waxa ay qaadeysaa tallaabooyin waa weyn. Waxaan diyaar u nahay in anaga iyo Dowlad Gobolleedyada, laba Aqal ee Baarlamaanka iyo horseedka siyaasadda oo wada socda aan waqtigan kooban ee aan haysanno hore ugu soconno. Waxaan isku dayyi doonnaa in aan mustaqbalka qaabeynno si loo xaqiijiyo guulaha la gaaray in aysan dib u dhac u noqon,” waxaa sidaas yiri Rai’sul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo hoggaaminayey dooddii maanta.

Hase yeeshee, waqtiyada soo socda,” ayuu yiri isaga oo hadalkiisa sii wata, “Waxaan ka shaqeyn doonnaa hortabinada kooban oo ay ku jiraan qabashada doorasho furan oo xalaal ah iyo xaqiijinta in muddada kala guurka oo nabad ah iyo dhammeystirka  geedi socodka dib u eegista dastuurka iyo xoojinta Federalka, dhammaan arrimahan waxaannu ku qaban doonnaa anaga oo aysan isha yadu ka weecaneyn guulaha la gaaray iyo maalgalinta saaxiibadeenna caalamka,” sidaas waxaa yiri Mr. Khaire.

Kulankan socday labada maalmood waxa uu isu keenay mas’uuliyiinta Dowladda Federalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federalka ah iyo wakiillo ka socday in ka badan 36 ururro caalami ah.

Sida ay uga wada go’an tahay mustaqbalka waxa ay ku soo saareen War-murtiyeed gabagadii shirkii socday labada maalin.

“Saaxiibada caalamka waxa ay aqoonsadeen guulaha Soomaaliya gaartay iyaga oo ku bogaadiyey dowladda Federalka ah ee Soomaaliya  hoggaaminteeda marka la eego horumarada muhiimka ah ee laga gaaray fulinta isbello ay ku jiraan hagaaginta nidaamka maamulka dhaqaalaha iyo soo uruurinta dakhliga , wadatashiyada qorshaha horumarinta Qaranka , is bedelada ammaanka, hawgalada guulestay ee dib loogu qabsaday goobo gacanta dowladda ka maqnaa iyo xasillinta dhulka ay hore Al Shabaab u haysteen,  korarka adeegyada bulsho ee kordhay iyo horumarada laga sameeyey dib u heshiisiin loo sameeyey qaar ka mid ah dadka deegaanka,” ayaa lagu xusay War-Murtiyeedka.

Iyada oo ay taasi jirto, hadana waxaa haray tiro caqabado ah oo ay ka mid yihin abuuridda fursado shaqo iyo kobac dhaqaale, in la sii wado dagaalka Al Shabaab, laga jawaabo masiibooyinka Bili’aadannimo iyo dhisiida awood looga hortago, la dhisso waxyaabaha aas aaska u ah siyaasadda loo dhan yahay oo la xoojiyo qadarinta xuquuqaha, ka qeybgalka iyo matalaadda Haweenka iyo dadka laga tirada badan yaay,” ayaa lagu daray.

MAF agreement

Iyada oo la tixgalinayo Qaab-dhismeedka Isla-xisaabtanka Maaliyadeed (MAF) ee 2019-2020, mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamka waxa ay ku heshiiyeen in ay la soo yareeyo meelaha ay sida wadajirka ay mudnaanta leh iyo dhaqaalaha ku baxaya si guul looga gaaro hortabinada furaha ah kahor bisha Diseembar ee sanadka dambe.

Qaabdhismeedka Isla-xisaabtanka (MAF) waxa ay faahfaahin ka bixineysaa ballan-qaadyada wadajirka ah ee Soomaaliya iyo saaxiibadeeda ku galeen dhinacyada dib-u-habeeynta siyaasadeed, dib-u-habeynta amniga, horumarka dhaqaalaha iyo soo kabashada, iyo gargaarka bina-aadamnimada, iyada oo uu  waddanku dib-u-dhismayo kadib tobanaan sano oo colaado iyo dhibaatooyin la xiriira cimilada haleeleen.

Saaxiibada caalamka waxa ay maanta xuseen marka laga yimaado horumarada laga sameeyey dhawr meelood oo mudnaanta lahaa, wada shaqeynta Dowladda Federalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo xooggan in ay sii dardargalin lahayd. Madaxda Soomaaliya waxa ay isku afgarteen in wada shaqeynta noocan ah ay laf dhabar u tahay horumarro hor leh oo laga sameeyo siyaasadda, ammaanka iyo is bedeladda dhaqaalaha – taas waxa ay uga baahan doontaa dhammaan Federalka iyo madaxda Dowladda Gobolleedyada shaqsiyad ka go’naansho oo xooggan.

Doorashooyinka hal qof iyo hal codka

Arrinta la xiriirta doorashada dowladda Federalka ee Qof iyo Cod ka ah ee la qorsheeyey dhammaadka 2020 iyo bilowga 2021, War-murtiyeedka waxaa lagu xusay sida hay’adaha dalka sida fulinta iyo sharci dajinta ay uga go’an tahay in ay sameeyaan sharci doorasho dhammaadka bisha Diseembar ee sanadkan.

Bilowga maalinta la soo saaray War-murtiyeedka, dooddii laga galay siyaasadda loo dhan yahay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxa uu sheegay muhiimada ay leedahay in laga gun gaaro waqtiyada la jaan gooyey “Meelmarinta sharciga doorashada waxa ay muhiim u tahay tallaabada xigta ee la qaadi doono waxaanna ku faraxsanahay dadaalada ka go’naansho ee lagu dhammeystiro  dhammaadka 2019, haddii waqtigaas kama dambeysta ah lagu guul darreysto waxaa halis gali doona soo uruurinta deeqaha muhiimka ah iyo halis ku timaada in doorashada ay dib waqtigeeda uga dhacdo,” ayuu yiri Md. Swan.

Ergayga Qaramada Midoobay waxa uu intaa ku daray “Haddii siyaasadda loo dhan yahay lagu maareeyo hoggaaminta muhiimka ah ee la loo baahan yahay iyo dhisidda wadar ogolka waxa ay dardargalinta doontaa in horumar laga wada sameeyo qaab-dhismeedka isla-xisaabtan ee wadajirka loo ballan qaaday.”

War-murtiyeedka waxaa sidoo kale lagu xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay dhammaystirka Dib-u-eegista Dastuurkeeda illaa Juun 2020, iyo sidoo kale qaadashada dastuur wax laga beddelay ee heer Federal, sameynta Maxkamad Dastuuri ah iyo Guddiga Adeegga Garsoorka, sii wadidda hannaanka dib-u-heshiisiinta Qaranka, iyo in la hubiyo ka-qaybgalka dhammaan qeybaha bulshada, oo ay ku jiraan haweenka go'aan qaadashada siyaasadeed.

Saaxiibada Soomaaliya waxa ay oggolaadeen in ay dhiirrigeliyaan wadahadal iyo ka-qaybgal siyaasadeed iyo in la abaabulo ilo lagu kabo maal-galinta dawladda, iyada oo la raacayo ansixinta sharciga lagu taageerayo hawlahan, iyo in laga caawiyo Soomaaliya sidii ay ula jaan-qaadi lahayd jadwal-diyaarinta.

Dib u habeynta laamaha ammaanka amniga

Dhinaca dib-u-habeynta amniga, war-murtiyeedka ayaa lagu muujiyey sida ay Soomaaliya uga go'antahay in ay guul  ku soo gabagabeyso hawlgallada amniga ee hadda socda, iyo In ay fuliso hawlgallo dheeraad ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyo in la dhammaystiro dibuhabaynta amniga iyo sidoo kale caddaaladda iyo hay'adaha xuquuqul insaanka.

“Sanadka 2020, waxyaabaha diirada la saarayo ayaa si wada jir ah loo cadeyn doonaa loona qorsheyn doonaa, si loo hubiyo in dhammaan saamileyda ay hal meel la’isugu geeyo dadaalkooda iyo kheyraadka ee meelaha lagu heshiiyay” ayaa lagu xusay

Meelaha kale ee laga  wada shaqeynayo,  saaxiibada caalamka  waxaa ka go'an in ay taageeraan jiilka ciidamada amniga u hoggaansan xuquuqul insaanka, xasillinta aagagga dhowaan la xureeyay oo ay ka mid yihiin helitaanka caddaaladda, iyo geedi socodka dib u habaynta muhiimka ah, oo ay ku jiraan agabyada aadanaha iyo dib u habeynta mushaaharka ee ciidamada amniga Soomaaliya.

Talaabooyinka deyn cafinta

Madaxda Soomaaliya ayaa dhowr jeer deyn-bixiyayaasha caalamiga ah ugu baaqay in ay Soomaaliya ka cadiyaan deynta lagu leeyahay iyada oo la raacayo barnaamijka 'Heavily  Indebted Poor Country' (HIPC), Hay'adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka kaas oo la asaasay 1996 si loo hubiyo in waddan dhaqaalihiisu liiti uusan wajahin culeys deyn ah, taa oo ka badan awoodiisa.

Arinta ku saabsan talaabooyinka xiga ee buuxinaya shuruudaha barnaamijka 'HIPC Initiative' bilowgii 2020, war-murtiyeedku wuxuu cadeeyay sida ay uga go'antahay Soomaaliya inay ka soo baxdo waxyaabaha looga baahanyahay, gundhigna u ah astaamaha kulankeedii afaraad ee Hay'adda Lacagta Adduunka ee (IMF).

Sida ay sheegtay IMF, Soomaaliya waxa ay deyn bixiyeyaasha ku leeyihiin qiyaas dhan $5.2 oo deen ah. SMP waxaa loogu talagalay in lagu kobciyo dadaallada dib-u-dhiska dhaqaalaha iyo in ay u suurta galiso waddamada in ay yeeshaan diiwaangelin rasmi ah oo ku saabsan siyaasadda iyo hirgelinta dib u habaynteeda. Soomaaliya waxay dhammaystirtay SMP-gii ugu horreeyay 2016-2017.

Maanta, saaxiibada Soomaaliya  sidoo kale waxaa ka go'an inay si firfircoon u taageeraan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya si ay uga soo dhalaalaan qaab dhismeedka horumar la taaban karo ilaa iyo inta laga qaadayo tillaabooyinka lagama maarmaanka u ah u diyaar garowga Go'aanka HIPC ee horraanta sannadka dambe.

Iskaashiga

Sida ay Soomaaliya iyo bulshada caalamku u wada shaqeeyaan, warmurtiyeedka ayaa lagu muujiyey sida ay Soomaaliya horumar ugu sameysay sannadihii ugu dambeeyay iyada oo ay uga mahadcelineyso  wada shaqeynta ka dhexeysa labada dhinac.

Waxyaabsha la isku raacay waxaa ka mid ah, si ay u hubiyaan in dadaalkooda la isku waafajiyo iyo in ay qaataan oo ay hirgeliyaan hannaan sharciyeed oo qaran oo lagu maamulo ururada aan dawliga ahayn iyo kuwa caalamiga ah.

“Madashu waxay mar kale xaqiijisay sida ay uga go'antahay dhammaan dhinacyada iskaashigaas iyo mabda'a isla xisaabtanka wadajirka ah si sare loogu qaado dadaalkooda mideysan ah ee lagu dhisayo mustaqbal Soomaaliya”

Qeybaha kale

Waxaa dheeraa ballanqaadyada dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, horumarka iyo amniga, war-murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay mudnaansiinta iyo  awood siinta dhalinyarada iyo shaqaaleynta dhalinyarada, si loo dhiso wadashaqeyn iyada oo loo marayo bulshada, in xal waara loo helo qaxootiga iyo dadka gudaha ku barokacay iyo daryeelida mabaadi'da aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, iyo kordhinta gaarsiinta adeegyada bulshada. Saaxiibada Soomaaliya ayaa oggolaaday inay taageeraan hortabinadan.