Soomaaliya: Amni-darrada oo ka sii dareysa, dadka rayidka ah oo dhibtu ku dhacayso

19 Oct 2023

Soomaaliya: Amni-darrada oo ka sii dareysa, dadka rayidka ah oo dhibtu ku dhacayso

New York – Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing, oo warbixin kooban siineysa Safiirrada fadhiya Magaalada New York, ayaa tilmaantay in dalka uu xaalad xasaasi ah ku sugan yahay.

“Sanadkii la soo dhaafey, waxaa aragney kororkii ugu badnaa ee dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray rayidka tan iyo 2017kii. Waxaa wax laga xumaado ah in xog hordhac ah ay tilmaameyso in sanadkan 2023ka uu sidaas oo kale ku socdo, iyada oo ilaa hadda la xaqiijiyey 1,289 qof oo dhaawac ama dhimasho ah,” ayay tiri.

Ololaha militeri ee ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday bartamaha Soomaaliya ayaa dib-u-dhacyo ku yimideen, in kastoo ciidamada qaranka oo kaashanaya maleeshiyo-beeleedyo ay markii hore u suuragashay in ay dib u qabsadaan dhul ballaaran.

“Al-shabaab oo ka falcelineysa jabkii soo gaarey, ayaa waxaa ay kordhisey adeegsiga madaafiic cabbirkoodu yahay 107mm, gaar ahaan Muqdisho dhexdeeda. Waxaa ay sdioo kale weerarro ku qaaddey siyaasiin sare oo Soomaaliyeed,” ayay hadalkeeda sii raacisay Ms Laing.

Haweenka, Nabadda iyo Amniga

Ergayga Gaarka ah, oo sidoo kale ah madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) waxay bayaamisay wada-shaqeynta ay la leeyihiin Dowladda ee loo marayo barnaamij wadajir ah oo ku saabsan ka-qaybgalka haweenka ee nabad-dhisidda.  

Kuwani waxaa ka mid ah xoojinta doorka haweenka ee nabad-dhaliyeyaal ahaan, karti-dhisid lagu sii kordhinayo tirada haweenka xildhibaannada ah iyo sii wanaajinta sharciyada ka dhanka ah tacaddiga galmada.

“Waxaan dhowaan la kulmay hoggaamiyeyaal haween Soomaaliyeed oo dhiirran ah waxaana aan ka dhegeystey hawsha hormuudnimada ah ee ay ku hubinayaan in haweenka Soomaaliyeed ay door mug leh ay ka qaataan arrimaha muhiimka ah, laga bilaabo siyaasadda ilaa is-beddelka cimilada,” ayay tiri Ms Laing.

Dhibaato bani'aadamnimo

Xaaladda bani'aadamnimo ee dalka ka taagan ayaa weli aad looga walaacsan yahay, iyadoo ku dhowaan afar milyan oo qof ay soo food saartey baahi halka ku dhowaad 1.2 milyan oo qofna ay barakaceen, ayay tiri ergayga QM.

Xaaladdu way ka sii dari kartaa iyadoo sabab ay u yihiin roobabka Deyrta ee wanaagsan iyo saameynta ay cimiladu ku yeelatay El Niño, kuwaas oo ka dhalan karaan fatahaado boqolaal kun oo qof oo kale u keeni kara sugnaan la'aan/haqab-beel cunto.

Waa muhiim in wax laga qabto sababaha aasaasiga ah ee keenay dhibaatada iyo in la dhexgaliyo la-qabsiga cimilada, ayay ku boorrisay, waxayna ku baaqday in la helo kheyraadyada loogu baahan yahay Qorshaha Wax-ka-qabashada Arrimaha Bani'aadamnimada 2023, kuwaas oo maalgelinta ku yar tahay.

Deynta qaranka

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa sidoo kale xustay horumarka laga gaarey dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto dhammeystirka shuruudaha Hindisaha Dalalka Saboolka ah ee Aadka u Qaameysan (HIPC) marka la gaaro bisha Disembar, iyadoo xustay meelmarinta Hindise-sharciyeedka Hantidhowrka qaranka ee arrintaasi khuseeyay.

Hindisaha HIPC waa hindise ay wadaan Bankiga Adduunka iyo Hay'adda Lacagta ee Adduunka (IMF) si dalalka saboolka ah looga caawiyo maareynta culeyska deynta lagu leeyahay iyo hubinta kheyraadyo ku filan adeegyada iyo horumarinta muhiimka ah.

Isha xogta: Wararka QM