Hadalkii ay Ergeyga Gaarka ah ee Xog-Hayaha Guud Catriona Laing u Jeedisey Golaha Amaanka ee ku Saabsanaa Xaaladda Soomaaliya

19 Oct 2023

Hadalkii ay Ergeyga Gaarka ah ee Xog-Hayaha Guud Catriona Laing u Jeedisey Golaha Amaanka ee ku Saabsanaa Xaaladda Soomaaliya

(Sidii looga jeediyey, New York, 19kii Oktoobar 2023) 

Mudane Madaxweyne, Xubnaha Sharafta leh ee Golaha Amaanka, 

Waxaa farxad ii ah in aan hortiina ka soo jeedinayo waxyaabihii ku soo kordhey Soomaaliya tan iyo bishii aan warbixintaydii koobneyd ee tan ka horreysey idin siiyey bishii Juunyo. Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan warbixintan ka soo barbar-jeedinayo Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) Souef Mohamed El-Amine. Waxaan doonayaa in aan amaano hawlgalka Midowga Afrika, ATMIS iyo adeegga daacadnimada ku saleysan ee ay bixiyaan shaqaalihiisa iyo ciidamadiisu. Bilowga hadal-jeedinteyda waxaan sidoo kale jeclaan lahaa in aan mar kale ku celiyo in ay Qaramada Midoobey ballanqaadeyso ayna ka go’an tahay in ay Soomaaliya ku garab istaagto safarka taariikhiga ah ee ku dhalineyso, sida uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmeed yiri, ‘Soomaali heshiis ah, dunidana la heshiis ah.’ 

Mudane Maxaweyne, warbixinteydii koobneyd ee ugu dambeysey ka dib, waxaan Golaha ku soo wargeliyey xaaladda Laascaanood 7dii Sebtember. Sidoo kale waxaa 6dii Sebtember aan warbixin kooban siiyey Koox-Hawleedda Golaha Amaanka u qaabilsan Carruurta iyo Colaadda Hubeysan. 

Warbixinteyda kooban ee maanta waxaa ay taaban doontaa siddeed arrimood: 

  1. Waxyaabihii ku soo kordhey siyaasadda 
  2. Laascaanood 
  3. Amniga (oo ay ku jiraan weerarka socda, xasilinta iyo raadka bixidda ATMIS) 
  4. Haweenka, Nabadda iyo Amniga 
  5. Xaaladda bani’aadamnimada iyo xiriirrada is-beddelka cimillada  
  6. Xuquuqda aadanaha 
  7. Hindisaha Dalalka Saboolka ah ee Aadka u Qaameysan /Heavily Indebted Poor Countries Initiative (HIPC) 
  8. Kala-guurka 

Waxyaabihii ku soo kordhey siyaasadda 

Mudane Madaxweyne, wargelinteyda ugu horreysa waxaa ay ku saabsan tahay waxyaabihii ku soo kordhey siyaasadda. War-murtiyeedkii 27kii Maajo ee Golaha Wada-tashiga Qaranka waxaa uu dhigayey soo-jeedimo afar ah oo ku saabsanaa hannaanka doorashada ee mustaqbalka oo kala ahaa: (i) hannaan madaxtooyo/presidential system, (ii) hannaan laba xisbi, (iii) hal-qof iyo hal-cod oo ka dhaca guud ahaan dalka; iyo (iv) taariikhaha la qabanayo doorashooyinka golayaasha degaannada iyo is-waafajinta muddo-xileedka dowlad-goboleedyada. 

Soo-jeedimahaas afarta ah ayaa weli ugu xooggan doodda siyaasadda. Gaar ahaan, soo-jeedinta ku aaddan in loo wareego hannaan madaxtooyo iyo soo-jedinta ah in la is-waafajiyo jadwallada doorashooyinka Dowlad-goboleedyada taas oo ay ka dhalaneyso in muddo-kordhin loo sameeyo madaxweynayaasha hadda xilka haya oo dhaliyey muran badan. Waxaa xiisad gaar ah ay ka dhalatey muddo-kordhinta Dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. Waxaan marwalba carrabka ku adkeynayaa in dhammaan wax-ka-beddellada lagu sameeyo dastuurka, oo uu ka mid yahay go’aanka la xiriira muddo-kordhinta, ay tahay in lagu saleeyo geeddi-socodyo wada-hadal, isu-tanaasul iyo sharci-dejin. 

Waxaa weli walaac igu haya in Puntland aaney qayb ka ahayn Golaha Wadatashiga Qaranka tan iyo bishii Jannaayo 2023ka waxaana ku tirtirsiinaya in dowlad-goboleedka Puntland iyo Dowladda Federaalka ah ay isla eegaan waxyaabo ay isagu-tanaasuli karaan ayna yeeshaan wada-hadal si geeddi-socodka dastuuriga ah loo sii wado. Dib-u-eegista dastuurka ayaa udub-dhexaad u ah ajandaha qaran-dhiidda Soomaaliya waxaana uu fure u yahay in heshiis laga gaaro federaal-ahaanshaha dalka. 

Laascaanood 

Mudane Madaxweyne, wargelinta labaad waxaa ay ka hadleysaa Laascaanood. Sida aan ku sheegey warbixinteydii koobneyd ee tan ka horreysey ee aan siiyey Golaha, colaadda Laascaanood ayaa xoogeysatey 25kii Agoosto markii maliishiyaadka Dhulbahante ay u dhaqaaqeen dhinaca magaalada Oog. Waqtigan, xaaladdu waa ay deggan tahay, dadkuna waa soo guryo-noqonayaan. Haseyeeshee, meesha lagama saari karo in gacan-ka-hadalku uu mar kale dib u soo noqon karo. 

Qaramada Midoobey ayaa si joogto ah ula shireysa bah-wadaagta si la isugu duwo dadaallada ku aadan xallinta colaadda. Ka dib dhacdooyinkii 25kii Agoosto, waxaan 27kii Agoosto aan soo wada saarney war aan ku cambaareyno sii-xoogeysashada colaadda waxaana aan ku baaqney in dhammaan dhinacyada ku lugta leh ay u hoggaansamaan xuquuqaha aadamiga iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada, gaar ahaan ilaalinta dadka rayidka ah iyo kaabayaasha rayidka. Aniga iyo kooxdeyda waxaan marar badan xiriirro la sameyney dhammaan daneeyeyaasha muhiimka ah, oo ay mid yihiin Madaxweyne Biixi, Madaxweyne Deni ee Puntland, odeyaasha, hoggaamiyeyaasha Dhulbahante, iyo Guddiga dhowaan la dhisey ee Sool, Sanaag, iyo Cayn (SSC). Farriimaheenna ugu muhiimsan ee aan u jeedinno dhammaan dhinacyadu waa (i) in lagu dadaalo in dhakhso la isu dhaafsado dadka la kala haysto, (ii) ballanqaad ku aaddan in gacan-ka-hadal kale uusan dhicin iyo (iii) in la bilaabo wada-hadal. QM ayaa sidoo kale taageero ka geysaneysa hawlo miino-saaris iyo daraaseyn lagu sameynayo waxyaabaha loo baahan yahay si dadka awood loogu siiyo in ay soo guryo-noqdaan. 

Amniga 

Mudane Madaxweyne, wargelinta labaad waxaa ay diiradda saareysaa xaalad aan kaga hadli doono saddex arrimood: (1) dagaalka hadda socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab; (2) dadaallada xasilinta degaannada dhowaan la xoreeyey; iyo (3) bixidda ATMIS, iyo raadka ay ku leedahay dadweynaha iyo sida ay QM u awoodeyso gudashada waajibaadkeeda. 

Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab 

Madaxweynaha ayaa ku sugnaa Dhuusamarreeb – caasiamadda dowlad-goboleedka Galmudug – laga soo bilaabo 5tii Agoosto ilaa 8dii Oktoobar si uu u hago olalaha milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Inkasta oo guulo hordhac ah la gaarey markii Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo maliishiyadka qabaa’ilka ee bahwadaagta la ah ay la wareegeen dhul badan, haddana waxaa jirey dib-u-dhacyo iyo culeysyo dhinaca hawlgallka ah oo la soo gudboonaadey tan iyo waqtigaas. Ciidamada Dowladda ayaa hadda xoogga saaraya dib-isu-ururin, dib-isu-xoojin, iyo dib-isu-habeyn, iyo sidoo kale abaabulidda taageero dheeri ah oo laga helo qabaa’ilka, ka hor inta aan dib loo bilaabin hawgallo waaweyn. Dhinaca kale, hawgallo baaxaddoodu ay yar tahay oo Galmudug iyo Hirshabeelle uu ka fuliyey Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya ATMIS ayaa horumar sameynaya. 

Iyada oo ka falcelineysa jabkii soo gaarey, ayaa Al-Shabaab waxay kordhisey adeegsiga madaafiic cabbirkoodu yahay 107mm, gaar ahaan Muqdisho dhexdeeda. Waxaa ay sdioo kale weerarro ku qaaddey siyaasiin sare oo Soomaaliyeed. 

Colaadaha Soomaaliya ayaa dhibaatooyin waaweyn ay ka soo gaareen shacabka. Sanadkii la soo dhaafey, waxaa aragney kororkii ugu badnaa ee dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray rayidka tan iyo 2017kii. Waxaa wax laga xumaado ah in xog hordhac ah ay tilmaameyso in sanadkan 2023ka uu sidaas oo kale ku socdo, iyada oo ilaa hadda la xaqiijiyey 1,289 qof oo dhaawac ama dhimasho ah. Arrinta waxaa qayb ahaan sababteeda loo nisbeyn karaa weerarrada Al-Shabaab laakiin sidoo kale waxaa iyana loo nisbeyn karaa colaadda Laascaanood. 

Xasilinta  

Haddii aan hadda u soo noqdo arrinta xasilinta. Waxyaabihii ugu dambeeyey ee lagu soo ogaadey iyo talo-soo-jeedimihii daraaseyn madaxa-bannaan oo dhowaan la soo gabagabeeyey ayaa lagu saleyn doonaa dadaallada QM ee mustaqbalka oo hagi doonana hawsheenna. Laba arrimood ayaa gaar ahaan u baahan in loo dhug-yeesho: (i) in la diyaariyo boolis ku filan oo gacanta ku haya degaannada la xoreeyey; iyo (ii) in la galo abaabul kheyraad dheeri ah looga helayo bah-wadaagta si loogu adeegsado xasilinta. 

Marka loo yimaado hawsha booliska, Shirka Amniga Soomaaliya ee soo socda ee la qabanayo bisha Disembar ayaa lagu soo bandhigi doonaa daraaseyn faahfaahsan oo lagu sameeyey baahiyaha jira. Intaa wixii ka horreeya, iyada oo Dowladdu ay weli ku tiirsan tahay maliishiyaadka degaanka si ay gacanta ugu sii hayaan dhulka la xoreeyey, haddana waxaa muhiim ah in la hubiyo in ay ku shaqeynayaan shuruuc cad. 

Dhinaca maaliyad-siinta, barnaamijyada xasilinta ayaa kheyraadka ay haystaan uu aad u yar yahay, iyada oo keliya $20 milyan/sanadkii lagu bixiyo. Waxaan dhammaan xubnaha bah-wadaagteenna ku dhiirrigelinayaa in ay kor u qaadaan taageerada ay siiyaan xasilinta si loo hubiyo in guulaha dhinaca amniga ah ee sida adag lagu keeney loo rogo nolol wanaagsan oo ay helaan dadka Soomaaliyeed.   

Bixidda ATMIS iyo raadka ay ku leedahay muwaadiniinta iyo hawlgallada QM 

Culeys gaar ah oo lala kulmey bilihii Agoosta iyo Sebtembar ayaa ahaa in weerarka mileteri uu barbar-socdey u-diyaar-garoobidda wejigii labaad ee bixidda ciidamada. Codsigii xigey ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku codsaneysey in bixidda la hakiyo 90-maalmood, iyada oo aan wax laga beddeleynin jadwalka waqtiga wareejinta mas’uuliyadda amniga, ayaa ay 30kii September ansaxiyeen Ururka Midowga Afrika iyo Golaha Amaanka. Waxaa hadda socota hawsha lagu abaabulayo maaliyaddii hawshaa lagu fulin lahaa. Waxaan dhammaan xubnaha bah-wadaagta ku dhiirrigelinayaa in ay ka fekeraan bixiyaan taageero si loo buuxiyo maaliyadda ka dhiman ATMIS si loo hubiyo in hawlgalku uu ka soo dhalaalo hawshiisa, oo aaneyna dhicin in ciidamada la siin waayo mushaarkooda. 

Mudane Madaxweyne, QM ayaa hadda daraaseyneysa bixidda ciidamada iyo waxyaabaha ka dhalan kara. Welwelka ugu weyn ee aan qabo waa raadka bixidda ciidamadu ku yeelanayo dadweynaha rayidka ah. Sidaa daraaddeed, waxaan soo dhoweynayaa Daraaseyntii Farsamo ee Wadajirka Loo Sameeyey, oo naqtiintey casharradii laga bartey sidii bixiddii Wejigii I ay raadka ugu yeelatey dadweynaha rayidka ah. Bedqabka iyo amniga dadka Soomaaliyeed waa in ay xuddun u ahaadaan waxa aan maskaxda ku hayno inta aan horey ugu soconno kala-guurka. Dhinaceenna QM ahaan, waxa aan daraaseyneynaa raadka suuragalka ah ee bixiddu ku yeelan karto hawlgalladeenna iyo awoodda aan ku fulineyno hawsheenna. 

Haweenka, Nabadda iyo Amniga 

Mudane Madaxweyne, wargelinteyda afaraad waxaa ay ku saabsan tahay Haweenka, Nabadda iyo Amniga, oo weli safka hore kaga jirta hawsha UNSOM. QM ayaa Dowladda la shaqeyneysa iyada oo loo marayo barnaamijka wadajirka ah ee Haweenka, Nabadda iyo Ilaalinta, oo diiradda lagu saarayo la-shaqeynta iyo awood-siinta haweenka ee geeddi-socodyada nabad-dhisidda. Iyada oo QM ay sii ballaarineyso hawsheeda la xiriirta xasilinta degaannada la xoreeyey, waxaan tixgelin gaar ah siineynaa doorka haweenka iyaga oo ah nabad-dhaliyeyaal. QM ayaa sidoo kale sii wadda u-qareemeyn lagu xoojinayo shuruucda guud ee wax looga qabanayo wax-isu-raacasho la’aanta la xiriirta tacaddiga galmada. 

Dhinaca siyaasadda, UNSOM waxaa ay sii waddaa in ay la shaqeyso xubnaha haweenka ah ee Baarlamaanka, taas oo qayb ka ah dadaallada socda ee lagu hirgelinayo qoondada haweenka ee 30 boqolkiiba ah. Si taas loo xaqiijiyo, tababar lagu kobcinayo kartida xubnaha baarlamaanka ayaa ay weli bixineysaa Qaramada Midoobey. Sidoo kale waxaan dhowaan la kulmey hoggaamiyeyaal haween Soomaaliyeed oo dhiirran waxaana ka dhegeystey hawsha hormuudnimada ah ee ay ku hubinayaan in haweenka Soomaaliyeed ay door mug leh ay ka qaataan arrimaha muhiimka ah, laga bilaabo siyaasadda ilaa is-beddelka cimilada. Haweenkan ayaa carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo in lagu heshiiyo qorshe cad oo lagu xaqiijinayo qoondada haweenka ee 30 boqolkiiba ah. Wada-tacaamulka aan la leenahay madaxda Soomaaliyeed, ayaa Qaramada Midoobey waxaa ay si joogto ah ula soo qaadeysaa muhiimadda ay leedahay xuquuqda haweenka iyo in la hubiyo in haweenka lala tashado iyo in fikiradahooda ay ka muuqdaan qaababka guud ee sharci-dejinta.  

Xaaladda bani’aadamnimada iyo xiriirrada is-beddelka cimilada  

Mudane Madaxweyne, qaybta shanaad ee wargelinteyda waxaa ay diiradda saareysaa xaaladda bani’aadamnimada iyo xiriirrada is-beddelka cimilada. Dhibaatooyinka bani’aadamnimada ee Soomaaliya ayaa weli ah kuwo aad looga welwelsan yahay, iyada oo ku dhowaad afar milyan oo qof ay weli yihiin kuwo ay haysato haqab-beel la’aan cunto ayna u baahan yihiin gargaar. Xaaladda ayaa la saadaalinayaa in ay ka sii dari doonto laga bilaabo bartamaha Oktoobar ilaa Disembar, taas oo badanaa ay sabab u tahay roobabka xooggan ee Deyrta oo uu ku darsamey ifafaalaha El Niño ee la filayo in uu sababo fatahaadaha roobka iyo kuwa webiyada oo ka dhaca qaybo ballaaran oo dalka ka mid ah. Tirada dadka aan ka haqab-beelin cuntada ayaa la saadaalinayaa in ay kor u kacdo oo ay gaarto qiyaastii 4.3 milyan, iyo 1.2 milyan oo barakaca. Waxaa muhiim ah in aan kor u qaadno barnaamiyo wax ka qabanaya waxyaabaha gundhigga u ah ee sababa dhibaatooyinka bani’aadamnimada iyo in aan wax-ka-qabashada bani’aadamnimada aan dhexgelinno in muddada fog lala qabsado cimilada. 

Waxaa sidoo kale muhiim ah maaliyad-siinta Qorshaha Wax-ka-qabashada Bani’aadamnimada ee 2023ka, oo isku dayeya in ay helo 2.6 bilyan oo doolar si uu uga soo baxo baahiyaha mudnaanta leh ee 7.6 milyan oo qof. Waqtigan la joogo, qorshaha waxaa uu heley keliya 39.4 boqolkiiba maaliyaddii uu u baahnaa, waxaana ay bah-wadaagtu ku khasban yihiin in ay mudnaanta siiyaan dadka ugu nugul ee ku nool degaannada ay ka jirto baahida ugu ba’an. Waxaan dhammaan saaxiibbada Soomaaliya ugu baaqayaa in ay kordhiyaan maaliyad-siinta aadka loogu baahan yahay aysanna la daahin. 

Xuquuqda Aadanaha  

Mudane Madaxweyne, wargelinteyda lixaad waxaa ay ku saabsanaan doontaa xuquuqda aadanaha. Horumarka la xiriira sharci-dejinta ee waqtiga warbixintan waa mid dad dhiirrigelinaya. Waxaan Dowladda Federaalka ah ku amaanayaa ansaxinta Hindise-sharciyeedka Xuquuqda Naafada iyo sidoo kale Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta iyo Hindise-Sharciyeedka Garsoorka Carruurta. Siyaasadda Xaqiijinta Da’da, oo ah habraacii rasmiga ahaa ee ugu horreeyey ee lagu daraaseeyo da’da ee dalku abid yeesho ayaa sidoo kale la ansaxiyey. QM ayaa taageero farsamo iyo talo ka geysatey qorista hindise-sharciyeedyadan iyo siyaasaddan, waxaan anoo fursaddan uga faa’iideysanaya ku baaqayaa in waqtigii ku habboon lagu ansaxiyo laguna dhaqangeliyo.  

Inkasta oo horumarkan la xaqiijiyey, hadana waxaa jira waxyaabo kale oo ay tahay in la qabto. Waxaan mar kale madaxda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay dembiyada tacaddiga galmada wax uga qabtaan si waafaqsan waajibaadyada caalamiga ah ee xuquuqaha aadanaha ee ay Soomaaliya horeyba u ballanqaaddey. Waxaan sidoo kale Dowladda ku dhiiri galinayaa in ay is-waafajiso dhammaan dib-u-habeynta sharci-dejineed iyo kuwa siyaasadeed si ereyga carruur loogu qeexo qof kasta oo ay da’diisu ka hooseyso 18 sano. Sida aan ku xusey warbixinteydii koobneyd ee aan siiyey Koox-hawleedda Golaha Ammaanka ee Carruurta iyo Colaadda Hubeysan, Dowladdu waa in ay sameyso dhammaan taxadarrada lagamamaarmaanka ah ee lagu ilaalinayo carruurta marka ay socdaan hawlgallada mileteri. 

Hindisaha Dalalka Saboolka ah ee Aadka u Qaameysan (HIPC) 

Mudane Madaxweyne wargelinteyda toddobaad waxaa ay la xiriirtaa Hindisaha Dalalka Saboolka ah ee Aadka u Qaameysan (HIPC). Waxaa i dhiirrigeliyey dadaalka iyo horumarka ay Dowladda Soomaaliya ka gaartey xaqiijinta dhammeystirka HIPC ugu dambeyn bisha Disembar. Waxaan gaar ahaan soo dhoweynayaa ansaxinta Hindise-sharciyeedka Hantidhowrka kaas oo ah mid ka mid ah guulaha ugu dambeeya. Markan wixii ka dambeeya waxaa ay ila tahay in loo baahan yahay in heshiis lala gaaro Puntland si loo hubiyo in qaranku uu ka faa’iideysto maaliyadaha (deymaha) ballaaran ee shuruuddoodu fududdahay ee la helo ka dib HIPC iyo in la hubiyo dhammeystirka qaabka federaalka maaliyadeed ee ay yeelaneyso Soomaaliya. 

Kala-guurka  

Ugu dambeyntii, Mudane Madaxweyna waxaan jeclaan lahaa in aan war kooban kaa siiyo u-diyaargarowga QM ee saddexda kala-guur ee lagu sharxay dib-u-eegistii istiraatiijiga ahayd ee UNSOM sanadkii 2022kii. Unugga Kala-guurka ayaa hadda si dhammeystiran loo dhisey kaas shaqooyin saddex waddo ku soo kala arooraya uu leeyahay mid kasta oo ka mid ah kala-guurrada. Faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan kalaguurka amniga waxaa ku siin doona SRCC.  Intaa ka dib, waxaan Dowladda ku amaanayaa hawsha ay waddo ee ay ugu diyaar-garoobeyso qaab-dhismeedka amniga ee wixii ka dambeeya 2024-ka. Waxaa muhiim ah in goor hore loo sii diyaar-garoobo si kala-guurka amnigu uu u noqdo mid si fudud u dhaca iyo in tan lagu saleeyo daraaseyn cad oo lagu sameeyo awoodaha loo baahan yahay iyo baahiyaha maaliyadeed. Waxaan ka dhur-sugayaa shirka amniga ee dhici doona bisha Disembar, kaas oo noqon doona fursad muhiim ah oo looga heshiiyo faahfaahinta ku saabsan qaab-dhismeedka amniga ee ka dib 2024-ka. 

Gebogabadii, Mudane Madaxweyne iyo xubnaha Sharafta leh ee Golaha, Soomaaliya waxay mareysaa marxalad xasaasi ah. Inkasta oo marka dhinac kasta laga eego rajo laga qabo in Soomaaliya ay guuleysan doonto, haddana guushani waxaa ay u badan tahay in ay timaaddo marka si daacadnimo ah loo eego meelaha arrimuhu aaney ku socon waddadii saxda ahayd sidoo kalena loo dabaal-dego guulihii badnaa ee la gaarey. Waxaan dhammaan bahwadaagta caalamiga ah ku dhiirrigelinayaa in ay sii wadaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya si loo hubiyo in aan ku fara-adeygno guulaha badan ee aan ilaa hadda xaqiijinney. QM waxaa aad uga go’an in ay Soomaaliya ka taageerto xoojinta iyo adkeynta nabadda iyo barwaaqada.     

Mahadsanidiin.