Soomaaliya: Ixtiraamka xuquuqda aadanaha waxay muhiim u tahay doorashooyinka mustaqbalka - warbixinta QM

13 Aug 2018

Soomaaliya: Ixtiraamka xuquuqda aadanaha waxay muhiim u tahay doorashooyinka mustaqbalka - warbixinta QM

Geneva / Muqdisho – Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobey ayaa ku boorisay Soomaaliya in ay ka amba qaaddo guulihii waaweynaa ee ay ka gaartay geeddi-socodka nabadda shantii sano ee u dambeysay ayna qaaddo tallaabooyin lagu xaqiijinayo in doorashooyinka mustaqbalka aan sumcadda looga dhaawicin xadgudubyo iyo gaboodfallo ka dhan ah xuquuqul insaanka oo la geysto inta lagu guda jiro geedi-socodka doorasho ee 2016-2017.

Warbixinta uu soo saaray xafiiska* Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) iyo Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee QM ayaa faahfaahin ka bixiyay xadgudubyada iyo gaboodfallada xuquuqda aadanaha ee ay geysteen ciidamada ammaanka ee Dowladda, oo ay ka mid yihiin booliska iyo hay'adaha sirdoonka, iyo kuwa aan dowladda ka tirsanayn, oo ay ku jiraan Al Shabaab, intii lagu jiray, kahor iyo kadib doorashooyinkii baarlamaanka iyo madaxtooyada ee la qabtay dabayaaqadii 2016 iyo horaantii 2017.

Saddex iyo toban ka mid ah odayaal dhaqameedyo beeleed iyo laba ergooyin doorasho ayaa la dilay intii u dhexeysay bishii Agosto 2016 iyo doorashadii madaxweynenimada ee dhacday 8dii February 2017. Markaas wixii ka dambeeyay waxaa sii socday weerarrada rabshadaha ah ee lala beygsanayo dadka ku lugta leh doorashooyinka, iyadoo la dilay 29 odayaal dhaqameedyo beeleed iyo ergooyin doorasho, oo ay ka mid ahaayeen saddex haween ah. Ilaa iyo hadda, 44-kii dil ee la diiwaan-galiyay waxaa la baaray dacwadna lagusoo oogay labo kiis oo kaliya.

Intaa waxaa sii dheer, saxafiyiin, difaacayaal xuquuqul insaan iyo hogaamiyeyaal siyaasadeed ayaa lala beegsaday weeraro, cabsi-gelin iyo noocyo kale oo dhibaateyn iyo faragalin ah. "Rabshaddani waxay hor istaagtay xoriyada soo gudbinta xogta, waxayna wiiqaysaa awoodda muwaadiniinta ay uga faa'iidaystaan ugana qayb-qaataan geedi-socodka dimoqoraadiyadeed iyagoo go’aano laga baaraan-degay ka qaadanaya arrmo badan oo kala duwan.” ayay tiri warbixintu. 

Warbixintu waxay xustay in geeddi-socodka doorashooyinka ee 2016-2017 ay dhexeen waqti Soomaaliya aanay lahayn xisbiyo siyaasadeed. Iyadoo aanay jirin shuruudaha lagama maarmaanka u ah doorashooyin leh halbeeg caalami, ayaa waxaa la qaatay nidaam doorashooyin dadban oo 275 ergooyin doorasho, oo midkiiba uu ka kooban yahay 51 ergo, ay doorteen 275ta xubnood ee Golaha Shacabka. Baarlamaanka cusub ayaa soo doortay Madaxweyne cusub 8dii Febraayo 2017. Waxaa halkaas kasoo baxay baarlamaan xubnihiisu aad u kala duwanyihiin, oo kala bar xubnihisu ay yihiin xubno cusub iyo matalaad haween oo markii hore ahayd 14 boqolkiiba sanadkii 2012 lana gaarsiiyay 24 boqolkiiba.

"Waan soo dhoweynaynaa horumarkan, laakiin wax badan ayaa u baahan in wax laga qabto. Haweenka, dadka laxaadkooda dhimanyahay, beelaha laga tiro badan yahay, iyo kooxaha bulshada rayidka ah, ayaa fursad xaddidan u helay amaba aan u helin geedi-socodka doorasho maadaama uu ahaa geedi-socod siyaasadeed oo ku salaysan wax qaybsiga beelaha," ayuu yiri Michael Keating, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa UNSOM. "Waxaan ka war dhowraynaa doorashooyinka dhici doona 2020-2021, waxaan ku boorrinaynaa Xukuumadda in ay dhisto nidaam matalaad oo ay u wada-dhanyihiin dhamaan muwaadiniinta, kuna salaysan mabda’a hal-qof-iyo-hal-cod."

Warbixinta waxaa sidoo kale kamid ahaa qayb ku saabsan doorashadii madaxtooyada ee 2017 ee ka dhacdaySomaliland 13kii Nofembar 2017, taas oo loo maray nidaam cod bixin oo qof-iyo-cod ah. Warbixintu waxay faah-faahisay xadgudubyo xuquuqul insaan oo la xidhiidha doorashooyinka oo ka dhacay Somaliland, oo ay ku jiraan adeegsi awood xad-dhaaf ah oo ciidamada amnigu u adeegsadeen dibad-baxayaal, taas oo sababtay dhimashada saddex qofood iyo dhaawaca 17 qofood.

“Amni-darro, hay'ado garsoor oo tabar daran, iyo nidaam aan waafi ahayn ee ilaalinta xuquuqda aadanaha ayaa qayb ahaan sababay in la waayo isla-xisaabtan ku aaddan xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka,” ayay tiri warbixintu. Warbixintu waxay ku baaqaysaa in baaritaano degdeg ah, madaxbanaan oo dhexdhexaad ah lagu sameeyo xadgudubyada iyo gabood-fallada ka dhanka ah xuquuqul insanka ee lagu geystay magaca geedi-socodka doorashada.

Warbixintu waxay sidoo kale ku boorinaysaa Dowladda Soomaaliya in ay hubiso in sharciga doorashooyinka qaranka la ansixiyo ka hor doorashooyinka 2020, iyo sharcigaasi uu noqdo mid waafaqsan heerarka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka ee lagu dhaqmo. Waa in la hubiyaa sooyaalka xuquuqul insaanka ee musharaxiinta. Intii lagu guda jiray geedi-socodkii doorashooyinka ee 2016-2017, waxaa musharaxiinta ku jiray hogaamiye-kooxedyo hore iyo taliye ciidan oo lagu eedeeyay dembiyo dagaal.

"Maadaama Soomaaliya ay sii waddo hawsha adag ee dhismaha hayádaha iyo nabadaynta, waa in ixtiraamka xuquuqul insaanka uu udub-dhexaad u noqdaa hawshaas. Taas waxaa kamid ah damaanad-qaadka dhamaan xoriyaadaha guud, sida xaqa xoriyadda ra’yiga iyo hadalka, iyo isu-soobaxa nabadeed iyo kamid-noqoshada. Waa lagama maarmaan in la ixtiraamo xaqa dhibanaha uu u leeyahay xaal-marin iyo mag-dhow,” ayuu yiri Ergeyga Saree e QM u qaabilsan Xuquuqul Insaanka Zeid Ra’ad Al Hussein.    

 

*Read the full report - Securing Political Participation: Human Rights in Somalia’s Electoral Processes