Axmed Xasan: ‘Shaqada samafalka laga maarmaan ayay ka tahay’ Soomaaliya

5 Sep 2018

Axmed Xasan: ‘Shaqada samafalka laga maarmaan ayay ka tahay’ Soomaaliya

Axmed Diini Xasan waxaa uu aad uga warqabaa muhiimadda ay shaqada samafalka u leedahay nolosha dadka saboolka iyo kuwa nugul ee ka tirsan bulshada.

Axmed oo dhashay 1956 kana soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa agoontoobay isaga oo yar iyadoo ay taasi sababtay in uu tiirsanaado deeqda dadka kale.

“Labo sano jir unban ahaa markii ay hooyadeey dhimatay, aabaheyga ayaa haddana dhintay aniga oo aanan murugtii hore ka soo kabsanin. Waxaa ay ahayd xaladdii ugu darneyd ee nolosheyda soo marta,” 

Maadaama uu heysanin meel uu aado, sanaddii 1961-dii Axmed waxaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho keenay mid ka mid ka ah qaraabadiisa, waxaa uuna ka diiwaan geliyey goob dowladda leedahay oo in ka badan 100 agoon lagu xanaaneeyo. Maadaama ay qaraabadiisa waxbo u qabaneyn, Axmed waxaa uu xiriir xooggan la yeeshay shaqaalaha samafalka ee xarunta agoomaha kuwaasi oo ula mid ahaa waalid. 

“Ma xasuusto dareenka uu leeyahay koriska hooyo ama aabo, waxaana koritaankeyga abaal ugu haayaa shaqaalaha samafalka, kuwaasi oo iga caawiyey in aan helo waxbarasho,” ayuu yiri Axmed oo ka qallin jabiyey Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. 

Kaddib markii uu qaatay shahadaada heer jaamacadeed oo uu ku bartay culuumta xannaanada xoolaha iyo beeraha, Axmed waxaa uu 1981 shaqo ka helay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha.

Inkasta oo uu ku mashquulay shaqadiisa, ma uusan ilaawin saameynta uu samafalka yeelan karo. Waxaa uu Axmed sii xoojiyey xiriirkii uu la lahaa hay’adaha samafalka, isagoona bil kasta deeqayey qayb ka mid ah mushaarkiisa si uu u caawiyo dadka nugul ee bulshada ka midka ah, khaasatan haweenka iyo carruurta.

Colaad, Burbur iyo Shaqo-la’aan War, collapse, unemployment

Hase yeeshee 1991-dii nolosha Axmed ayaa isbaddeshay – dagaal sokeeye ayaa qarxay, dowladdii dhexe ayaa burburtay, shaqo-la’aan ayuuna soo istaagay. 

Inkasta oo Axmed caqabado la soo darsay, marna ma uusan ka rajo dhigin riyadiisa ahayd in abuur urur samafal ah. 1995-tii isaga iyo lix saaxibadiisa ah ayaa waxaa ay aasaaseen hay’ad samafal ah oo lagu magacaabo Somali Peace Line (SPL) taasi oo goor dambe ka mid noqon doonta hay’adaha samafalka ugu cadcad dalka. 

“Koritaanka aan ku soo koray xarunta agoomaha ayaa igu dhiiriggeliyay shaqada samafalka, hadafkayga ugu weynna waxaa uu ahaa in aan saacido dumarka iyo carruurta, kuwaasoo saameyntii ugu darneyd kala kulmeen dagaalkii sokeeye,” ayuu yiri aabahan 62-jir ah oo 11 caruur dhalay.

In ka badan 20-kii sano ee ugu dambeysay, Xasan iyo asxaabtiisa waxa ay naftooda halis u geliyeen qaybinta cunnada, dharka, iyo sahayda iskoolka ee ay siinayeen dadka ugu liita, oo ay kamid yihiin agoon iyo rajo iyo dadka barakacay.

“Waxaan sidoo kale aan dadka xanuunsan u gudbinnaa isbitaallada Muqdisho, Jowhar, Galmudug iyo qaybo ka mid ah Shabeellada Hoose waxaana bixinnaa kharashkooda caafimaad,” ayuu raaciyay

Inkastoo ujeedka laga leeyahay uu yahay mid wanaagsan, shaqada samafalka ee Soomaliya ma aha mid loogu talagalay dadka qalbiga nugul waana mid ay khatar badan ay weheliso.

14-kii Oktoobar, ee sanadkii hore, Axmed waxaa uu ka badbaaday mid ka mid ah weerarkii bambaano ee ugu dhimashada badnaa taariikhda waddanka, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 500 oo ruux isgoyska Soobe ee gudaha magaalada Muqdisho. Weerarka argagixiso ayaa ka dhacay meel dhowr mitir u jirto xafiiska uu sida caadiyan ahba uu ku dubarido shaqada samafalka ee SPL.

“Awoodda qaraxa ayaa cirka ii gantay inta aanan dhulka kusoo daryaamin isagoo iga dhigay mid miyir daboolmay. Goortii uu miyirka ii soo laabtay waxaan arkay dad badan oo meyd ah. Qaar badanna waxay la rafanayeen xanuun. Argagax ayay lahayd,” ayuu xusay Axmed, isagoo sidoo kale Alle ooga mahadnaqaya sida uu naftiisa u badbaadiyay.

Inkasta oo ay musiibada ka nixisay waxay sidoo kale ku sii dhalisay inuu sii jeclaado samafalka, kaddib markii uu arkay muwaadiniinta kale oo isku imaanaya si ay u caawiyaan kuwa dhaawaca uu soo gaaray una tacsiyadeynayay ehelada laga geeriyooday.

Dhibaato dheeri ah xilliga dagaalka

Hase yeeshe, Axmed waxaa uu aaminsan yahay in guud ahaan xaaladda shaqada samafalka ee Soomaaliya ay hadda wanaagsan tahay. “Shaqada samafalka aad ayay u dhib badneyd xilligii ay socdeen dagaaladii sokeeye, qaybo badan oo dalka ka mid ah waxaa gacanta ku haayay qabqableyaal dagaal oo kala duwan, marka isu socodka suurtagal ma ahayn,” ayuu yiri.

Marar badan ayaa waxaa dhacday in Axmed iyo asxaabtiisa ay wada xaajood la galeen kooxo maleeshiyo ah si loo oggolaado in ay gaaraan dadka saboolka ah ee ku sugan deegaanno aad u fogfog, halkaas oo kaliya tiro yar oo shaqaale gargaar ay isku dayeen in ay booqdaan. 

Inkasta oo ay xaaladaha Soomaaliya wax iska beddeleen, haddana amniga ayaa weli caqabad weyn ah. Sida laga soo xigtay Isu-duwaha Arrimaha Gargaarka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Peter de Clercq, Soomaaliya waxaa laga soo warramay 74 dhacdo oo la xidhiidha weeraro loo geystay shaqaalaha gargaarka, xarumaha caafimaadka iyo agabka tani iyo bilowga sanadka 2018. Toddoba shaqaale gargaar ayaa sanadkan la dilay, halka toban kale ay dhaawacmeen.

Si looga gudbo caqabadahan, ayaa Axmed iyo saaxiibbadiisa waxaa u suurtagashay in ay xidhiidh xooggan la yeeshaan hoggaamiyeyaasha bulshada ku sugan qaybo kala duwan ee waddanka, kuwaas oo ayaga magacooda ku bixiya gargaarka, sidaasna ay ku yareeyaan halista la xidhiidha sahayda gargaarka bani’aaddamnimada oo lagu safriyo waddada.

“Xita waxa aan gargaarka ku fidinnaa EVC (adeegga lacagaha mobeelka) si loo yareeyo halista la xidhiidha amniga,” ayuu raaciyay.

Intaasi waxaa dheer, ka hor inta aan gargaarka la geyn meelaha halista badan, kooxda SPL waxaa ay la falgashaa odayaasha iyo culimada si ay u hubiyaan in ay wax ka og yihiin qorshahooda si aanan loo arkin in ay yihiin dad dano kale wata.

“Sababo la xidhiidha colaadaha ka dhaxeeya beelaha ee ka jira qaybo ka mid ah waddanka, mar kasta waxaa jirtaa halis ah in lagugu khaldo in aad ka soo jeeddo qabiil dagaal lagula jiro – waa xaalad si fudud u sababi karto dhimasho,” ayuu xusay Axmed. Lix sano ka hor, Qaramada Midoobay waxaa ay 5-ta bisha Sebteembar u aqoonsatay Maalinta Adduunka ee Samafalka si lagu aqoonsado kaalinta wanaagsan ee ay shakhsiyaadka, ganacsatada, bulshada rayidka iyo hay’adaha deeqda bixiya ka ciyaaraan ciribtirka dhammaan noocyada kala duwan ee saboolnimada.

Sida uu qabo Axmed, waa maalin ku habboon Soomaaliya.

“Maalintani aad ayay munaasab ku tahay Soomaaliya waayo waxa aan ka soo kabsaneynaa colaado dhaba dheeraaday isla markana ay jiraan dhibaato badan iyo shaqo la’aan,” ayuu yiri ninkan 62 sano jirka ah. “Tani waxaa ay gargaarka ka dhigeysaa mid aan laga maarmeyn.”